Wasiirka
Wasaarada Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee maamul
goboleedka Puntland oo Shabakada Wararka Ceegaag.com uga
Waramaya safarkii uu ku tagay Qorilay iyo Xiisada Cadaada.
(Garoowe,
October 15,
2010 Ceegaag Online)
Waraysigii Wasiirka Wasaarada Qorshaynta iyo Xiriirka
Caalamiga ah ee Maamulka Puntland Daauud Maxamed Cumar(
Daa,uud Binsile)
Dhagayso
Wasiirka Wasaarada Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee
Maamulka Puntland Daauud Maxamed Cumar( Daa,uud Binsile)
ayaa Shabakada Wararka Ceegaag.com uga Waramaya Colaadii
dhawaan markale ka soo Cusboonaatay Deegaanka Cagaare
Halkaasi oo beelo Walaala ahi Markale dagaal sababay
Dhimasho iyo Dhaawac uu ku Dhexmaray, Colaaasi oo Dhowr
Jeer oo Hore Dhexmartay Labadaasi Beelood oo Deegaankaasi
Wadadaga.
Waxaana Goobtaasi Colaadu ka dhacday Gaadhay Wafti
balaadhan oo Wasiirku Hogaaminayo oo kala dhexgalay
Beelahaasi Waxaana Wasiirku Shabakada Wararka Ceegaag.com
uga Waramay halka ay haatan marayso Dhex dhexaadintii laga
Dhex Waday labadaasi Beelood. Waxana uu Wasiirku sheegay
in Go,aamo laga soo saaray Hordhac ah Colaadaasi dibna
loogu balamay in 2 Bilood kadib laysu yimaado Gogosha
Nabad, Waxa uu intaasi Raaciyey in Beesha baharsame
Labadaasi Bilood ay iyagu Qabsadeen.
Wasiirka ayaana Sidoo Kale Shabakada Wararka Ceegaag.com
Wax ka Waydiisay Tacshiirad lagu Furay Wasiirka Xili uu ku
Sii Jeeday Deegaanka Dharkayngeeyo halkaasi ku sugnaa
Garaad Jamac Garaad Cali, Waxan Wasiirku Ceegaag.com u
sheegay inay koox dablay ahi Jidgooyo halkaasi ku dhigeen
kadiba Rasaas ku fureen, Wasiirka ayaan sheegay in aanay
Wax talaabo ah aanay Qaaday ilaaladii uu Wasiirku Watay,.
Ugu danbaytiina Wasiirka ayaa sheegay inay Colaadii labada
Beelood haatan tahay Mid degan isla markaana la kala Diray
Dhamaan Ciidamadii labada beelood kulam Xoogana ay ka
socdaan Deegaanadaasi oo Waxgaradkii Doonayo inay dajiyaan
Colaada, ka maamul ahaana is garab taagayaan in Colaadaasi
la soo afjaro, Waraysigaasi oo Dhamays Tiran ka dhagayso
Shabakada Wararka Ceegaag.com.
Ali dhagjar
Ceegaag.com
Buuhoodle
webmaster@ceegaag.com |