Guuldarada
ganacsigu waa dariiqa guusha
(London, April 15, 2011
Ceegaag Online)
Waxyaalaha maanta adduunka dhan loo
halgamaayo waa sidii loo heli lahaa lacag, magac, caanimo,
iyo sharaf. Haddii runta laga hadlaayo haddii intaas oo dhan
larabo waa in loo hogaansamaa cidii waxaas oo dhan bixinaysa
oo ah ALLAAH. Lacag in la helaa maanta adduunkan ma adka
laakiin waxaa ay ku adag tahay ninkii isku adkeeya. Waxaan
shaki ku jirin in qofku haddiiba uu himma leeyahay (goal)
amaba ay jirto wax uu ku riyoonayaa uu gaari karo intay
doontaba ha qaadato.
Waxaan shaki ku jirin in guuldaradu ay
tahay talaabada ugu horaysa ee loo qaado dhinaca guusha.
Guuldarada uguweynina waa iyadoo qofka marka culays ka
horyimaado is dhiiba. Haddiba aad rabto in aad samayso
ganacsi weyn u diyaar garow qaladaad waaweyn. Kolba qaladka
aad samaynaysaa wuxuu ku xiran yahay inta uu leegyahay
ganacsiga aad samaynaysaa.
Ku guuldaraysashada ganacsigu waxaa ay
dadka qaar ku keentaa niyad jab weyn, fashilka ku yimaada
shirkadd ama qof waxa uu keenaa in ay dadka maamulka ahi
mararka qaarkood ooyaan, ay ka shaleeyaan in aanay mardambe
bilaabin ganacsi, waxaanay ku keentaa niyad jab aad u weyn
balse waxaa ay gaarsiisaa in uu qofku naftiisa dhib usoo
jiido. Laakiin dadka yaqaana ganacsigu waxaa ay ku
tilmaameen fashilka ku yimaada ganacsi ama qof in uu yahay
macalin ku baraaya sidii aad u guulasyan lahayd, fashilkuna
waa qalabkii ku bari lahaa sidaad wax u hagaajin lahayd.
Qorshe (plan) waxaan shaki ku jirin in
uu yahay dariiqii aad ku gaari lahayd riyada ganacsiga aad
rabto in aad samayso amaba aad rabto in uu ganacsigaagu
gaaro. Guusha ugu horaysa waxaad ku gaari kartaa in aad
samaysato yool (goal) wax aad higsanayso. Dadka ku horumaray
hogaaminta shirkaddaha ganacsiga waxa ay yiraahdaan qofku in
uu qani noqdaa waxa ay ka bilaambantaa maskaxda fayow iyo
hadalka fiican ee leh qorshe nidaamsan. Si aad u gaarto
ujeedada aad leedahay waa in aad noqotaa qof sugan oon
isbedbedel aan lahayn, sabir badan oo toosan. Waxaan ognahay
in sabirka lagaga gudbo xaalado badan oo adag laguna gaaro
inta aad gaarayso guusha aad higsanayso.
Waxaa ay dabeecaddu (nature) ina
baraysaa in wax waliba ay si tartib tartiib ah u kacaan
amaba u kobcaan. Macnaha guushuna waa go’aankii aad gaartay
oo aad dhamystirto. Hadafka oo la gundhigaa (goal setting)
waa hab xeeladaysan oo ay isticmaalaan dadka aqoonta leh ama
xirfad layda ah gaar ahaan dadka ku guulaystay ganacsiga
waxaa uu ku siinayaa aragti dheer iyo in aad degdeg u gaarto
guul.
Guushu waxaa ay la jirtaa kuwa sida
qotada dheer uga fikiraaya in ay guulaystaan had iyo jeerna
u halgama. Majirto cid kusoo dhalatay ayadoo qani ah ama
taajir ah. Laakiin waxay wax ku heleen dadaal iyo shaqo
badan. Waa in aynu baranaa sida aynu ku gaari karno
hogaamiye shirkadd ganacsi, waa in aynu baranaa luqaddii
aynu ku hadli lahayn marka aynu dhexjoogno ganacsigeena
(corporate language).
Marka aynu rabo in aynu ganacsi samayno
waa in aynu maskaxda ku haynaa in ay hawli inaga horayso
waxaan shaki ku jirin in ay qalado soo bixi doonaan si lama
filaan ah. Maareeyayasha ganacsiguna aad ayay uga baqaan
badanaa marka layiraa cilad ayaa soo baxday. Laakiin
guuldarada ama qaladaadku waa qayb ka mid ah nolosha
bani’aadamka waana wax aad marwalba lakulmi doonto horayso
ama dambaysaba. Waxaan shaki ku jirin in cunuga yari wuxuu
kaacaa kufaba uu aakhirka istaagayo kufitaankuna waa uun
barashada kicitaanka iyo socodka
Hadaba sidee ayaad cagta usaari lahayd
dariiqa guusha ganacsi ama shirkadd?. Si su’aashaa aan uga
jawaabno waxaan u baahan nahay in aanu aan wax ka soo
qaadano waraysiyo la la yeeshay dadkii inooga horeeyay
dariiqaa ee ku guulaystay in ganacsigoodu uu hore u maro.
Neils Bohr: khabiir waxaa
layiraahdaa qofka sameeya qalad ee wax ka barta.
Rober Allen: majirto wax
guuldaro layiraa waa uun natiijo ama jawaab kuu soo baxday
wixii aad tijaabisay.
Sergey Brin: sergey waa ninka
aasaasay GOOGLE. Waxaana uu yiri dadku waxaa ay had iyo
jeeraale isku dayaan waxyaalo cusub. iminka, dadka
guulaystaa waa keliya dadka khibrada ama garaadka sare leh.
Terry Leahy: waa CEO hore ee
dukaanka weyn ee Tesco wuxuu retire noqonayaa sannadkan,
wuxuu shaqada ksoo bilaabay nadiifiye (cleaner) isla
dukaanka Tesco. Waxa uu rabay in uu Tesco shaqo kale u qabto
laakiin waa la diiday. Waxa uu daba taagnaadaba kolba heer
soo maraba waxuu noqday CEO Tesco. Mushahaaradiisu waxay
ahayd 1.3 million pound sannadkii.
Michael Dell: waa ninka aasaasay
shirkadda ugu weyn adduunka dhinaca computers ee loo yaqaan
DELL. Dell waxaa uu yiri ha ka cabsan in aad fashilanto.
Shaqada halkaa kasii wad, tijaabi ka faaidayso waxna ka baro
wixii aad ku fashilantay. Sida aad ugu celcelinayso waxaad
la kulmaysaa meelo jaanis leh, laakiin haka cabsanin in aad
guuldaraysato waayo waxa baad ka baranaysaa.
A.T.Martin: dariiqa ugu
dhakhsaha badan ee aad ku dhisi karto ganacsi guulaystaa waa
adoo hore ka guuldaraysta ama fashilma.
Steve Case: steve Case waa CEO
shirkadda weyn ee AOL. Waana nin caan ku ah dhinaca maamulka
waxaa uu yiri: waa ay yaryihiin run ahaantii dadka diyaarka
u ah in ay khatar qaadi karaa (risk takers) waxaan shaki ku
jirin in ay dadyari uun adduunka saamayn ku yeelanayaan.
Mohamed alfayed: arinta ugu
muhiimsani waa nicmada ALLAAH haddii aad ALLAH rumaysan
tahay nafdaadana rumaysan tahay majirto wax laga warwaraa.
Henry ford: maanta dadka
badankiisu waa ay yaqaanaan shirkadda Ford ee baabuurta
samaysa, run ahaantii bilogii ganacsigiisa waxaa uu
guuldaraystay dhawr jeer inta aanuu aasaasin shirkadda weyn
ee baabuurta ee Ford. Waxaa kala oo laga hayaa Henry Ford
oraahda ah fashilku waa meel lagu nasto, waana jaaniska aad
markale si xikmad leh wax uga bilaabi kartid.
Bernard Arnault: waxan jecelahay
in aan dadka u sheego in dhamaan badeecadayada iyo
ganacsigayaguba waxaa ay martaa saddex waxyaalood oo ah,
aragti (vision), sabir, iyo fulin (execution).
Philip green: waa ninka 9 aad ee
ugu dhaqaalaha badan UK. Waa ninka iska leh Arcadia Group.
Afar ganacsi ayuu ku guuldaraystay ka hor intii aanu noqon
millionare. Hadda waa billionaire.
Bob Brown: waa siyaasi u dhashay
australia, waxaana uu yiri ninkasta oo guulaystay waxaa soo
maray sannado badan oo guuldaro ah.
Bill Gates: waa ninka iska leh
Microsoft oo ah shirkadda ugu weyn caalamka ee dhinaca
Software. Waxa uu yiri haddii aad rabto in aad guulweyn
gaarto waa in aad guuldaro weyn qaadaa (big risks).
H. Stanley: waqtiga ha iskaga
lumin in aad daboosho guuldarada kusoo gaarta (failure).
Casharo ka baro guuldarada ha kuu noqoto casaharka ugu
fiican ee aanad cidna ka hesheen kedibna ugudub talaabada
labaad. Dhib mala in la guuldaraystaa mar iyo laba iyo
saddexgoorba. Haddii aanad guuldaraysanayn kor uma socotid
guushuna kuuma dhawa.
M. Kay: marka aad la kulanto
xanibaad ama caqab isku day in aad waddo kale uga wareegto,
waxaad haysataa ikhtiyaar aad wax ku doorato waxaa suurto
gal ah in aad ka guulaysato xanibaadaa oo aad noqoto
guulayste (winner) iyo in aanad waxba isku dayin oo aad
noqoto mid guuldaraysta (loser). Waxaa fiican in aad ku
nasato dariiqa guusha intii aad la fadhiyi lahayd guuldaro.
Robert kiyosoki: kuwa fashilmaa
waa kuwa isdhiiba marka ay guuldaraystaan. Kuwa guulaystaa
isma dhiibaan ilaa ay ka guulaysanayaan.
Warren buffet: warren waa raga
adduunka ugu dhaqaalaha badan waxaana uu yiri: khatartu
waxaa ay ka timaadaa aqoon la’aan ka timi waxa aad
samaynayso oo aanad aqoon.
Alan Bond: waa aasasaha
shirkadda Bond Corporation waxaana uu yiri had iyo jeeraale
waxaan u shaqeeyaa si adag oo aad u adag, markasta oo aan
xoog u shaqeeyo waxaan usii dhawaada guusha. Waxaa kale oo
uu yiri qofkasta oo ganacsi sameeyaa waa uu qaldamaa.
Rich Dad: guushu waa macalin yar,
waxaynu wax badan baranaa marka aynu guuldaraysano, markaa
haka cabsan guuldarada (failing). Guuldaradu waa hababka
dariiqa guusha. Mana guulaysan kartid hadaanad guuldaraba
arag.
Terry Paulson: kuwa guulaystaa
(winners) waxa ay guuldarystaan in kabadan kuwa guuldaratysa.
Waa ay guulaystaan hadan guuldaraystaan waana ay wadaan ilaa
guushu si buuxda u timaado.
Fredrick. W: majiro qof horumar
weyn gaaraa amaba wanaag ilaa uu soo maro amaba uu soo
sameeyo qaladaad waaweyn.
Michael Jordan: waan aqbali
karaa guuldarada, qowaliba wax uun buu ku guuldaraystaa
laakiin ma aqbali karo in aanan isku dayin marlabaad wixii
aan ku guul daraystay ilaa inta aan ka guulaysanaayo.
I. Kamprad: kuwa hurdaya keliya
ayaan qaladaad samayn. Tusaale ahaan haddiiba qofku aanu
waxba isku dayin mayeelanaayo qaladaad amaba ceeb waayo
waaba qof iska fadhiya.
A. Carnegie: dadka guulaystaa
badanaa waa dadka hal layn (one line) qabsada ee kumintida
kuna adkaytsa laynkaa ilaa ay ka guulaysanayaan.
Bill Gates: rumayso wararka
dacaayadaha ee lagaa sheegaayo waayo waxaad ogaanaysaa
meelaha u baahan in aad horumar ka samayso.
L.Ellison: markaad fikrad fiican
oo ganacsi abuurto ama aad keento waa in aad u diyaar
garowdaa in wax lagaa sheego oo lagu yiraa waxaa tahay wax
waalan. Badanaa qofka kor usocda wax baa laga sheegaa ama
waa la cambaareeyaa.
Adduunkan aan joogno waxwaliba waa
tijaabo, tijaabana waa in aad guulaysato iyo in aanad
guulaysan. Guusha saxda ahina waa adoo meel ku fashilma
laakiin ka faaidaysta oo aan is dhiibin. U fiirso shay wal
oo la soo saarayo shaybaar ayaa la geliyaa intaas oo goor
ayaa lagu celceliyaa gebogebadana waa lagu guulaystaa.
Lasoco casharka kan xiga wiigwalba haddii ALLAH yiraa
Mustafe
Ibraahim
mustaf1970@hotmail.co.uk
webmaster@ceegaag.com
|