(Laascaanood,
April 30,
2010 Ceegaag Online)
Salaadii makhrib ee shalay dabadeed ayaa
waxaa rasaas ooda lagaga qaaday dadwaynaha reer
Laascaanood oo uu ku dhex jiray Taliye ku
xigeenka birmadka Booliiska Gobolka
Sool Jaamac Muuse Cawad. waxaa goobtaa ku
dhaawacmay taliyaha iyo dadwayne ay ka mid yihiin Gabadh
aan magaceeda naloo xaqiijin iyo Axmed Jaamac
Faarax cali 'Islagad' oo isaga loola cararay
cisbataalka Garoowe.
Galabta salaadii makhrib kadib ayaa waxaa
dhacay isla faldanbiyeedkii shalay iyada oo la bar
tilmaameestay Taliyiha Ciidanka Nabadgelyada wadooyinka
gobolka Sool Aadan Axmed Yaasiin X.
Ibraahin.
Faldanbiyeedyadan ayaana lagaranayn cida
kadanbaysa iyada oo dhacdooyin noqdeen kuwo loo
maara la'yahay in la xakameeyo iyada oo dad wargaleen ah
oo aan ka waraysanay adorisida cida falalkan ka danbeesaa
ay isku raaceen in uu yahay JIMAN DADKA DERDARA arintaa oo
ah mid xaqiiqada ka fog balse tusaaleenasa sida aan war
loogu hayn dadkan qorshasan ee u taba baran khaarajinta
dadwaynaha reer Laascaanood oo kaliya.
www.ceegaag.com