Fanaanada Saado Cali oo booqatay dukaamo lagu dilay soomaali
dalka S/Afrika
(Cape
Town, October 06,
2010 Ceegaag Online)
Fananada Qaranka
Soomaaliyeed Saado Cali Warsame ayaa maanta booqatay
tuulooyin ay degan yihiin ganacsato Soomaaliyeed dalka
K/Africa.
Intii ay booqashada ku jirtay fanaanada ayaa waxay gaartay
tuulooyin ay ka mid yihiin Khayalisha oo horey loogu laayay
Soomaali farabadan iyo tuulada Langa oo ku taalla duleedka
magaalada Cape Town.
Sidoo kale Saado waxey la kulantay ganacsato Soomaaliyeed oo
ku sugan tuulooyinka ay booqatay, waxayna Saxaafada u
sheegtay inay walalaheeda Soomaaliyeed ay jeceshahay ayna la
qeybsaneyso dhibaatooyinka.
Waxay ku guubaabisay inay isku duubnaadaan, sameystaana
guddiyo dowladda K/Africa kala hadla arimaha Soomaalida si
wax loogu qabto dhibaatooyinka u badan dilalka lagu hayo
Soomaalida ganacsiga ku leh tuulooyinka.
Dalka K/Africa ayaa horey u soo gaarey wafuud iyo madax ka
socota Dowladda Soomaaliya balse majiraan Saado ka hor kuwa
booqday tuulooyinka iyo meelaha khatarta ah oo horey loogu
dilay muwaadiniin Soomaaliyeed.
Xigasho:Calanka
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |