Cuqaasha
iyo Waxgaradka Beesha Guuleed Garaad Barkad oo ka hadlay
Ciimada iyo Hubka la sheegay in Beeshu ku Wareejisay
Maamulka Somaliland
(Balicad, October 06,
2010 Ceegaag Online)
Waraysiga Taliyaha Ciidamada Beesha Barkad Jaamac Aadan Cas
Dahagayso
Waraysiga Caaqil Axmed Saalax Maxamed
Dahagayso
Waraysiga Oday Xaaji Axmed Xaaji Maxamuud Mire
Dahagayso
Kadib Markii Todobaadkani Qaarkamid ah Warbaahinta SSC
Lagu daabacay in Ciidmadii iyo Hubkii Beesha Guuleed
Garaad Barkad lagu Wareejiyey Maamulka Somaliland ayaa
dhinaca kale Shabakada Wararka Ceegaag.com Warqabadka
Buuhoodle Waxaa soo gaadhay Cabashooyin Xoogan oo ka
imaanaya Cuqaasha Waxgaradka, Dhaliyada iyo Qaybaha kala
Duwan ee Beesha Guuleed Garaad Barkad oo iyagu Warkaasi si
Kulul u Canbaareeye, kuna tilmaamay Warar la Doonayo in
lagu kala dilo Gudaha Beesha Guuleed Garaad Barkad.
Shabakada Wararka Ceegaag.com ayaa Maanta Waxa Khadka
Taleefoonka Magaalad Balicad kula soo Xidhiidhay Xubnaha
Golaha Cuqaasha iyo Qaarkamid ah Waxgaradka Beesha Guuleed
garaad Barkad oo iyagu ka Cabanaya Wararkaasi lagu
Daabacay Qaarkamid ah Warbaahinta SSC, Waxaana Cuqaashaasi
si kulul Wararkaasi igu tilmaameen Warar ka Fog Xaqiida oo
gabi ahaanaba aanay jirin in Ciidamadii iyo Hubkii Beesha
Lagu Wareejiyey Maamulka Somaliland, isla marlaanay aanay
Dhici dooni in Maamulkaasi lagu Wareejiyo wax Hub ah oo
beeshu leedahay. Sidaasi Waxaa Ceegaag.com u sheegay
Caaqil Axmed Saalax Maxamed.
Cuqaasha iyo Waxgaradka Beesha Guuleed Garaad Barkad
ayaana ugu baaqay dhamaan Qurba jooga Beesha Barkad in
Wararkaasi yihiin kuwo ka Fog Xaqiida oo la doonayo in
Khilaaf lagu kala dhex abuuro Gudaha Beesha Guuleed Garaad
Barkad Waxayna ugu baaqeen Kooxaha Wararkaasi Ku Daabacay
Websedyada inay ka Fiirsadaan hadii kale talaabo laga
Qaadi Doono.
Waraysiyada Xubnahaasi katirsan Cuqaasha iyo
Waxgaradka Beesha Guuleed Garaad Barkad ee la Soo
Xidhiidhay Shabakada Wararka Ceegaag.com ka dhagayso kana
Bogo xaga Sare.
Cali dhagjar
Ceegaag.com
Buuhoodle
webmaster@ceegaag.com |