Madaxwaynihii Ivory
Coast oo isaga oo nool gacanta lagu dhigay
(Ivory Coast, April 10, 2011
Ceegaag Online)
Madaxwayne Laurent Gbagbo oo isga oo nool gacanta lagu
dhigay kadib markii xoog lagu muquuniyay waxoogaa maleeshiyo
qabiileed ku difaacasay qasriga madaxtooyada ee
caasimada Abidjan.
Wararka naga soo gadhaya dalkaa Iveri-Koosti ayaa ku soo
waramaya in ciidamada Faransiisku hada ku hayaan goob aan la
garanayn iyada oo la filayo in maxkamad la hor keeni doono
si loogu qaado danbiyadii dagaalka iyo burburkii uu u
gaystay dalkiisa kadib markii lagaga adkaaday
doorashooyinkii kal-hore, isaguna uu iska idho tiray inuu
aqbolo codayntii shacabka reer Ivori-Koosti.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com
|