Jaamacadda Muqdisho oo
kaalinta 29-aad ka gashay 30-ka Jaamacadood ee ugu horreeya
Qaaradda Afrika
(Muqdisho, Aug 28, 2011
Ceegaag Online)
Jaamacadda Muqdisho oo ka mid ah
jaamacadaha dalka Soomaaliya ayaa qiimeyn la sameeyay waxay
kaalinta 29-aad ka gashay jaamacadaha ugu horreeya Qaaradda
Afrika.
Munaasabad lagu maamuusayay arrintan ayaa waxay shalay ka
dhacday xarunta Jaamacadda Muqdisho waxaana halkaas ka
hadlay guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho Dr. Cali Sheekh
Axmed Abuubakar, isagoo ka shekeeyay marxaladihii ay soo
martay jaamacadda Muqdisho.
"Jaamacaddu waxay ku dhisan
tahay boqolaal qof oo is-dhaarsaday, oo go'aankoodu uu yahay
sidii ay u billaabeen inay arrin kasta uga miro-dhaliyaan,"
ayuu yiri guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho.
Sidoo kale, guddoomiyuhu wuxuu sheegay in sharafta u soo hoyatay
Jaamacadda Muqdisho ay iska leeyihiin shaqaalaheeda,
maamulkeeda, macallimiinteeda iyo bulshada Soomaaliyeed.
"In Jaamacadda Muqdisho ay kaalinta 29-aad gasho waxaa sababay inay
bulshada Soomaaliyeed la fal-gasho, tabantaabiso oo aysan ku
ekaan oo keliya waxbarashada," ayuu Dr. Cali Sheekh Axmed
hadalkiisa raaciyay.
Guddoomiyuhu wuxuu intaas in 15-kii sano ee lasoo dhaafay ay
Jaamacaddu ay wadday horumarin dhinacyo badan leh, isgaoo
sheegay inay xubin ka tirsan lix urur oo ku bahoobay
jaamacadoda gaaraya 1,000 oo dunida ka jira.
"Jaamacaddu waxday xiriir la leedahay oo ay isla wadaan
daraasadda sare dhowr jaamacadood oo ay ka mid yihiin:
Ummu-durmaan Islaamiya - Sudan, Open University of Malaysia
oo ay ka qalin-jabiyeen dufcaddii labaad oo iyagoo dalka ku
sugan wax ka barta jaamacaddaas.
Kaalinta koowaad ee jaamacadaha Afrika waxaa gashay jaamacad
ku taalla dalka Koonfur Afrika, halka ay kaalinta labaad
gashay jaamacad ku taalla dalka Masar, waxaana sidoo kale
kaalimo sare galay jaamacado ku yaalla dalalka Kenya, Uganda
iyo Itoobiya oo ku yaalla bariga Afrika.
Jaamacadda Muqdisho ayaa waxay kaalimo kala duwan kasoo
gashay heerarka jaamacadaha Afrika, iyadoo mar ku jirtay
kaalinta 40-aad iyo kaalimo kale, iyadoo tani ay muujinayso
horumarka ay sameynaysoJaamacadda.
Cabdinaasir Yuusuf Macalin
cnaasir114@hotmail.com
Muqdisho, Soomaaliya
webmaster@ceegaag.com
|