Xaalada biyo la’aanta
Soomaaliya siiba waqooyi Bari oo laga dayrinayo.
(Ceegaag, April
25,
2010 Ceegaag Online)
Wararka aan ka helano deegaanada ku
xeeran magaalada dhismasa ee Ceegaag ayaa ku soo waramaya in
xaalada biyo la’aantu ay haatan gaadhay meeshii ugu xumayd
kadib markii ay gudheen baliyadii magaalada Horufadhi iyo
ceelka magaalada Yayle.
Sidoo kale magaalooyinka Hawdka ayaa
waxaa looga dhaaminayaa magaalada Burco iyada oo ilaa $900
oo dollar loogu dhaaminayo booyadii sodonka fuusta qaada,
deegaanada u dhexeeya Burco iyo Dhagaxbuur gobolka Somali
Galbeed.
Magaalooyinka hoos yimaada Buuhoodle
ayaa lagu soo waramayaa in dad ugu dhinteen Biyo La’aan
siiba laba wiil oo walaalo ah oo ku nafwaaya haraad awgii
deegaanada Hawdka.
Magaalada Widhwidh agagaarkeda ayaa
waxaa lagu soo waramayaa in laga daad gureeyay dad reer
guuraa ah oo biyo la’aan ba’an lasoo daristay. Abaartan biyo
la’aanta ah ayaa noqotay mid aan horay loogu arag taariikhda
deegaanadan ilaa 120 sanadood ee tagay inata la xasuusto.
Mar aanu la xidhiidhnay qaar ka tirsan
dadwaynaha reer Ceegaag ayay noo sheegeen inay salaado
roobdoon ah ay wadeen bilahan danbe walina ay sii wadi
doonaan ilaa ay ka helayaan Jaawaabta EEBE.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |