Hay'adda NCA oo Furtay
Mashruuc Lagu Caawinaayo Barakacaaysha Garoowe
(Garoowe, April 13, 2011
Ceegaag Online)
Mashruucaan ayaa ah
mid lagu taageerayo dadka barakacayaasha ah,waxaana loogu
qabanayaa in guryahooda laga caawiyo in ay helaan biyo
nadiif ah iyo suuliyaal ay isticmalaan.
Mashruucaan oo u furay Wasiirka Qorsheynta iyo Xirriirka
Caalamiga ah Puntland Daa’uud Maxamed Cumar
ayaa dadka barakacayaasha ah logu sameynayaa laba qaybood oo
kala ah:
In qayb barakacayaasha kamid ah la siinaayo lacag ay ku
bilaabaan xoogaa ganacsi ah si nolol maalmeedkooda ay uga
helaan. In qaybaha aan la hayn wax tababar lagu siim doonaan
goobo ay noloshooda ku maareystaan. Furitaan mashruucaan
ayaa waxaa ka hadlay ugu horeyn Yuusuf Cabdiqaadir
oo ah madaxa Hay’adda NCA Puntland ayaa sheegay in
mashruucaan uu yahay mid caawinaya dadka barakacayaasha ah
taasi oo ay Hay’addu kacan weyn siin doonto.
Yuusuf ayaa sidoo kale sheegay inta uu socdo mashruucaan in
ay si weyn weyn uga caawin doonaan dhinacyada biyaha iyo
qalabeynta guryahooda iyagoona sidoo kalena ay siin doonaan
xoogaa kharash ah oo ganacsi ay ku bilaabaan.
Duqa degmada Garoowe Cabdicasiis Nuur Cili
“Koor” ayaa isna goobta ka hadlay,wuxuuna sheegay in ay
gacan ka geysan doonaan mashruucaan ay wado Hay’adda
NCA ee lagu caawinayo dadka barakacayaasha ah.
Wasiirka Qorsheynta iyo Xirriirka Caalamiga ah Puntland
Daa’uud Maxamed Cumar oo isna si rasmi ah u furay
mashruucaan ayaa uga mahadceliyey Hay’adda NCA Puntland
taageerida ay taageereyso dadka barakacayaasha ah.
Mr. Daa’uud ayaa intaasi raaciyey in mashruucaan ay Hay’adda
NCA ay u fuliso si wanaagsan,wuxuuna sheegay in Hay’addu
aysan ahayn mid ku cusub deegaanada Puntland balse ay horey
mashaariic uga fulin jirtay Puntland sidii loogu talagalay.
Ma ahan mashruucaan kii ugu horeeyey ay Hay’adda NCA ay ka
fuliso deegaanada Puntland,waxaana mashruucaan uu ku
eegyahay barakacayaasha magaalada Garoowe oo kaliya.
Alxusayni Zuhani
Buuhoodle
webmaster@ceegaag.com
|