Gudiga Abaaraha ee
jaaliyada reer Boston oo ka digay habacsanaan soo food
saartay hawlaha samato-bixinta ee ay ka fulinayeen Gobolada
Bakool iyo Shabeelada Hoose.
(Boston, Aug 07, 2011
Ceegaag Online)
Shir albaabadu u xirnaa oo degdeg ah oo
gudigu isugu yimaadeen afurka dabadeed shalay ayaa lagu
qaadaa dhigay hawlo badan oo abuuray habacsanaan ku timid in
si degdeg ah wax looga qabto intii karaankooda ah dhibaatada
abaaruhu ku hayaan shacabka Soomaaliyeed guud ahaan gaar
ahaana Gobolada Bakool iyo Shabeelada Hoose.
Ugu horeen waxaa loogu baaqayaa in
dadku ka faa’idaystaan Bisha barakaysan ee Ramadaan, oo
sadaqada lala soo degdego. Waxaa kale oo hoosta laga
xariiqay in dhaqaalaha lasii marin doona hayada samafalka ee
HARO, iyada oo gudigu ku tilmaamay dacaayado laga fidinayo
haayadan kuwo aan ku salaysneen arimo waaqici ah oo taagan.
Gudiga ayaa jaaliyada u hor
baxanyeenaya in loo doortay haayadan in dhaqaalaha lasii
marinayo guud ahaan uu si toos ah u galayo dadka
Soomaaliyeed mid mucaawimo ahaan loo gaarsiiyo iyo mid u
khidmeeyaba, maadaama ay haayadu Soomaali tahay dad
Soomaaliyana ay gacanta ku hayaan, sidoo kale HARO ka
sharciyeesan tahay Maraykanka, awoodna u leedahay inay deeq
gaadhsiiso Gobolada Bakool iyo Shabeelada Hoose..
Gudiga ayaa ka codsanaya Jaaliyada
qaarkeed oo ka cabanaya in aan wali lagala bixin dhaqaalihii
ay ku deeqeen AKOONADOODA inay u samraan ilaa bisha 15 Aug,
2011. Iyaga oo sabab uga dhigay inay laga maarmaan tahay in
sharciga loo hogaan samo gudiguna lashaqeenayaan Gudiyo kala
gadisan oo maamulya Masaajidada lacagaha laga uruurinayo.
Ugu danbayn gudigu waxay ka gaabsadeen
inay dhaliil dusha uga tuuraan Hayada HARO wakhtigan
xaadirka ah, iyaga oo qirtay in hawlaha Samafalku u baahan
tahay isu samrid kana gadisan tahay dhaqaalaha badanaa koox
ahaan loogu diro Soomaaliya, oo badanaa siidii la rabo ay
ugu takri falaan dadka lagu hagaajiyo.
Wargalintan waxaa diyaariyay
Eng. Xuseen Fiin
Boston, USA
webmaster@ceegaag.com
|