Labo Qof oo ku Dhimatay Tacshiirad ka Dhacday Magaalada
Laandheer
(Laandheer,
October 17,
2010 Ceegaag Online)
Ugu yaraan 2 Ruuxi ayaa ku dhintay Tacshiirad ka dhacday
Magaalada Laandheer oo katirsan Degmada Danood ee Gobolka
Wardheer ee Ismaamulka somalida Ethopia, tacshiiradaasi
ayaa Timid kadib Markii Muran dhexmaray Dhalinyaro iyagu
Deegaankaasi ku Wada sugnaa Waxana tacshiiradaasi ku
dhintay Mid kamid ah Labo dhalinyaro ah oo Muran Dhexmaray,
Waxana kaloo ku dhaawacmay Mid kamid ah dadkii kala
Dhexgalay oo isaga Dhaawaciisa la keenay Magaalada
Buuhoodle kadibna Geeriyooday.
Lama oga Waxyaabaha sababay Murankaasi dhaliyey
tacshiirada Keentay Dhimashada mana jiraan Wax aano Qabiil
ah oo Dhexmaray Labadaasi garab Waxana Deegaanka Laandheer
ee Tacshiiradaasi nka dhacday Maamul ahaan gacanta ku haya
Maamulka Degmada Danood Waxana kaloo Deegaankaasi ku sii
Jeeda Waxgarad badan oo ka kala tagay Buuhoodle iyo
Deegaano Kale.
Ugu Danbaytiina Culumada Waxgaradka Buuhoodle ayaa ugu
baaqay Dhinacyadaasi Dhibaatadu Dhexmartay inay ka
shaqeeyaan Guud ahaanba Nabadgaliyada Deegaanka iyo
Xasiloonida iska markaana Dhibaatadaasi ka shaqeeyaan
sidoo loo Dejin lahaa.
Cali Osman Yuusuf.
Ceegaag.com
Buuhoodle
webmaster@ceegaag.com |