Madaxweyne
Shariif Sh. Axmed oo Xadhiga kajaray TV-ga Qaranka
Soomaaliyeed.
(Muqdisho, April 05, 2011
Ceegaag Online)
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sharif. Sheekh
Axmed ayaa xariga ka jiray xarunta Telefishinka Qaranka
Soomaliyeed oo dib loo furay labaatan sano kadib.
Munasabaddan oo ka dhacday xarunta Wasaarada Warfaafinta
Soomaaliya waxaa Madaxweyne Shariif Sh. Axmed ku soo
dhaweeyey Wasiirka Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta
Mudane Cabdikariim Xassan Jaamac oo ku guuleystay innuu
hawada dib ugu soo celiyo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed.
Waxaa
sidoo kale ka soo qayb galay xafladaan Ra’iisul Wasaaraha Ku
xigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhiga Mudane Cabdixakiim
Xaaji Fiqi, Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka
Mudane Cabdishakuur Sheekh Xasan Faarax.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sariif Sh.
Axmed ayaa u hambalyeeyay Wasiirka Warfaafinta Boostada iyo
Isgaarsiinta iyo dhamaan shaqaalaha Telefishinka Qaranka
Soomaaliyeed. Madaxweyne Shariif ayaa barta ay xafladu ka
dhaceeysay ugu hambalyeeyay Radio Muqdishu. Waxaana uu kula
dardaarmay in ay ka shaqeeyaan midnimada, qaranimada, si ay
horumar ugu horseedaan ummada Soomaaliyeed .
Malik Abdalla
Agaasimaha Warfaafinta
Xafiiska Madaxweynaha
Muqdishu, Somalia mabdalla@presidency.gov.so
webmaster@ceegaag.com
|