Carqaladaha
ganacsi ee ka jira Qaarada Africa (Hindrances to do business
in Africa)
(London, April 08, 2011
Ceegaag Online)
Casharkii hore
waxaa aynu kusoo qaadanay fursadaha ganacsi ee ka jira
qaarada afrika, casharkan waxaan wax kaga soo qaadan doonaa
qaar ka mid ah caqabadaha ka gancsiga qaarada afrika.
Waxaan shaki ka jirin in qaarada africa ay ka jiraan
jaanisyo badan oo aan ka jirin adduunyada hore u martay.
Waxaanan kusoo qaadanay casharkii hore jaanisyo badan oo ka
jira qaaradan africa.
Casharka maanta waxaan kusoo qaadan doonaa caqabadaha ama
carqaladaha ka hor imanaaya qofka raba in uu maal gashi ka
sameeyo qaaradan africa.
Si
aan uga faaiidaysano fursadaha ganacsi ee yaala qaaradan
afrika waa in aynu samayno daraasad xog-uruurineed
(feasibility study) inta aynaan waxba bilaabin taas oo inoo
sahlaysa in aan suuqyada si fudud ula qabsan karo. Waana in
aynu ka dhignaa ganacsiga soomaalida mid koraaya oo aqoon ku
salaysan lehna aragti cad (vision) iyo ujeedo (objective.)
Laaluush (bribery):
Laaluushka ama musuqmaasuqu (corruption) waa dhibaatooyinka
ugu badan ee haysta dadka ama wadamada africa dhamaantood.
Laaluushka wadamada africa qaarkood waxaa looga yaqaanaa
dhiirigeliye (motivator) waana wax agtooda ka noqday wax aan
xumaan ahayn oo caadi ah. Laaluushku ma aha mid aad
bixinayso hal mar iyo laba toona waa mid aad bixinayso ilaa
inta uu ganacsigaagu ka jiro qaarada africa sidaad doontaba
u bixiyo.
Waxaan arkay wadamo uu laaluushku yahay wax cidwaliba ay ku
dhaqanto xataa madaxda waddanka, xataa waxaad arkaysaa
shaqaale ku leh gacantu masaxeexi karto warqadda ilaa
shidaal lagu shubo.
Cashuur sare (high taxation):
Dawladdaha africa waxaa ay ka siman yihiin cashuur xad dhaaf
ah oo la saaro dadka ganacsatada ah ama dadka raba in ay
maalgashi sameeyaan. Goobaha cashuurta lagu qaadaa ma aha
goobo nidaamsan waxaanad moodaa meelo loogu talo galay in
keliya lagu curyaamiyo dadka ganacsatada ah. Xataa haddii ay
dawladdu wada heli lahayd cashuurta saxda ah ee ay bixiyaan
dadka wax lasoo degayaa waxaa suurto gal ahaan lahayd in la
arko africa oo kor u socota.
Cashuurta saaidka ahi waxa ay ku khasbtay dadkii wax lasoo
degaayay in ay been ka sheegaan qiimaha badeecadda ay lasoo
degaan ee saxda ah, tusaale ahaan badeeco $10,000 ayaa lagu
sheegayaa $2500 kedibna cashuurtu waa ay is dhimaysaa.
Taasina waxaa ay keenaysaa in ay dawladdu cashuur hagaagsan
qaadan weydo kedibna ay cashuuro kale oo dheeri ah soo
saaraan.
Cashuurta ma aha ta keliya ee la iska qaado marka aad lasoo
degayso badeeco laakiin waxaa jira lacago kale oo la bixiyo
laguna bixiyo meelo kala duwan.
Nabadgelyo xumo (lack of security):
Waxaan shaki ku jirin nadabgelyo xumo in ay hooyo ka tahay
caqabadaha hor taagan horumarka xaga ganacsiga ee africa.
Amni darada waxaa ka mida Boob, dhac ama nidaam tuuganimo oo
xeeladaysan in laguula yimaado.
Kaabayasha dhaqaale la’aan (lack of good
infrustructure):
Meelo badan oo qaraadan africa ka mid ah ayaa dhibka ugu
weyn ee ay la kulmaan dadkii maalgashiga samayn lahaa ay
tahay kaabayaashi dhaqaalaha oo aad uyar amaba aan jirinba
sida layrka, biyaha, gaadiidka, caafimaadka, wadooyinka,
dekadaha, airports iwm. Dekadaha qaar ayaa aad uga fog
magaalooyinka waaweyn ee laga ganacsan lahaa qaarna maba
laha dekado (land locked).
Xafiisyo badan (Massive bureaucracy):
Dhibaatooyinka kale ee ka jira africa waxaa ka midah
xafiisyo badan oo is daba ayaala oo mid waliba warqad maalin
lagu dhamyn lahaa uu haysanaayo muddo. Taas oo xafiis waliba
uu u baahan yahay laaluush iyo in aad daba taagnaato oo
waqti badani kaaga lumo.
Badanaa wadamada afrika marka laga reebo Rwanda iyo S/Afrika
culays badan ayaa ka jira dhinaca waraaqo badan oo sharci ah
ama aan sharci ahayn sidii waqti go’an loogu heli lahaa.
Haddii aad u baahato warqad hal saac qaadan lahayd waxay
qaadanaysaa hal wiik iyo wax ka badan.
Dhaqaalaha afrika oon deganayn (Unstable
economy):
Dhaqaalaha africa ma aha mid degan waxaanad arkaysaa
lacagtii oo kolna hoos u socta kolna kor usucota
(fluctuation). Badeecaddii aad shalay ku iibinaysay qiime
fiican ayaa saaka isbedel aad ku arkaysaa. Isbedelka qiimaha
lacagtu waa culays haysta dhamaan shirkaddaha hore u jiray
iyo kuwa suuqa hadda soo galaayaba.
Maqnaanshaha xukuumad fiican (absence of good
governance):
Dhibaatooyinka kale ee haysta qaaradan waxaa ka mid ah
maamul xumo ba’an oo dhinacwalba ka haysata. Lama oran karo
dadka afrikaanka ah ayaa ah dad dib usocod ah laakiin dib
udhanaca dhinaca ganacsiga waxaa sabab u ah xuukumadaha oo
haba yaraate aan diyaar u ahayn in ay waddamadooda hore u
mariyaan.
Tusaale ahaan Waddanka Rwanda waa wadanka afrika ugu horeeya
dhinaca fududaynta waraaqaha ganacsiga ama shirkaddaba.
Tusaale ahaan haddii aad maanta timaado caasimadda Rwanda ee
Kigaali waxaa sharciga lagugu siinayaa muddo 24 saacadood ah
waxaana aad bixinaysaa $50 keliya. U fiirso waa waddan ay
dhibaato muddo kasoo jirtay waxaan oran karaa waa waddanka
afrika ugu amniga badan maanta. Madaxweynaha Rwanda Paul
Kigame waxaa uu muujiyay karti iyo maamul fiican oo africa
oo dhan u noqon kara wax lagu faano. Rwanda waa waddanka
keliya ee afrika ee aan lagu weydiinayn amaba xabsi lagu
galo laaluush. Marka aad xuduudka ka gelayso Rwanda waxaa ku
qoran Investment yes corruption no) taas oo ah maalgashi haa
laakiin laalush maya.
Markaad eegto Rwanda waa waddan lagu laayay in kabadan
million qof ayaa hadana maamulka kajira, nadaafada ka jirta
iyo horumarka waddanka aad la yaabaysaa. Maxaa keenay ma
xaga dadka ayay ka timi mise xaga dawladda, waxaan oran
karaa waxay ka timi xaga hogaanka sare oo ah dad daacad ah
oo diyaar u ah horumar iyo barwaaqo in ay gaarsiiyaan
dadkooda. Haddii Rwanda ay sidaa kusii socoto waxaan shaki
ka jirin ay muddo kooban hogaamin doonto waddamo badan oo
afrikaan ah oo muddo dheer soo jiray. Rwanda dhibka ugu
badan ee haystaa waa waddan yar oo aan lahayn deked
dadkiisuna aad ayay u yaryihiin waana dad sabool ah.
Dhibka soomalida haysta:
Soomalida waxaa ay ganacsiga kusoo jireen muddo dheer oo la
oran karo waa muddo uu qofku ku yeelan karo waayo aragnimo
ganacsi. Hadana waxaad moodaa in soomalida maalintii ay
bilaabeen ganacsiga afrika ilaa hadda ay isku si uwada
fakirayaan taasoo oo keentay in ay soo wajahdo dhibaato
culus oo dhinaca ganacsiga ah.
Haddii aan tusaale kooban usoo qaadano waqtigii ay soomalidu
soo gashay meelo badan oo ka mid ah afrika waxaa ay ka
bilaabeen iibinta waxyaalaha daruuriyaadka ah sida cuntada,
dharka, kabaha, bagaashka iyo electronics. si fiican ayay
suuqyadaana ugu guulaysteen waxaana ay meelo badan ka
riixeen dadkii ganacsigaa samayn jiray oo ah Hindi si fiican
u taqaana suuqyada welibana qiimaha sixirkoodu uu aad u
sareeyo.
Hindidi markii ay ogaadeen sida uu suuqu ku socdo waxaa ay
bilaabeen in ay u wareegaan dhinaca warshadaha yaryar (light
industry) ama jumlad layaal waaweyn (distributors). Taas oo
keentay in ay si fiican u qabsadaan suuqyo kale oo cusub oo
ka banaanaa afrika. Soomalida ayaa looga tagay suuqyada lagu
gado waxyaalaha daruuriyaadka ahaa. Soomalidu waxaa ay
wadaba waxaa yimi xili ayagana ay soo food saartay in dadkii
afrikaanka ahaa ee wadanka u dhashay ay soo fahmaan
ganacsiga, qaarkood iskood ayay u barteen qaarna soomaalida
ayaa bartay meelaha laga keeno iyo qiimaha lagu keenaba.
Dhibaatada kale ee beryahan soo baxday waxaa ka mid ah in
dhamaan soomalida looga shakiyo in ay xiriir la leeyihiin
kooxaha ka dagaalamaya soomaliya. Xataa dadka sita passport
kale oo aan ahayn soomaliga waxa lagu weydiinayaa asalkaagii
xagaad kasoo jeedaa markaad tiraahdo soomaliya waxaa lagu
saarayaa calaamatu su’aal (?). ma aha keliya waddamada East
Afrika kuwa sidaan samaynayaa laakiin waa wadamo kale oo
xataa aan aqoonba soomalida waayo TV ayaa laga daawadaa.
Hadaba waxaa is weydiin leh hindidi waxaa ay u baxeen
warshadaha yaryar markii ay arkeen in soomalidu suuqyada soo
gashay, soomalidu halkee ayay u baxaysaa marka dadkii
waddanka u dhashay ee afrikaanka ahaa ay suuqyada soo galaan
oo ay bartaan ganacsigii soomalida iyo halka ay kasoo
qaaadaanba?. Jawaabta dadweynaha ayaan u dhaafayaa?
Lasoco casharka kan xiga wiikwalba haddii ALLAH yiraa
Mustafe
Ibraahim
mustaf1970@hotmail.co.uk
webmaster@ceegaag.com
|