Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa
safar qorsheeysan ku gaaray xarunta dalka Tanzania ee DaaraSalaam.
(Daarasalaam, April 16, 2011
Ceegaag Online)
Madaxweynaha ayaa
waxaa si heer sare ah ugu soo dhaweeyey garoonka
diyaaraddaha ee Julius Nyerere International Aiport
Madaxweynaha dowladda Tansaaniya mudane Jakaya Mrisho
Kikwete iyadoo halkaas loogu sameeyay munaasabad ay ka soo
qeyb galeen wasiiro, Xildhibaano iyo dad weyne aad u faro
badan.
Madaxweynaha ayaa waxaa loo tumay astaanta qaranka
Soomaaliyeed, waxaana loo riday 21 madfac. Safarka
madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya ayaa waxaa ku wehliyay
wasiirka Warfaafinta, boostada iyo isgaarsiinta mudane
Cabdikareem Xassan Jaamac iyo wasiiru dowlaha Arrimaha
gudaha iyo Amniga mudane Axmed Cali Yaqle .
Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa wuxuu la kulmay
taliyaha ciidamada dalka Tanzania Gen. Davis
Mwamunyange.Muhiimada kulankaan ayaa waxeey aheyd sidii
amniga dalka Soomaaliya dib loogu soo celin lahaa, iyo sida
kooxda argagixisada ee Alshabaab/Alqaacida iyo kuwa ay marin
habaabiyeen dalka looga saari lahaa.
Sidoo kale xalay ayaa waxaa kulmay labada madaxweyne,
waxayna ka arinsadeen habka Soomaaliya loo caawin lahaa iyo
in xasilooni waarto ay ka dhalato. Kadibna waxeey qudbad
kooban ka jeediyeen goobtii ay cashada ka dhaceeysay oo
aheyd madaxtooyada dalka Tanzania, waxeeyna isku raaceen in
la sii xooji xiriirka labada dal, lagana kaalmeeyo dowladda
Soomaaliya xaga tababarka shaqaalaha iyo weliba ciidamada.
Madaxweynaha Tanzania ayaa halkaas ka sheegay in uu diyaar u
yahay marwalbo in wuxuu awoodo uu u qabto ummadda
Soomaaliyeed iyo sidii Shabaab iyo burcad baddeeda khatarta
ku haya calaamka loo soo afjanri lahaa.
Malik Abdalla
Xafiiska Madaxweynaha
Muqdishu, Somalia
Mabdalla@presidncy.gov.so
webmaster@ceegaag.com
|