Anaga hadeynu somali nahay
afartaasi qodoba waan ku xad gudubnay si wada jir ahna
in aan u ilaalsano waan kari weynay taasi oo soo
dadajisay in aan burburno balse aan ku dhawaano in aan
qariirada caalamka ka tirtirano.
A. diintii na mideyneysay oo aan ku faani jirnay somali
in eey tahay dal 100% muslin sunni ah in uu yahay maanta
caalmku waa nala yaabanyahay anagiina diintii
xurmadeedii waan ka tagnay waxaad arkeysaa qof masjid ka
soo baxay oo la tooganayo ama qof diintaba laga saarayo
si loo baneysto diigiisa cirdigiisa iyo maalkiisaba.
B. calankii na mideynayay waxaan ka dooranay calamo
matalayo qabiilo goboleysi, asagiina waan tuurnay
waxeynu noqonay dad astaan laheen, oo dano khaas lee ka
fikiro
C. dhulkeenii quruxda badnaaay ee dalxiiska ku fiicnaay waxaan ka dooranay buufis dhulal aanba laheen iyo in aan ka iibsano shirkado shisheeyo si eey oogu shubaan sunta haraadiga warshadaha nugyeerka, dhirtiisiina aan xaalufinay.
Qaarna waxeyba ku soo hageen cadoowgiisii soo
jireenka ahaay waligiisna damaca ooga jiray in uu
qabsado ayagoo ku badashay sharafta dhulkooda hala yar
oo lacag ah ama kursi been ah danno shisheeyana lagu
fuliyo.
D. midnimadeeniina waxaan ka dooranay qabiil iyo daneysi
iyo in loo adeego dalal cadow nagu ah danahoodana la
fuliyo dadkii waxey noqdeen dad aan wadaniyiin aheen
dantooda iyo tan qabiilkooda ka fikiro taaso oo uu
cadowga fursad oogu helay in uu ku shaqeyso qoloba
qoloda kale cadow in eey u yihiin u tuso hubna iskugu
dhiibay si eey isku laayaan waa tan qabiil kasta
hubeeyay siduu qabiilada kale oola dagaalamo, maantana
arintu diin markey tagtay xataa ma harin ururo diimeed
oo danihiisa u adeego ayuu helay hubkana siiyo sidii uu
kuwa kale oo la dagaalami lahaay.
Somalinimadii luntay waxeey ku soo laaban kartaa ama lagu soo celin karaa anagoo ilaalino qodobadaas muqadaska ah ee kor ku soo xusay ( diin, calan, dhul. midnimo ) intaani hadaan isla dhoorno waxaa hubaal ah in eey somalinimadeenii noo soo laabaneyso wadankeenana uu mar labaad lugahiisa isku taagi doono , fursadna uu cadawga u weyni doono uu ku soo dhax gallo dhaxdeena waayo waxaan iska xirnay iridadii uu naga soo gali jiray ee dadka wax magaratada ah run hadeey moodaan uu ku shaqeysan jiray asagoo shacabkiisa ku laaynayo danahiisana ku fushanayo
somaliyeey caalamku waa ku nacay dadna carab ayaa
kuugu dhawo diin iyo walaalnimo kula sheegato ayagana
maanta ku ma rabaan, waayo waxeey arkeen in aadba
dulinimadaan raali ku tahay dowladnimana rabin, qof
fadhiyo ayaa la gacan qabtaa laakiin qof jiifo si lagu
kiciyo wey adagtahay marka aan oogu yaraan fadhiisano si
naloo gacan qabto wax yaalaha muqadaska noo ahna aan ku
dadaalo in aan isla difaacno, dalba dadkiisa ayaa
hormariyo ama dib u dhigo anagaa somaliya saas ka
dhignay waxba yaanan dalal dibada ah la eedeen
gacmaheena ayaan qarankeenii ku duduminay , hadana waa
in aan gacmaheena ku dhisno dibadna aan waxba ka sugin.
BY : Axmed Bukhaari
E-mail axma2@hotmail.com