Biyaha oo la cabo Caloosha oo
madhan waxay kaa ilaalisaa Xanuuno badan oo aan laga bogsan.
(Dubai U.A.E, April 19, 2011
Ceegaag Online)
Waxa ay
noqotay wax caada ah Dalka Japan
Maanta inay Dadku Biya badan cabaan si toos ah markay Hurdada
ka kacaan Aroortii iyada oo ay Calooshoodu madhan tahay,
taas oo ku timid iyada oo ay ogaatay Jamciyad Caafimaadka ku
hawlan oo Dalkaas ahi Guusha ah in Biyaha lagu daawayno karo
Xanuuna badan oo aan laga bogsan oo khatar ah iyo sidoo
kale kuwo meel Dhexaad ahba, daawayntanuna ay tahay mid lagu
guulaysanayo 100% Xanuunada soo socda:
Madax Wareerka, Xanuunka jidhka, Xanuunada Wadnaha,
Infection ka Xaglaha, Darbadaha Xawliga Wadnaha, Suuxista,
Buurida xad dhaafka ah, TP da, Xiiqda, Infection ka
Mareenada, Meningitis ka, Xanuunka Kelyaha iyo Mareenka
Kaadida, Hungaacada, Infection ka Caloosha, Shubanka,
Bawaasiirta, Sonkoriga, Calool Fadhiga, dhamaan Xanuunada
Indhaha, Xanuunada Ilmagaleenka, Kudka, dhibta Dhiiga
Dumarka, Xanuunada Dhegaha iyo Sunka iyo Hungriga,
Sida laysugu daawaynayo
1- Si
deg deg ah markaad kacdo Aroortii intaadan cadayan cab Afar
Koob oo Biya ah qiyaastii 160ml.
2- Dabadeedna
cadayo oo Afkaaga nadiifi laakiin waxna ha cunin waxna ha
cabin ilaa mudo 45 Daqiiqo ah
3- Markay dhamaato 45 ka Daqiiqo sidii caadada kuu ahayd
baad waxna u cuni kartaa una cabi kartaa waxaad doonto
4- ka dib 15 Daqiiqo marka aad Quraacato iyo sidoo kale
markaad Qadayso iyo markaad Cashaysoba waxba ha cunin hana
cabin ilaa iyo mudo 2 Saacadood ah
5- Xaga Dadka Da'da ah ama Bukaanka ah ee aan cabi karayn
Afar Koob oo Biya ah ha cabeen marka hor Biyo yar dabadeedna
talaaba talaabo ha u kordhiyeen ilaa ay gaadhsiiyaan Afar
Koob Maalin kasta
6- Asluubtan daawaynta ah ee aan kor ku cadaynay waxay ay
bogsiinaysaa Bukaanka qaba Xanuunadaa aan soo sheegnay hadii
Allaah tacaalaa u idmo, Dadka se aan qabin Xanuunadaa Allaah
ha ka hayo oo ha siiyo Nolol Caafimaad ah oo wanaagsan
Inshaa Allaah
Tirada Maalmaha la qaadanaayo isdaawayntan Xanuun walba
gaarkiisa
1-
Dhiig Karka Sareeya- 30 Maalmood
2- Xanuunada Caloosha iyo Dacarta- 10 Maalmood
3- Xanuunka Sonkoriga- 30 Maalmood
4- Calool Fadhiga- 10 Maalmood
5- Xanuunka Kudka- 180 Maalmood
6- Xanuunka TP da- 90 Maalmood
7- Bukaanka qaba Infection ka Xaglaha waxa ku waajib ah inay
raacaan isdaawayntaa aan kor ku xusnay Todobaadka kowaad 3
Maalmood oo keli ah, dabadeedna Maalin walba wixii laga
bilaabo Todobaadka labaad
Hadaba Asluubtan isdaawaynta ah ee aan kor ku xusnay malaha
wax Dhibaato ah oo Dhinac kale ah (side effect) iyada oo ay
sidaas tahay baad bilowga waxad la kulmaysaa in aad marar
badan Kaadido wax dhib ahna taas kuma jirto, waxana haboon
inaan ku socono isdaawayntan oo aan ka dhigno waajib caado
inoo ah Nolosheena
Caadayso Cabida Biyaha si is daba joog ah oo ku noolow
Caafimaad iyo Jidh bedqaba iyo Firfircoonaan
waxay
u muuqataa arintanu inay aad u Caqli gal tahay, Dadka
China iyo Japan waxay ku
cabaan Shaah kulul markay Cuntadooda cunayaan, markaa waxa
laga yaabaa inuu Maanta Waqtigu ku haboon yahay in aan
raacno Dariiqada Asluubtooda iyo Caadaadkooda ay u cunaan
Cuntada!!! waxba kuma khasaaraysid bal waxbaad ka kasban
Xaga Dadka jecel in ay cabaan Biya qabow fadlan u fiirsada
hadalkan soo socda:
Waxa uu noqon
karaa wax macaan inuu Qofku cabo Koob Biya ah qabow ka dib
ama laboba markuu wax cuno si kastabana arintu ha ahaatee
Biyaha qaboobi waxay fadhiisiyaan oo ay ka dhigaan Solid is
haysta Maadooyinka Saliida ahaa ee aad hada cuntay, waxayna
gaabis ka dhigtaa arinta raqidinta, marka uu la kulmo Acid
ka ay Calooshu soo daynaysona wuu jajabaa oo googo'aa waxana
nuugaaya Xiidmaha si ka dheersa sida ay u nuugaan Cuntada
solid ka ah ee kale, dabadeena waxay fadhiisanayaan Xiidmaha
mudo yar ka dibna waxay isu bedelayaan Dufan waxayna
horseedaysaa taasu oo keeni karta Cudurka Kudka (Cancer)
Allaah haynaga hayee, markaa waxaa haboon inaad cabto
Shurbad kulul ama Biyo Diiran markaa wax cunto ka dib
Wabillaahi atowfiiq
Waxaa soo guuriyay oo diyaariyay:
Essa Mohamoud
webmaster@ceegaag.com
|