Iyada ay ay dhaqdhaqaaq siyasadeed ay
shalay ku talaabsatay dawlada Soomaaliya ayaa xalay
kooxaha huwan shaati diimqeedka beenta ah weerar ku
qaadeen fadhiisimaha dawlada Soomaaliya taasoo kaliftay in
xalay ilaa saaka wali madaafiic lagu garaacayo magaalada
Muqdisho.
Sidoo akle saaka ayaa dagaalo xoogan waxa ay ka socdaan
qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho gaar ‘ahaan deegaanada
kuyaala waqooyiga magaalada Muqdisho sida degmada
Boondheere. Dagaaladaan ayaa waxa ay yhiin kuwo aad u
xoogan waxaana leesku adeegsanayaa madaafiic xoogan iyo
waliba qoryaha daran dooriga u dhaca.
Qaybo badan oo kamid ah magaalada Muqdisho ayaa waxaa
laga maqlayaa xooga madaafiicda ay iswaydaarsanayaan
dhinacyadaan isaga soo horjeeda magaalada Muqdisho.
Khasaaraha dagaalkan ayaana wali wax war ah loo hayn,
balse ilo wareedyo ku sugan Muqdisho ayaa noo sheegaya in
ciidamada Dawladu ay haatan Sifeen ku wadaan aagagii xalay
weerarka lagaga soo qaaday.
www.ceegaag.com