Tacshiirad Xoogan oo socotay Mudo ayaa maanta galinkii
hore ka dhacday Deegaanka Baliga Kalshaale oo Dhinaca
Waqooyiga kaga Beegan Magaalada Buuhoodle isla markaana
Deegaan ahaan katirsan Gobolka Cayn, tacshiiradaasi ayaa
Timid kadib Markii Waxgarad iyo Odayaal ka soo Jeeda
Deegaanka Qorulud halkaasi dabceen inay tagaan Waxana
tacshiirad Xoogan ku furay Dhalinyaro ka soo Jeeda Beel
ahaan isla odayaashaasi oo Doonayey inay ka Aasan
Deegaamay halkaasi laga Bilaabay oo Todobaadkaniba Muran
Xoogani kataagnaa.
Waxana Odayaashaasi dib ugu laabteen Dhinaca Magaalada
Qorulugud Waxana Odayashaasi Markiiba dalbadeen inay soo
gaadhaan Ciidamo katirsan Maamulka somaliland iyo
Waxgarad ka socday Magaalada Burco si loo aaso
Deegaankaasi oo si Bilaa sharci ah Lagu Qoday, Waxan
Dhinaca kale Deegaankaasi Maanta Gaadhay Cuqaal Culumo
iyo Waxgarad badan oo saaka ka tagay Dhinaca Buuhoodle
oo lagu Wado inay Maalinta Barito ah isku arkaan
Dhinacyada kale ee lagu Wado inay Halkaasi Soo gaadhaan.
Xaaji Maxamuud Xaaji Cumar Camay oo kamid ah Waxgaradka
Halkaasi Gaadhay oo Caawa Fiidkii dib ugu soo laabtay
Buuhoodle ayaa shabakada Wararka Ceegaag.com u sheegay
inay Xiisadu haatan degan tahay isla markaana
Deegaankaasi lagu Wado in Maalinta Barito ah laga aaso
Deegaanka Laga bilaabay, isla markaana barito dib ugu
laabanayaa, Waxana kaloo Maxamuud Xaaji Cumar intaasi
Raaciyey inay ka War dhowrayaan Maamulka somaliland iyo
Waxgaradka Bariga Burco oo Balan ku Qaaday inay
Deegaankaasi si nabad ku jirto u Aasayaan.