Degmada Ceegaag oo laga
Hirgaliyey Maktabad lagu Baranayo Xifdinta Quraanka Kariimka
ah iyo Xifdinta Tafsiirka
(Ceegaag,
October 27, 2009 Ceegaag Online)
Degmada Ceegaag ayaa Waxaa
Markii ugu Horaysay Laga Hirgaliyey Maktabad Wayn oo ay ku
dhan yihiin dhamaan l Noocyada Kibaabada Quraanka
Kariimka ah iyo Waliba Kuwa laga Barto Tasfiirka Quraanka
Kariimka ah Waxana Magtabadaasi oo ah Mid balaadhan Degmada
Ceegaag ka Hirgaliyey Dhaliyo Culumo ah oo ka soo Jeeda
Degmada Ceegaag oo iyagu ka kala yimid gobolada Dalka
somalia Gaar ahaan Magaalada Laascaanood oo Dhalinyaradaasi
Culumada ahi ku han jireen Macayo kala Barto Barashada
Diinta Islaamka iyo Xifdinta Quraanka Kariimka ah oo haatan
loo soo Wareejiyey Magaalada Ceegaag iyo Waliba Magtabadaasi
oo haatan si Rasmi ah Deegaanka Ceegaag looga Furay.
Shabakada Wararka
Ceegaag.com ayaana Booqatay Magtabadaasi laga Hirgaliyey
Degmada Ceegaag oo siwayn looga soo Dhaweeyey Gabi ahaanba
Deegaanka Ceegaag Waxana Shabakada Wararka Ceegaag.com
Furitaanka Magtabadani iyo Faaiidooyinka Deegaanka ku soo
Kordhisay Waxyaabaha laga Barto Waraysi Dheerv kala yeelatay
Sh Cabdi Qani Macali Faarax oo isagu Culumadaasi Hormuud u
ah, Sh ayaana Shabakada Wararka Ceegaag.com u sheegay inay
Magtabadani Waxyaabo badan ku soo Kordhisay Horumarinta iyo
Baraarujinta Diinta Islaamka iyo Kor u Qaadista Shareecada
Islaamka.
Culumadaasi ayaana Sidoo
kale Degmada Ceegaag ka Bilaabay Waxbarasho Bilaash ah oo
Dadka Waa Wayn iyo kuwa Yar Yarba Wax loogu dhigayo gaar
ahaan Barashada Diinta Islaamka iyo Xifdinta Quraanka
Kariimka ah Waxayna Culumadaasi safar ugu baxaan
Magaalooyinka kale ee ku hareeraysan Degmada Ceegaag oo ay
ka bilaabeen Baraaru jinta Diinta Islaamka iyo in ilaahay
laga Cabsado iyagoona Dadwaynaha Deegaanadaasi u soo
jeediyey Wacdi farabadan iyo Tafsiir ku saabsan Waxyaabaha
looga baahan yahay Qofka Islaamka ah inuu ku dhaqmo isla
ilaaliyo Waxii ilaahay ka Reebay(Waraysigaasi Shiikha oo
dhamaystiran
WWW.Ceegaag.com ka dhagayso)
Cali dhagjar
Ceegaag.com
Ceegaag
webmaster@ceegaag.com |