Kulankan
oo ku saabsanaa xogwaraysi iyo falanqayn arimaha ka
jira hada deegaankii iyo mustaqbalka jubada hoose
ayaa wuxuu ku soo gaba gaboobay habeenimadii sabtida
is afgarad.
kulankan
oo wax la iska waydiiyey sida uu u dayacmay
deegaanka ama magaalada kismaanyo
horumarkeeda iyo sida ay magaaladu u daashadeen
dagaalada sokeeyo taasoo keentay in horumarkii
magaalada iyo baahiyaha arimaha bulshadu uu ku yimi
dibu dhacwayn.
Waxaa
kaloo diirada lagu saaray kulankani lagagana wada
hadlayey sida qurba joogta laftigeedu aanay ulahayn
isku xidhnaan muuqata iyo midnimo lagu xisaabtami
karo taasoo lagu dhiiri galinayey in mujtamaca
reerkismaanyo ay arintaasi ka gudbaan waxaana
halkaasi lagu gorfeeyey talooyinka ugu habboon ee
qurba joogta ka soo jeeda gobolka jubada hoose ay ku
wada jiri lahaayeen waxna ugu qaban lahaayeen
gobolka.
Waxaana
la isla afgartay in la is ticaamlo istiraatiijiyad
cusub oo lagu mideeyo qurba joogta ka soo jeeda
gobolka si loo taabo galiyo wadajirka iyo wax wada
qabsiga hormarka bulshada ee ku dhaqan deegaankaasi.
Qorshaha
ugu wayn ee shirkan laga lahaa ayaa wuxuu ku soo
ururay in la mideeyo qurba joogta iyo in wax loo
qabto gobolka lagana caawiyo tayeynta arimaha
waxbarashada,caafimaafka iyo dhamaan baahiyaha hoose
ee aasaasiga ah sida ay sheegeen qaban qaabiyayaasha
shirka oo aan waxka waydiinay waxa uu shirkani ku
saabsan yahay.taasoo
sida ay sheegeen la isku afgartay arimahaasi.
kulankan
ayaa ugu danbayntii lagu doortay Guddi ku meel gaadh
ah oo abaabula dadka ka soo jeeda jubbada hoose ee
columbus Ohio iyadoo ugu danbayntii ay ugu baaqeen
dhamaan dadka soo jeeda jubada hoose ee ku dhaqan
qurbuhu inay midoobaan una soo jeensadaan sidii ay u
hormarinlahaayeen deegaankooda iyo gobolka.
gudigii ku meel gaadhka ah ee shirka lagu magacaabay.
1-Ahmed indho faynuus.
2-Adan salaan.
3-maxamed sheikh xayle.
4-Yaasiin Issa.
5- Abdi xakiin Haji.