Xiriirka Kubada Cagta
Aduunka (FIFA) oo 1 Million ugu deeqday Abaaraha Soomaaliya.
(Zurich, Aug 11, 2011
Ceegaag Online)
Abaar xun iyo macluul daran
oo ka jirta dalkeena hooyo, xiriirka kubada cagta FIFa waxa
ay ugu deeqeen hal milyan dollar oo lagu caawiyo dadka
tabaaleysan sida FIFA ay ku xaqiijisay website-keeda.
Fifa waxa ay go'aansatay inay 1 Milyan doolar ay ku
tabarucdo gaargaarka bani'aadanimo ee
Somalia.
Waxaa lacagtan loo marsiin doonaa hay'ada laanqeyrta cas ee
ICRC si ay uga caawiso barnamijyadeeda ay ka wado dalka ay
baarta iyo dagaalada aafeeyeen, Sida ay sheegtay FIFA
lacagta waxaa loo isticmaali doonaa in lagu quudiyo 25 kun
qoys oo abaar xun ay ku heyso Somaaliya.
Qiyaas ahaan, seddex meel lacagtan hal meelood waxaa loo
isticmaali doonaa in lagu iibiyo cuno iyo qaabkii cunada loo
geyn lahaa somalia, cunadaasoo quudineysa 25 kun qoys ama
150 kun oo qof mudo bil ka badan, labada qeyb ee soo haray
waxa ay caawin doontaa howlaha ay ICRC ka wado Somaaliya,
Mashruucan Fifa ayaa waxa uu qeyb ka yahay barnaamijyadeeda
gargaarka, iyadoo hore u soo caawisay dalalka Japan, Haiti,
Pakistan, China PR, Chile iyo wadamadii ay Tsunami aafeysay
2004tii.
Dhinaca kale xulka qaranka Somaliya ayaa la kulmi doona
bisha November xulka
Ethiopia ciyaar ka tirsan u
soo bixitaanka isreebreebka koobka aduunka.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com
|