Madaxwaymaha
Maamulka Puntland
Faroole oo ka hadlay
DFKS, SSC, iyo Ammaanka Puntland
(Boosaaso, April
29,
2010 Ceegaag Online)
Hadalkii Madaxwaynaha dawladgobleedka
Puntland Boosaaso kayidhi maanta
Dhagayso
Madaxwaynaha dawladgobleedka Puntland Faroole ayaa maanta
gaaray magaalada Boosaaso wuxuuna Ka hadlay arimo badan
oo ay kamid yihiin DKMGS. SSC iyo amaanka Puntland.
DFKS
Madaxda DFKS waa kuwo ku qaraabta magaca Ummadda
Soomaaliyeed oo lacago badan ku soo qaata magaca Ummadda
Soomaaliyeed oo aan la gaarsiin dadka xaq uleh uu ku jira
xeryaha qaxootiga, waa kuwa madaxtinimo aan jirin
sheeganaya, waa kuwa taangiyo lagu ilaasho, waa kuwo aan
imaan madasha loo dhigo Ummadda Soomaaliyeed ee danta
Ummadda Soomaaliyeed looga hadlayo, waa kuwo qayb ka ah
dhibaatada ka dhacda Puntland, waxaan Baarlamaanka ugu
baaqayaa in ay go’aankoodii dhaqan gashaan iyakaa Ummadda
ka wakiila si loo helo hogaan sax ah oo wax kala garanaya ayuu
yiri Madaxwaynaha dawladgobleedka Puntland Faroole”.
SSC
SSC waa wax la doonayay in lagu qaraabto hadase iskaba
baaba’day, waa dad qar-dheer ka soo hadlaya, waa dad marar
badan isku dayay in ay isku dhuftaan Puntland iyo
Soomaaliland, waa dad qayb ka ah dhibaatada Gaalkacyo, waa
dad lacag la soo siiyay oo doonaya in ay qalqal gashaan
ammaanka Puntland, waan la soconaa in ay dad lacago u soo
direen oo ay dhaheen dad noo hadla noo noqda ayuu yiri
Madaxwaynaha dawladgobleedka Puntland ”.
Alxusayni
Zuhani
Buuhoodle
webmaster@ceegaag.com |