Abshir
Bacadle oo ahaa Abwaan Soomaaliyeed, ayaa ku geeriyooday
magalada Muqdisho, isaga oo u dhiman wax nabar ah balse u
timid tii Rabbi.
(Muqdisho,
October 10,
2010 Ceegaag Online)
Abshir Nuur Farax (Bacadle) ayaa sida la sheegay ku dhashay
magalada Mastaxiil ee ismaamulka Soomaalida Ethiopia, waxuu
kadib u soo gudbay asaga oo yar magaalada Muqdisho isagoona
durba bilabay wax barashadiisa aas-aasiga aheyd.
Sida magaciisa ka muuqata, Waxa uu bilaabay ganacsiga
isagoona furtay bacadlayaal lagu iibiyo dharka nuucyadiisa
kala duwan.
Abwaanka waxuu bilaabay suugaanta gabayada, waxuuna si weyn
u soo shaac baxay xiligii Sideetamaadkii isaga oo tiriyay
gabayo badan oo ka hadlayay arimaha bulshada, waxaana si
gaar ah gabayadiisa looga xusi karaa gabaygii Xijaabka
Dumarka islaamka ah ka hadlayay iyo waliba Gabaygi kale ee
Jaadka isna ka hadlayay.
Sido kale Abshar Bacadle ayaa mar kale ka soo dhax muuqday
fagarayaasha xiligii Maxkamadaha la wareegeen awooda
Magalada Muqdisho iyo qaybo ka mid ah bartamaha iyo kofurta
Soomaaliya, isaga oo u tirayay Gabayo uu ku taageerayay
Midowgi Maxkamadaha Islaamka.
Abwaan Bacadle ayaa mudadii u dambeysay dareemay in ay soo
dhawaatay geeridiisa isago ka tiriyay gabay aad ka
dhadhansan karto in uu abwaanka dareemay in uu ku jiro
xiliga arbaciinkiisa.
Abshir Bacadle Allaha u naxariisto waxa uu ahaa Abwaan
wadani ah waligiisna ka bixin dalka, waxuuna maalmihii danbe
ku mashquulsanaay arimaha samafalka isaga oo ka ciyaaray
kaalin weyn oo muuqato, waxuuna si weyn u caawinaayay dadka
Soomaaliya ee ku barakacay gudaha dalka Soomaaliya.
Anaga oo
ah bahda Ceegaag waxaan tacsi u diranaa dhamaan qoyskii iyo
qaraabadii Marxuum Abshir Nuur Farax isagana waxaan ilaahay
uga baryanaa inuu janadii ka waraabiyo AAMMIIIINN.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |