Wafdi uu hogaaminayo
Amiir Al-Waleed Bin Talal ayaa maanta booqasho ku yimid
Magaalada Muqdisho.
(Muqdisho, Aug 27, 2011
Ceegaag Online)
Wafdiga Amiir Al Waleed Bin Talal ayaa waxaa kamid ah
xaaskiisa, xubno katirsan Boqortooyada Sacuudiya iyo
ganacsato, Kadib markii ay soo gaareen Magaalada Muqdisho
ayaa waxay kulan kula qaateen Xarunta Madaxtooyada Villa
Soomaaliya Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.
Wefdigan balaadhan ee uu hogaaminayo Amiir Al Waleed Bin
Talal ayey ujeedada booqashadooda tahay sidii ay wax ugu
qaban lahaayeen dadka ay abaaraha waxyeeleeyeen, waxeyna
booqdeen qaar kamid ah Xeryooyinka Barakacayaasha iyo
Cibitaalada Magaalada Muqdisho.
Amiir
Al Waleed Bin Talal ayaa isagu ah ganacsade Billionaire ah
wuxuuna leeyahay hantii gaadheyso 19.6 Billion oo Doolarka
Mareykan ah (US$19.6 billion). Amiirka waa ninka 26-aad ee
aduunka ugu hantida badan, waxaana maanta laga sugayaa wax
la taaban karo oo uu u qabto Dadka Abaaraha Soomaaliya ay
waxyeeleeyeen.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com
|