Qorshe qaadhaan
qarameeda oo qurba joogtu ugu qayb qaadanaso soo celinta
qarankii Soomaaliyeed oo ay ku dhawaaqday xukuumada
Farmaajo
(Muqdisho, April 19, 2011
Ceegaag Online)
Shir ay maanta Golaha
Wasiiradu yeesheen oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul
Wasaaraha Somalia Mudane Mohamed Abdullahi Mohamed ayaa
waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin sidii
shacabka soomaaliyeed ay isagu tashan lahaayeen iyo
marxaladda kala guurka ah.
Golahu markey qiimeeyeen marxaladda
dalka, horumarka laga sameeyey dhinacyo badan iyo sida loogu
heelanyahay in shacabka looga saaro marxaladdan adag ayuu
golahu isku raacay arrimahan hoos ku qoran:
1. In loo baahanyahay in shacabka
soomaaliyeed ay isku tashadaan, isla markaana ay ka wada
qeybqaataan sidii xal loogu heli lahaa mushkiladaha dalka ka
jira, si loo soo celiyo amnigii, kala danbeyntii iyo
noloshii shacabka.
2. Golahu waxey aad iyo aad ugu
mahadcelinayaan Somalida qurbo-joogta ah oo labaatankii sano
ee la soo dhaafay kaalin mug leh ka qaatay horumarka
dhaqaalaha, ha noqoto biilka joogtada ah ee ay bil walba soo
diraan ama kaalinta ay ku leeyihiin ganacsiga dalka oo
runtii wax weyn ka taray xaaladda dalka.
3. In dhammaan shacabka
soomaaliyeed kuwooda jooga dalka gudihiisa iyo qurbojoogtaba
inay ka wada qeybqaataan horumarka dalka oo ay si joogta ah
taageero dhaqaale (qaaraan) ugu soo diraan Dowladdooda si
loo gaaro heer uu dalku isku tashto.
4. Guddiga heer wasiir ee
dhaqaale ururinta Dowladda ayaa dhowaan soo bandhigi doona
habka iyo nidaamka ugu habboon ee shaqsi walba oo soomaali
ah uu uga qeybqaadan karo horumarka iyo dib-u-dhiska dalka.
Waxaana jiri doona mashaariic kala duwan oo shaqsi walba u
kala dooran karo inuu taageero mashruuca uu sida gaarka ah u
daneynayo, ha noqoto amniga, waxbarashada, caafimaadka ama
gar-gaarka bani’aadanimo iwm.
5. Golahu waxey isku raaceen in
guddiga maamulaya dhaqaalaha uu u maamuli doono si cad-cad
oo keeni kara kalsoonida shacabka, isla markaana si joogta
ah loo soo bandhigi doono dakhliga iyo sida loo isticmaalay.
- DHAMAAD-
--
Garad Salad Hersi
Press Officer office of the Prime Minister
Mobile: +252-615536608
+252-6-2536608
Mogadishu, Somalia
webmaster@ceegaag.com
|