Raysalwasaaraha
Dowlada KMG Soomaaliya Mudane Maxamed C/lahi
Maxamed Farmaajo ayaa kooxaha dawlad diidka ah ee
ka soo horjeeda dawlada Soomaaliya ugu baaqay inay
joojiyaan dagaalka ay ku halaakeenayaan umada
Soomaaliyeed ee colaadu dagaaladu baabiisay.
Raysalwasaare Farmaajo ayaa saxaafada hadal uu u marinayay kaaxaha
ladagaalamaya dawlada Soomaaliya u sheegay
in wax xal ah aan lagu gaadhi karin qori caaradii
ee loo baahan yahay in lawada hadlo, isagoo ugu
baaqay kooxahaas in ay nabada qaataan, taana ay
tahay mida kaliya ee dalka dhibaatada looga saari
karo.
Raysalwasaaraha Cusub ayaa dhinaca kale amaanay
Askrata Dowlada ee dagaalada kula jira kooha kasoo
horjeeda, waxaana uu sheegay in howshiisa ugu
horayso ay noqon doonto bixinta xaquuqda Ciidamada
Dowlada.
Kooaxa kasoo hor jeeda dawlada ayaa u muuqda kuwo
dhirbaaxooyin laxaadleh kasoo gaadhayaan
dagaaladii ugu danbeeyay ee ay la galeen dawlada
Soomaaliya oo ay garbinayaan ciidamo Burundi iyo
Ugaandhees ahi.
Nabadan uu Raysalwasaare Farmaajo ku baaqay ayaa u muuqata in ay tahay ku tirtirsiin mucaaradka inay joojiyaan xalku raadinta Qumaca caaradiisa madaama ay u cadahay in aan lays muquunin karin ay haboon tahay in la heshiiyo waasida uu hadalka u dhigay e.