Ganacsiga iyo
xiriirka dadweynaha (public relations)
(London, April 23, 2011
Ceegaag Online)
Kelmada xiriirka dadweynaha ama la
macaamilka dadweynaha ee loo yaqaan public relations loona
soo gaabiyo (PR) waxaa lagu qeexi karaa qeexido badan oo isu
wada dhawdhaw, haddan soo koobno waxaan ku qeexi karaa waa
qorshaynta, adkaynta, is fahamsiinta, sawir fiican ka
bixinta shirkadd ama urur iyo dadweyne. Waxaa kale oo lagu
qeexaa waa xiriirinta urur, shirkadd ama shakhsi iyo
dadweynaha.
Ujeedada ugu weyn ee loo sameeyo
waaxdan PR waa in la abuuro bulsho (community) iyo shirkadd
wada socda lana dhagaysto bulshada waana in uu qaado
gudbiyina siyaasadda iyo danaha shirkaddu una gubiyo
dadweynaha. Public relation officer waxaa loo yaqanaa
afhayeenka shikradda ama ururka (spokesperson). Waxaa kale
oo la yiraa shaqada muhiimka ah ee PRO waa samcad ilaaliyaha
shirkadd ama urur (reputation protector). masuuliyadda PRO
waa in uu horumariyo adeegyadda ama badeecadda shirkadd,
isagoo taas u maraaya in uu qabanqaabiyo shirar iyo kulamo,
inu uu qabto bandhigyo, in uu ku qoro qoraalo jaraaidka
amaba website ay leedahay shirkaddu.
Maanta shirkaddo badan oo ay ka mid
yihiin shirkaddaha soomalida ayaanba aqoon fiican u lahayn
waxa uu yahay PR. Waxaad arkaysaa shirkaddaha waaweyn ee
soomalida oo inta badan uu hadlaayo ninka CEO. Taasina waxay
cadaynaysaa in weli shirkaddaha soomalidu aanay ka korin
nidaamka loo yaqaan maamul keligii taliye (authoritarian
management) oo ah in hal qofi uu noqdo CEO isla markaana uu
yahay Marketing manager, hadana uu yahay PRO waxwalba uu
asagu rabo in uu ka hadlo ama qabto. Waxaan hore usoo
sheegnay faaiidada ay leedahay maamulka oo lakala fudaydiyo
(delegation) isla markaana qofwaliba ay u calaamad santahay
waxa uu qabanaayo iyo masuuliyadiisu waxaa ay tahay.
Dhamaan shirkadduhu uma wada baahna PR
waayo waxaa ay ku xiran tahay baaxada shirkadda, laakiin
shirkaddaha u baahan PR waa shirkaddaha waaweyn sida
xawiladdaha iyo isgaarsiinta. Waxaan oran karaa soomalidu
waa dadku ugu baahida badan leh in lasameeyo PR, sababtoo ah
waa dad afka wixii war ah isku gaarsiiya, markaa haddiiba
hal qofi been uu ka sheego shirkadd ama hal qofi uu wax xun
ka qoro shirkadd intii kale oo dhan ayaa warkaa qaadanaysa
ayagoon iska hubinin.
Maadama soomalidu ay ka midyihiin
dadyawga afrika ugu isticmaalka badan leh shebekadaha
wararka waxaa si fudud ay u keeni kartaa in warbixino qaldan
laga faafiyo shirkaddo kale isla markaa si fudud loo baabiyo
shirkadd muddo dheer soo jirtay soona shaqaynaysay. Si taas
looga hortago waa in lasameeyaa PR oo ah waaxdii ilaalin
lahayd sumacadda shirkadda lana socon lahayd sheekooyinka
suuqa soo galaaya iyo dhamaan qoraalada ku lidiga ah
shirkadda ee la qoraayo iwm.
Waxaan oran karaa shirkaddihii
xawilaadaha burburay ee soomalida waxaa ugu wacnaa
burburkooda wararka suuqa u galay oo aan la ilaalinin
buruburka ugu weyni waxaa uu ka yimi warar la faafiyay oo
suuqyada galay kedibna qof waliba wixii uu hayay ayuu la
fariistay ayadoo ay fududayd in la daba qaban karo, waa in
soomalidu ay ku baraarugtaa faaiidada ay leedahay PR oo
runtii ah isku xirka bulshada iyo shirkadda. Shirkaddaha
qaar ayaa PR waxaa qaabilsan marketing manager ma aha sidaa
shaqo ahaan waa ay isku dhaw yihiin laakiin marketing
manager waxaa uu ku dadalaa kobcinta adeega ama badeecadda
halka PRO uu ku dadaalo ilaalinta magaca iyo sumacadda
shirkadda.
Shirkaddo waaweyn oo xawilaado ahaa oo
aan soomaliba ahayn ayaa ayaguna waxaa la sheegaa waxyaalaha
burburiyay in ay qayb ka ahayd warbaahinta oo warar aan sax
ahayn sii daayay.
Hadaba waa in aan ku baraarugnaa
faaiidada uu leeyahay PR inta ay goori goor tahayna ay
shirkaddaha waaweyni ku dadaalaan in ay sameeyaan waaaxdan
ilaalinaysa samcadda shirkadda.
Faraqa
u dhaxeeya marketing and public relations:
Waxaan shaki ku jirin in dadku ay isku
qaldaan PR iyo Marketing. Laakiin waxaan si kooban hoos ugu
sharixi doonaa faraqa muhiimka ah ee u dhaxeeya:
·
Marka laga hadlaayo marketing waxaa la
horumariyaa badeecadda shirkadda halka PR lagu dadaalo sidii
loo horumarin lahaa magaca shirkadda.
·
Marketing waxaa uu xooga saara sidii loo iibin
lahaa badeecadda, PR waxaa xooga lasaaraa sidii loo iibin
lahaa magaca shirkadda (brand).
·
Marketing waxaa uu xooga saaraa sidii loo
iibgayn lahaa badeeco iyo qiimihii lagu iibin lahaa, laakiin
PR waxaa uu xooga saaraa marketing la sameeyay bal sida ay
dadku u arkeen iyo sidii loo sameeyayba.
·
Marketing waxaa lagu dadaalaa sidii loo heli
lahaa faaiido (profit), laakii PR waxaa ay ku dadalaan sidii
shirkaddu samcad u heli lahayd(reputation).
Shaqada
madaxa xiriirka dadweynaha (public relation officer):
·
Wuxuu ilaaliyaa warbixinta ka baxaysa
shirkadda ee la siinaayo warbaahinta.
·
Isaga ayaa xiriiriya shirkadda iyo warbaahinta.
·
Haddii ay dhibaato weyni ku timaado shirkadda
waa shaqsiga ugu horeeya ee wax hagaajiya.
·
Waxa uu hubiyaa in xayaysiintu ay gaartay
dadkii saxda ahaa (target audience).
·
Wuxuu kobciyaa sumcada shirkadda.
·
Waxa uu dejiyaa ama qoraa wixii khutbo ah
(speeches) ee ay jeedinayaan madaxda usaraysa shirkaddu.
·
Waxaa uu kobciyaa xiriirka u dhaxeeya maamulka
iyo shaqaalaha.
·
Waxa ay bixiyaan war sax ah oo lagu kalsoonaan
karo si loo qanciyo dadweynaha ama macaamiisha.
·
Xiriirinta shirkadda, sharciyaqaanda iyo
dawladda
·
wuxuu qorsheeyaa ololaha shaqo ee sannadka
·
wuxuu xiriir la leeyahay madaxda kale gaar
ahaan CEO ama madaxa kale ee shirkadda haddiiba ay soo
baxaan waxyaalo la isku khilaafsan yahay.
·
Wuxuu ka qayb qaataa nidaamka lacag uruurinta
ee loo samaynaayo shirkadda (fund raising)
·
Wuxuu isku duba ridaa wixii bandhig ah ee la
samaynaayo.
Xirfadaha looga baahan yahay PRO:
·
Waa in uu si fiican u yaqaana xirfadaha
iib-gaynta (sales skills) iyo xirfadaha suuq-gaynta
(marketing skills).
·
Waa in uu leeyahay xirfad wax qoris (writing
skills).
·
Waa in uu leeyahay xirfad hogaamineed
(managerial skills).
·
Waa in uu yahay qof hal abuur leh (creativity)
isla markaana keenaya fikrado cusub (innovation).
·
Waa in uu suuqa si fiican ula socdaa gaar
ahaan tartamayaasha.
·
Waa in uu wax ka yaqaano cilmi-nafsiga
(psychology) si uu usoo jiidan karo dadweynaha.
·
Waa in uu noqdaa dhib-xaliye (problem solver)
marka ay soo baxaan dhibaato u dhaxaysa shirkadda iyo
dadweynaha.
·
Waa in uu yahay qof sabir leh si uu ugu
dulqaato su’aalaha ay weydiinayaan warbaahintu.
·
Waa in qofku wax ka yaqaano xirfada saxaafada
iyo xayaysiinta.
Lasoco
wiika dambe iyo barnaamijka ganacsiga insha ALLAAH.
Mustafe
Ibraahim
mustaf1970@hotmail.co.uk
webmaster@ceegaag.com
|