Xuska Sanadguradii 51aad
ee Aasaaskii Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed oo lagu
qabtay Garoowe.
(Garoowe, April 12, 2011
Ceegaag Online)
Sanadguradirdii 51aad ee kasoo wareegtay markii la asaasay
ciidanka xooga dalka Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtaya
xarunta Taliska guud ee ciidanka Puntland ee 54aad ee ku
taal magaalada Garowe, Munaasbdan lagu
xusayo asaaskii ciidanka xooga dalka Soomaaaliyeed ayaa,
waxaa kasoo qayb galay siihayaha Xilka Madaxweynaha Puntland
ahna Madaxwayne kuxigeenka Puntland Mudane C/samada Cali
Shire iyo xubno kamida golaha Wasiirada Puntland.
Munaasabadan lagu xusaayo sanadguuradii 51aad ee ciidanka
xooga dalka Soomaaliya ayaa waxaa halkaasi ay ciidamda
puntland ku sameeyaan gaado ka ciyaar taasoo ay sarkiisha
iyo madaxdii kasoo qaybgashay munaasabada ay aad uga
riyaaqeen.
Madaxwayne
Kuxigeenka Puntland Gen .Cabdisamada Cali Shire ayaa
igoobtaa ka hadlay wuxuuna u mahad baalaaran u soo jeediyay
ciidamda Puntland, oo goobtaa safnaa. Wuxuuna uga mahada
celiyay sida ay diyaarka ugu yihiin in ay shacabkooda ay
ilaaliyaan, amniga sugaan, dalkooda nafta u huraan.
Taliyaha
ciidamada Puntland Gen.Saciid Maxamed Xirsi oo khudbad
dheer halkaas kasoo jeediyey ayaa ka waramay ciidamda xooga
dalka Soomaaliya asaaskoodii iyo waxyaabihii ay qabteen
intii ay jireen, Gen.Saciid Dheere ayaa sheegay in ciidanka
xooga dalka Soomaaliyeed la' asasay sanadkii 1960 markay
ahayda bisha April 12keedii iyadoo loo asaasay ciidankaa in
ay noqdaan cududa ama xooga dalka Soomaaliya, iyadoo ay
ciidaanka ay waxyaalo badan ay soo qabteen intii ay jireen.
Taliye
Saciid dheere ayaa sidoo kale ka hadlay ciidamada
Daraawiishta iyo asaaskoodii iyadoo uu sheegay in ciidamada
Daraawiishta la asaasay xiligii Puntland la saasay 1998dii,
cutubkii ugu hareeyay ay ahaayeen laba kun iyo shan-baqol
oo askari, kadibna intaasi laga kordhiyey.
Munaasabadan lagu xusayey Maalinta ciidanka xooga dalka
Soomaaliya ayaa lagu soo bandhigay ruwayado lagu muujinayo
ahmiyada ay ciidanka u leeyihiin dhulkood iyo sida ay heegan
ugu yihiin in ay dadkooda iyo dalkoodaba ay ilaaliyaan
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com
|