Madaxweyne
Ismail Omar Geeleh oo markii 3aad ku guuleystay
madaxtinimada Dalka Jabuuti.
(Djabuuti, April 09, 2011
Ceegaag Online)
Wasaarada
Arrimaha gudaha ee dalka jamhuuriyada Jabuuti ayaa si rasmi
ah shaaca uga qaaday natiijada doorashada madaxtinimo ee
shalay ka dhacday dalka Jabuuti, iyadoo markii 3aad xilka
Madaxtinimada dalkaas loo doortay Madaxweyne Ismaaciil Omar
Geelle.
Madaxweyne Ismaaciil ayaa aqlabiyad aad u ballaaran kaga
guuleystay musharaxa la tartamaya, isagoo helay codad 76%,
sida uu ka dhawaajiyay Sarkaal u hadlay Wasaarada Arrimaha
gudaha, Musharaxa la tartamayay ee madax banaan Maxamed
Warsame Raagge ayaa isna la sheegay inuu helay codad dhan 23%,
cododkii la tiriyay. Golaha Dastuuriga ah ayaa la filayaa in
ugu dambeyn ay ku dhowaaqdo sharci ahaanta natiijada
doorashada.
Goor dhow
ayaa la filayaa in Madaxweynaha Jabuuti uu ka hadlo
doorashada, isla markaana shacabka dalka Jabuuti u jeediyo
khudbad uu uga mahad celinayo codbixiyaashii codkooda sida
xorta ah ku dhiibtay.
dhinaca kale Musharaxa Mr. Raage ayaa ku
gacan seyray natiijadaasi, Wareysi uu siiyay saxaafada ayuu
wuxuu ku cawday dhowr arrimood oo
kala ah in wakiiladiisa laga saaray goobaha codeynta iyo in
saacad
sharci darro ah lagu kordhiyay wakhtiga doorashada la soo
xiri lahaa.
Hase yeeshee guddoomiyaha guddiga kormeerayaasha doorashada
Casoowe Idiris Casoowe ayaawarbaahinta u sheegay in
doorashadu ay u dhacday si caddaalad iyo xor ah, Saacadda
lagu kordhiyeyna wuxuu tilmaamay inay ku timid baahi si
dadku ay si nafis ah ugu codeeyaan.
Madaxweyne
Ismaciil Omar Geelle ayaa 1999-kii xilka Madaxtinimo kala
wareegay Madaxweynihii ugu horeeyay ee Dalka Jamhuuriyada
Jabuuti Xasan Guuleed Abtidoon.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com
|