Jaamacadda Muqdisho oo Zakaatul Fidri gaarsiisay
barakacayaasha ku jira xeryaha ku yaalla Muqdisho
(Muqdisho, Aug 31, 2011
Ceegaag Online)
Guddiga gurmadka
abaaraha Jaamacadda Muqdisho ayaa u qaybisay
Zakaatul-fidri qoysas gaaraya 300-qoys oo ka mid ah
barakacayaasha ku jira xeryaha Muqdisho.
Dhaqaalaha loo qaybiyay qoysaskan barakacayaasha ah ayaa waxaa ku jirtay
sadaqo furan oo ay soo dhiibeen dad Soomaaliyeed oo dalka
dibaddiisa ku nool.
Madaxa guddiga gargaarka Jaamacadda Muqdisho Dr Max'ed Xuseen Ciise (Liibaan)
ayaa u mahadceliyay jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku tabarucay
deeqdan iyo xarumaha islaamiga ah ee kala ah: jaaliyadda
Soomaaliyeed ee Escar - Norway, jaaliyadda Soomaaliyeed ee
Ohio-Columbus - USA, jaaliyadda Soomaaliyeed ee Motalah ee
Sweden, xarunta iskaashiga Islaamka ee Oslo-Norway, masjidka
Pegen ee dalka Norway iyo masjidka raabidada Islaamka ee
Gotenberg - Sweden.
Qoysaska
loo qaybiyay deeqdan ayaa waxay isugu jireen haween, waayeel
iyo dhalliyaro kuwasaoo isugu jiray dadkii abaaraha awgood
uga soo baracay gobollada Koonfurta Soomaaliya iyo kuwo ku
dhibaateysan Muqdisho.
Goobaha
deeqdan laga qaybiyay ayaa waxay ku yaalla degmooyinka
Howlwadaag, gaar ahaan Sayidka hoostiisa iyo xaafadda
Buulo-xuubey ee degmada Wadajir. Iyadoo qoys walba uu helay
50-dollar oo u dhiganta 1500,000 oo shillin Soomaali ah.
Guddiga gurmadka abaaraha ee jaamacadda Muqdisho ayaa ku
howlan sidii gurmad loo gaarsiin lahaa dadka
dhibaateysan ee ay abaaruhu ku habsadeen, iyagoo deeqo kala
duwan gaarsiiyay in ka badan 10,000 oo qoys oo ku jira
kaamamka Muqdisho iyo xeryaha qoxootiga Soomaalida ee dalka
Kenya.
Cabdinaasir Yuusuf Macalin
cnaasir114@hotmail.com
Muqdisho, Soomaaliya
webmaster@ceegaag.com
|