Meesha uu Sunnuhu kaga jiro
Islaamka (waa qoraal aad u muhiim ah).
(Soomaaliya, Aug 15, 2011
Ceegaag Online)
Aliimaam Maxamed Nasiru Diin Alalbani.
Hordhac:
الحمد لله والصلاة والسلام على رسـول الله وعلى آله وصحبه ومن
والاه.
Tan waxay
ahayd Muxaadarad, aan ka jeediyey magaalada Dooxa caasimada
Qadar, bishii Ramadaan ee barakaysnayd Sanadkii 1392
Hijriyah, waxay ii soo jeediyeen Walaalaha qaarkood inaan
daabaco faa’iidooyinka ku jira ee muhiimka ah awgeed, iyo
baahida ay muslimiintu u qabaan tan iyo wixii la mid ah,
anoo ka jawaabaya codsigooda ayaan daabacay, si ay
faa’iidadu u noqoto mid caama ah, anigoo
Ilaalinaaya waqtiga iyo taariikhda, waxan ku daray cinwaano
qaarkood fasilaya, si aan ugu gargaaro akhristayaasha
wanwanaagsan, say u ururin karaan madax fekredaha, waxaan
Allaah casaa wajalaa ka rajaynayaa inuu igu qoro mid ka mid
ah kuwa Diintiisa daafacaaya, oo u hiilinaya Shareecadiisa,
oo uu iga ajar siiyo, isaga ayaa ah masuul kii ugu deeqda
badnaayee.
Wuxuuna
hadalkiisa ku bilaabay Iimaamku sidan soo socota:
Allaah
ayaa mahad iyo amaan mudan oo iska leh, waan u mahad
celinaynaa waan kaashanaynaa dembidhaaf ayaan waydiisanaynaa,
waxaan Allaah ka magan gelaynaa shararka nafahayaga, iyo
acmaashayada kuwooda xun, kii Allaah hadeeyo cid lumin
kartaa ma jirto, kii Allaah luminayona cid hadayn kartaa ma
jirto, waxaan qirayaa inaanu jirin Ilaah xaq lagu caabudaa
jiritaanka oo aan Allaah ahayn, kelidii oo aan lahayn wax
shiriik ah oo lagu lamaaneeyo, waxaan qirayaa in uu Maxamed
yahay adoonkii Allaah iyo Rasuulkiisii.
{Kuwii
Allaah iyo diintiisa xaqqa ah rumeeyeyow, Allaah ka cabsada
cabsi dhab ah hana dhimanina idinkoo aan muslimiin ahayn.} [Aali
cimraan: 102] {Dad yohow rabigiina ka cabsada, idinka
abuuray naf keliya (Aadam calayhi salaam), ee ka sii abuuray
xaaskeedii (Xawaa calayhaa salaam) ee ka sii abuuray rag
badan iyo dumar, oo ku kala fidiyey dunida guudkeeda, ka
cabsada Allaaha aad wax isku waydiisataan, iyo inaad riximka
gowsaan, Allaah kor buu idinka ilaalinayaa oo waa ogyahay
acmaashiina} [Nisaa: 1].
{Kuwii
Allaah iyo diintiisa xaqqa ah rumeeyeyow Allaah ka cabsada,
oo ku hadla hadal toosan wuxuu idiin hagaajin acmaashiina,
wuuna idiin dembi dhaafi, kii Allaah iyo Rasuulkiisa adeeca
ayaa liibaanay liibaan wayn (janada nicmooyinka badan leh
gelaya)} [Alaxzaab: 71&72].
Intaa ka
dib: hadal waxaa u rumaysan Kitaabka Allaah, waxana u
wanaagsan hanuun hanuunkii Maxamed sala Allaahu calayhi
wasalam, arimaha waxaa u shar badan kuwa la abuuro, arin
kasta oo la abuuraana waa bidca, bidca kastaana Naar ayay
geli.Intaa ka dib:
U malayn
maayo inaan kari karayo, inaan soo hordhigayo shirkan
wanaagsan, siiba iyada oo ay joogaan culimo waaweyn iyo
barayaal fadli badani, wax cilmi ah oo aanay hore u ogayn.
Hadii danigaygu ii run sheego, waxay iigu filantahay
kelmedaydu in aan noqdo xusuusiye iyo waaniye, anigoo
raacaya qowlka Allaah tabaaraka wa tacaalaa: [الذاريات:55]
{وذكر فإن الذكري تنفع المؤمنين}
{ee wax xusuusi oo waani, waayo waanada iyo xusuustu
waxay anfacaan mu’miniinta ee} hadaba kelmedaydu habeenkan
barakaysan, oo ka
Mid ah
habeenada bisha ramadaan ee wayn, uma arko inaan beyaamiyo
wax ka mid ah fadliyaalkeeda iyo Axkaamteed, iyo fadliga uu
leeyahay qiyaamku habeenadaa iwm, oo ay caada ahaan ka
hadlaan Wacdigeliyaashu iyo Hanuuniyayaashuba, wixii
anfacaya soomanayaasha, ee u keenaya khayr iyo barako, ee
waxaan doortay inuu noqdo hadalkaygu baadhitaan aad u muhiim
ah, waayo waa asal ka mid ah usuulka shareecada wanaagsan,
waana beyaaminta ama cadaynta ahmiyada sunnuhu ku leeyahay
tashriicda Islaamka.
Shaqada Sunnaha ee Quraanka:
Dhamaantiin waxaad ogtihiin in Allaah tabaaraka wa tacaalaa
uu u doortay Maxamed sala Allaahu calayhi waslam
nebinimadiisa, uuna ku khaas yeelay risaaladiisa, waxa uu ku
soo dejiyey kitaabka Alquraanu alkariim, wuxuuna ku amray oo
ka mid ahaa waxyaabaha uu ku amray, in uu u cadeeyo ama u
beyaamiyo Quraanka dadka, wuxuuna yidh tabaaraka wa tacaalaa:
[النحل:44]{وأنزلنا
إليك الذكر لتبين للنَّاس مانزل إليهم} {waxaanu
kuu soo dejinay Quraanka, si aad ugu cadayso dadk wixii loo
soo dejiyey}, waxaan u arkaa cadayntaas lagu sheegay Aayatan
kariimka ahi, inay ka koobantahay laba Nooc oo cadayn ah: -
Tan hore:
waa cadayn lafdiga iyo nadaamkiisa, waana gaadhsiin Quraanka
iyo inaanu waxba ka qarin, oo uu u gaadhsiiyo Ummadda sidii
uu ugu soo dejiyey Allaah tabaaraka wa tacaalaa qalbigiisa
sala Allaahu calayhi wasalam, waana muraadka laga leeyahay
qowlka Allaah tabaaraka wa tacaalaa:[المائده:67]
{يأأيها الرسول يلغ ماأنزل إليك
من ربك} {Rasuulyohow gaadhsii dadka, wixii
lagaaga soo dejiyey xaga
Rabigaaga},
waxay tidhi Caa’isha Allaah ha ka raali noqdee, xadiith ay
leedahay: ((ومن حدثكم أن
محمداً كتم شيئا أمره بتبليغه فقد أعطم على الله الفرية. ثم
تلت الأية المذكورة(أخرجه الشيخان) وفي رواية المسلم:(لو كان
رسول صلى الله عليه وسلم كاتماً شيئاً أمره بتبليغه لكتم قوله
تعالى:<وإذتقول للذي أنعم
الله عليه وأنعمت عليه أمسك زوجك واتق الله وتخفي في نفسك ما
الله مبديه وتخشى الناس والله أحقُّ أن تخشاه>[الأحزاب:37])))
((Ruxii idiinku sheekeeya, in Maxamed qariyey wax lagu
amray in uu dadka gaadhsiiyo, waxa waynaatay been
abuurashada uu xaga Allaah ka galay. Markaas ayey akhriday
Aayadaan soo sheegnay)) Riwaayada Muslimna waxay tidhi: ((haduu
ahaan lahaa
Rusuulkii
Allaah sala Allaahu calayhi wasalam, mid qariyey wax lagu
amray inuu gaadhsiiyo dadka, wuxuu qarin lahaa qowlka Allaah
ee ah:{markaad ku tidhi kii Allaah u nicmeeyey, adna aad u
nicmaysay, hayso xaaskaaga(Sayd binu Xaarithah), oo Allaah
ka cabso, oo waxaad naftaada ku qarinay wax Allaah muujin
doono, oo waxaad ka baqaysaa dadka(ka xishoonaysaa)Allaah
baana mudan inaad ka baqdo.} )).
Tan labaadna:
waa cadaynta macnaha lafdiga ama jumlada ama Aayada, ay u
baahantahay Ummadu in loo cadayeeyo, badanaa waxay
noqonaysaa Aayadaha mujmalka ah, iyo ku caamka ah, iyo
mudlaqa ah, Sunnaha ayaa yimaada oo markaas ayuu cadaynaaya
mujmalka, oo khaas yeelaa caamka, oo soo xidhaa mudlaqa,
taas waxay noqon hadalkiisa sala Allaahu calayhi wasalam,
sidoo kale camalkiisii iyo iqraarkiisii (wax yaabihii uu
qiray).
Tusaalayaal ahmiyada u Sunnuhu u leeyahay fahmida Quraanka:
-
Qowlka
Allaah tabarka wa tacaalaa:[المائده38]{والسارق
والسارقة فاقطعوا أيدهما}
{Tuuga
iyo Tuugada Gacmahooda gooya } Aayadanu waa tusaale ku
haboon Mawduucan, waayo kelmeda tuug waa mudlaq (oo tuug oo
dhan weeye, ama wax yar ha xado ama wax badan ee ), sidoo
kale Gacantu waa mudlaq (waa Gacan oo dhan), markaa Sunnuhii
qowlka ahaa baa inoo cadeeyey tan hore, oo ku soo xidhay
tuuga loo jeedo inuu yahay kii xada Rubuc Diinaar iyo wixii
ka badan, taas oo ah qowlkiisa sala Allaahu calayhi wasalam:
[أخرجه
الشيخان] ((لا قطع إلى في
ربع ذينار فصاعدا))
. Aayada kalena waxa inoo cadeeyey Sunnihiisii
Ficilka
ahaa sala Allaah calayhi wasalam, ama ficilkii Asxaabtiisa
iyo qiritaankiisii, Asxaabtiisii waxay Gacanta tuuga ka gown
jireen kalagowska sida ku cad kutubta xadiiska, Sunnaha
qowlka ahi wuxuu kaloo cadeeyey gacanta lagu sheegay Aayada
gogobaysiga:[النسـاء:
6 ] {فأمسحوا بوجوهكم وأيديكم}
{ku masaxa Wejiyaalkiina iyo Gacmihiina}, oo yidhi waa kafka
ama baabacada, waana qowlkiisa sala Allaahu calayhi wasalam:[أخرجه
أحمد والشيخان وغيرهم من حديث عمار بن ياسر رضىالله عنه]
((التيمم ضربة للوجه والكفين))
((Gogobaysigu waa ku dhufasho wejiga ah, iyo labada kaf ama
baabaco )).
Hadana Aayado kale oo aanay suurta gasheena in aan u fahamno,
faham saxeex ah muraadaka Allaah tabaaraka wa tacaalaa uu ka
leeyahay, hadaan Sunnuhu cadayn:
Tan koobaad qowlkiisa tacaalaa:
[الأنعام:
82]{الذين آمنوا ولم
يلبسوا إيمانهم بظلم أولئك
لهم
الأمن وهم مهتدون}
{kuwii
Allaah iyo diintiisa xaqa ah rumeeyey, oo aan huwin
iimaankooda Dulmi, kuwaas ayaa leh ammaan, waana kuwa
hadaysan}. Asxaabtii Nebiga sala Allaahu calayhi wasalam
markay soo degtay Aayadanu, waxay u fahmeen dulmiga sida
caamka ah, oo ah dulmi oo dhan haba ahaado xataa mid yar ee,
wayna ku adkaatay sidaas ay Aayadu sheegtay waxayna
yidhaahdeen: ((يا رسـول الله
أينا لم يلبس إيمانه بظلم؟ فقال صلى الله عليه وسلم: ليس بذلك
إنما هو الشرك ألا تسمعوا إلى قول لقمان:<إن
الشرك لطلم عظيم> [لقمان:13][أخرجه
الشيخان وغيرهما])) ((Rasuulkii Allaahow kaayagee
baan iimaankiisa dulmi huwin? Wuxuu ku yidhi sala Allaahu
calayhi wasalam, maaha kaa(saad moodeen), ee waxa weeye
shirkiga, miyaydaan maqal qowlka Luqmaan: { shirkigu waa
dulmi wayn } )).
Tan labaadna qowlkiisa tacaalaa:
{وإذا
ضربتم في الأرض فليس عليكم جناح أن تقصروا من الصلاة إن خفتم
أن يفتنكم الذين كفروا}[النساء:101]
{hadaad
ku safartaan dhulka, maaha korkiina wax dembi ah, inaad soo
gaabisaan Salaada, hadii aad ka baqdaan inay idin dhibaan
kuwa gaaloobay }. Sida Aaayada daahirkeeda ka muuqata, waxay
tahay in Salaada soo gaabinteedu qofka safarka ah ay ku
xidhantahay inay jirto baqdini, sidaas darteed bay
Saxaabadii u waydiiyeen Rasuulka sala Allaahu calayhi
wasalam oo yidhaahdeen: ((ما
بالنا نقصر وقد أمنا؟ قال:
صدقة تصدق الله بها عليكم
فاقبلوا صدقته [رواه مسلم]))
((maxaan u soo gaabinaynaa anagoo amaan joogna? Wuxu
yidhi: waa sadaqad Allaah idinku sadaqadaystay, ee aqbala
sadaqadiisa)).
Tan saddexaad qowlkiisa tacaalaa:
[
المائده:3] {حرمت
عليكم الميتة والذم ....}
{Waxa
laydinka xarimay bakhtiga iyo dhiiga …} markaas ayaa
Sunnihii qowlka ahaa cadeeyey in Ayaxa, Kaluunka, Beerka iyo
ganacu, yihiin bakhti iyo dhiig xalaal ah, wuxuu yidhi sala
Allaahu calayhi wasalam: ((أحلت
لنا ميتتان وذمان: الجراد والحوت-السمك بجميع أنوعه- والكبد
والضحال)) [أخرجه البيهقي
وغيره مرفوعاً وموقوفاً إسناد الموقوف صحيح وهو في حكم المرفوع
لأنه لا يقال من قبل الرأي] ((waxaa laynoo
xalaaleeyey laba bakhti iyo laba dhiig: Ayaxa iyo Xuutka-
waa Kaluunka noocyadiisa oo dhan, iyo beerka iyo ganaca)).
Tan Afaraad qowlkiisa tacaalaa:
{قل
لا أجد قي ما أوحي إلي محرماً على طاعم يطعمه إلا أن يكون ميتة
أوذماً مسفوحاً أولحم خنزير فإنه رجس أوفسقاً أهل لغير الله به
[ الأنعام:145]}
{waxaad
ku tidhaahdaa kama helaayo wixii lay soo waxyooday, wax ka
xariman cida cunaysa oo aan ahayn bakhti, ama dhiig duulaaya
ama hilib Doofaar, waayo waa nijaas ama wax xun oo lagu
gowracey magaca Allaah waxaan ahayn }. Markaas ayaa sunnihii
yimi, wuxuuna xarimay wax yaabo aan lagu sheegin Aayadan,
sida qowlkiisa sala Allaahu calayhi wasalam: ((كل
ذى ناب من السباع وكل ذى مخلب من طير حرام)) ((dhamaan
wixii miciya leh oo habardugaag ah iyo
Dhamaan
wixii cidiyaha adag ee soo godan oo ay wax ku goostaan leh,
oo Shimbiro ahi waa xaraam)), xadiithyada kale ee iyana
inaga nahyiyaya wax yaabo kale oo aan Aayada lagu sheegin,
waxa ka mid ah qowlkiisa sala Allaahu calayhi wasalam
maalintii khaybar: ((إن الله
ورسوله ينهيانكم عن الحمر الإنسيه فإنها رجس[
أخرجه الشيخان])) ((Allaah
iyo Rasuulkiisu waxay idinka nahyiyayaan Dabeeraha, waayo
waa nijaas )).
Tan shanaadna qowlkiisa tacaalaa:
[الأعراف:32] {قل
من حرم زينة الله التى أخرج لعباده والطيبات من الرزق}
{waxaad
tidhaahdaa, yaa xarimay wax yaabaha laysku qurxiyo ee Allaah
u soo saaray adoomihiisa iyo risiqa wanaagsan.} Sunnihii baa
hadana cadeeyey, in wax yaabaha laysku qurxiyo, ay ku jiraan
wax yaabo xaaraan ahi, waxa ka sugnaatay Nebigii sala
Allaahu calayhi wasalam, inuu u soo baxay maalin
asxaabtiisii, isagoo gacmihiisa midna ku sida xariir midna
ku sida dahab wuxuuna yidhi: [أخرجه
الحاكم وصححه] ((هذان
حرام على ذكور أمتي حلٌ لإناثهم )) ((labadatanu
waa ka xaraan laboodka ummadayda, waana u xalaal dhedigeeda)).
Xadiithyada macnahoodu sidaas oo kale yahay waa fara badan
yihiin, ee lagu yaqaano Labada saxeex iyo kuwa keleba. Intaa
waxaa dheer tusaalayaasha faraha badan, ee ay yaqaaniin kuwa
ehelka u ah cilmiga xadiithka iyo fiqiga.
Arimaha
aan soo sheegnay, waxa inoo ku cadaanaya walaalayaal
ahmiyada uu Sunnuhu u leeyahay Tashriicda Islaamka, hadii
aan ku noqono tusaalayaashii aan soo sheegnay iyo kuwo
kaleba oo aynaan soo sheeginba, waxaan yaqiinsanaynaa inaanu
jirin dariiqa kale oo lagu fahmo Quraanka, faham saxeex ah,
ilaa iyadoo loo kaashado sunnaha mooyee.
Tusaalihii kowaad:
Asxaabtii redwaanu Allaah calayhim, waxay u fahmeen dulmiga
lagu sheegay Aayada sida daahirka ah, iyadoo ay ahaayeen
radiya Allaahu canhum siduu yidh Ibin Mascuud: (kuwii ugu
fadliga badnaa ummadan, uguna qalbi wanaagsanaa, uguna
cilmiga badnaa, uguna iskalifaad yaraa.) iyadoo ay sidaas
tahay, ayay hadana ku qaldameen fahamka kelmedaasi, hadaanu
Nebigu sala Allaahu calayhi wasalam ka celin qaldkoodii, oo
ku hanuunin sida saxa ah, ee looga jeedo kelmeda dulmi, ee
la soo sheegay inay tahay shirkiga , inana waan ku raaci
lahayn qaldkooda, hase yeeshee Allaah tabaaraka wa tacaalaa
ayaa taa inaga celiyey, fadliga hanuuntiisa sala Allaahu
calayhi wasalam iyo sunnihiisii.
Tusaalaha
labaadna:
hadaanu jirin Xadiithkaa aan soo sheegnay, waxaan ku sugnaan
lahayn kuwa ka shakisan ugu yaraan soo gaabinta salaada,
markaan safarka nahay ee ay jirto nabad gelyadu, hadaynaanba
gaadhsiin inaan shuruud uga dhigno baqdinta, sida ay tahay
daahirka Aayadu iyo sidii ay la noqotay asxaabtii qaarkood,
hadaanay arki lahayn Rasuulkii Allaah sala Allaahu calayhi
wasalam oo soo gaabinaya, ayna la soo gaabinayaan, iyagoo
nabad gelyo jooga.
Tusaalaha
saddexaadna:
hadaanu jirin Xadiithkaasu, waxan iska xarimi lahayn,
waxayaabo wanaagsan oo laynoo xalaaleeyey sida: Ayaxa,
Kaluunka, Beerka iyo ganaca.
Tusaalaha
afaraadna:
hadaanay jirin Xadiithyadan aan soo sheegnay qaarkood,
waxaan xalaalaysan lahayn wuxuu Allaah inagaga xarimay
qowlka Nebigiisa sala Allaahu calayhi wasalam, ee ah wixii
miciyo leh ee Habardugaag ah, iyo wixii cidiyaha adag ee ay
wax ku dilaan leh, oo Shimbiro ah.
Tusaalaha
shanaadna:
sidoo kale hadaanay jirin xadiithyadaasu, waxan xalaalaysan
lahayn wixii Allaah inagaga xarimay qowlka Rasuulkiisa sala
Allaahu calayhi wasalam, oo ah dahabka iyo xariirta, halkan
waxay yidhaahdeen Salafka qaarkood: Sunnuhu wuxu xukumaa
Kitaabka.
Lunsanaanta kuwa Quraanka kaga maarmay Sunnaha: -
Waxa ah
wax aad looga xumaado, inay jiraan qaar fasirayaal Quraanka
ah iyo Qorayaal casri ah, inay gaadheen inay baneeyaan
waxaan ku soo sheegnay labadii tusaale ee ugu dambeeyey,
waxay baneeyeen in la cuno Habardugaag iyo Shimbiraha oo
dhan, iyo xidhashada dahabka iyo xariirta, iyagoo kaashanaya
Quraanka oo keli ah, bal waxa jira waqtigan aan joogno, koox
isku magcawday Quraaniyiin, waxay u fasirtaan Quraanka siday
hawadoodu doonto iyo caqliyadoodu, iyaga oo aan kaashanayn
sunnaha saxeexa
ah, bal
sunnuhu wuxuu yahay xagooda inuu hawadooda raaco, wixii ka
waafaqa hawadoodu way ku dhegayaan, wixii aan ka waafiqin
hawadoodana, dhabarkooda ayey ka tuurayaan. Nebigiibaa sala
Allaahu calayhi wasalam, ayaa tilmaamay kuwaas oo wuxuu ku
yidhi xadiith saxeex ah: ((لا
ألفين أحدكم متكئا على أريكته يأتيه الأمر من أمري مما أمرت به
أونهيت عنه فيقول: لا أدري ما وجدنا في كتاب الله أتبعناه(رواه
الترمدي)وفي رواية لغيره:(ما
وجدنا فيه حراما حرمناه ألا وإني أتيت القرآن ومثله معه)وفي
أخري:(ألا إن ما حرم رسول
الله مثل ما حرم الله).))
((Waxaa
dhici doonta in midkiin isagoo ku tingiiga sariirtiisa ama
kursigiisa, ayaa waxa u iman doona amar amaradayda ka mid
ah, oo ah wixii aan amray ama aan nahyiyey, wuxuu odhan: ma
garanayo, waxaan ka helo Kitaabka Allaah waanu raaci.))
Werin kalena wuxuu yidhi: ((waxaanu ka helo oo xaaraam ah
waanu xarami, allaa waxa lay keenay (lay soo dejiyey)
Quraanka iyo isaga oo kale, oo la socda (waa Sunnaha) ))
werin kalena wuxuu yidhi: ((allaa wixii uu Rasuulka Allaah
xarimay, waxay la mid tahay wuxuu Allaah xarimay)).
Bal waxa
ah wax aad looga xumaado, in qaar ka mid ah qorayaalka
sharafta leh uu alifay Kitaab Shareecada Islaamka iyo
Caqiidadeeda ah, wuxuna ku sheegay hordhaca Kitaabkiisa inuu
isagu alifay, oo aanu lahayn wax Maraajic ah, oo aan ahayn
Quraanka. Hadaba xadiithka saxeexa ahi wuxuu ina tusinayaa
daliil qaadic ah, inaanay Shareecada Islaamku ahayn Quraanka
oo keli ah, ee ay tahay Quraan iyo Sunnah, ruuxii qabsada
midkood, oo iskaga taga kan kale, midkoodna ma qabsan, waayo
midkood waliba
Wuxuu
amrayaa in la qabsado kan kalena, siduu yidhi subxaanahu wa
tacaalaa: [النساء:80]{من
يطع الرسول فقد أطاع الله} {qofkii adeeca Rasuulka,
wuxuu adeecay Allaah}. Wuxuu kaloo yidhi: {فلا
وربك لايؤمنون حتى يحكموك فيما شجر بينهم ثم لايجدوا في أنفسهم
حرجاً مماقضيت ويسلموا تسليماً [النساء:65]}
{Rabigaaga baan ku dhaartay ee, may rumayn ilaa ay ku
xukumtaan wixii dhex mara, oo aanay naftoodu dhibsan wixii
aad ku xukumtay, isna dhibaan dhiibitaan}. Wuxuu kaloo yidhi:
{وما كان لمؤمن ولامؤمنة إذا قضى
الله ورسوله أمراً أن يكون لهم الخيرة من أمرهم ومن يعص الله
ورسوله فقد ضل ضلالاً مبيتاً [الأحزاب:36]}
{maaha mu’min iyo mu’minad
Toona,
hadii Allaah iyo Rusuulkiisu ay xukumaan arin inay u
yeeshaan ikhtiyaar arintooda, qofkii caasiya Allaah iyo
Rasuulkiisana, wuu lumay lumitaan cad}. Wuxuu kaloo yidhi:
{ومآ أتاكم الرسول فخذوه وما
نهاكم عنه فانتهوا [الحشر:7]}
{wixii uu idiin la yimaado (ama idin faro) Rasuulku
qaata, wixii uu idinka nahyiyona ka joogsada (ama iska daaya)
}.Aayadatan waxa I cajebiyey hadal ka sugnaaday Ibin Mascuud
radiya Allaahu canhu, oo ah inay qof dumar ahi u timid oo ku
tidhi: maadigaa yidhi Allaah baa lacnaday kuwa
Suuniyahood qor qora, iyo kuwa u qorqora, iyo kuwa jidhkooda
wax ku sawira, iyo kuwa ugu sawira… Xadiithka? ((لعن
الله النامصات والمتنمصات والواشمات.....
الحديث)) wuxuu ku
yidhi haa, waxay tidhi waxaan aqriyey Kitaabka Allaah
bilowgiisa ilaa iyo dhamaadkiisa kamaan helin waxaad
sheegaysid, wuxuu ku yidhi hadaad aqriday waad ka heshay,
miyaanad aqriyin qowlka Allaah ee ah: {ومآ
أتاكم الرسول فخذوه ومانهاكم عنه فانتهوا} waxay
tidhi haa waan aqriyey, dabadeedna wuxu ku yidhi, waxaan
maqlay Rasuulkii Allaah sala Allaahu calayhi wasalam
oo leh:
((لعن
الله النامصات والمتنمصات والواشمات....
الحديث [متفق عليه]))
.
Inaanay ku filayn in Luqada lagu fahmo Quraanka: -
Waxaynu
soo sheegnay oo dhan, waxaa muuqata inay cadaan tahay
inaanay u suuroobayn, si kasta oo uu u yahay caalim luqada
carabida iyo aadaabteeda, inuu fahmo Quraanka isaga oo aan
la kaashan Sunnaha Nebiga sala Allaah calayhi wasalam, ee
qowlka iyo ficilka ah, waayo ma aha mid ka badiya luqada
asxaabtii Nebiga sala Allaahu calayhi wasalam, ee Quraanku
ku soo degay luqadoodii, oo aanay ku khaldamin wax luqad
cajemi ahi, ama laghadaha caamka ah (siday maanta tahay
luqada carabidu), hadana
Iyadoo ay
sidaas tahay, ayay ku qaldameen fahmka Aayadihii aan soo
sheegnay, markay ictimaadeen luqadoodii oo keli ah. Sidaas
darteed baa waxa layska garan karaa in qofka caalimka ku ah
sunnuhu, ka fahmi ogyahay Quraanka iyo Axkaam ka soo
saaristiisa, kan ka jaahilka ah. Bal markay sidaas tahay
maxaad u malayn kan aan ictimaadinba, amaba aan eegin
gebigiisaba?! Sidaa awgeed waxay ahayd qaaciidooyin ay isku
waafaqsan yihiin ehelka cilmigu, in Quraanka lagu
fasiro Quraan iyo Sunnah ugu
Horayn,
dabadeedna hadalkii asxaabta. Sidaas waxa inoogu muuqata
lunsanaanta culimada hadalka, kuwa hore iyo kuwa dambeba,
iyo inay ku khilaafsan yihiin salafkii rediya Allaahu canhum,
xaga caqaa’idkooda iyo axkaamtoodaba, taana waxa keenay ka
fogaanshahooda sunnaha iyo aqoontiisa, iyo iyagoo ku
xukumtay caqliyadooda iyo hawooyinkooda Aayatdaha Sifaatka
iwm. Maxaa ka wanaagsan hadalkan ku yimid sharaxa caqiidatul
Aldaxaawiyah safxada213 daabacada afraad, oo ah: (sidee buu
uga
Hadli
karaa usuulka diinta, mid aan ka qaadan kitaabka iyo sunnaha,
ee ka qaatay qowlkii hebel?! Haduu ku andacoodona inuu ka
qaatay kitaabka Allaahna subxaanahu wa tacaalaa, aan ka
qaadan tafsiirka kitaabka Allaah xadiisyada Rasuulka sala
Allaahu calayhi wasalam, oo aan eeginba waxay yidhaahdeen
asxaabtii iyo taabiciyiintoodii wanaaga ku raacay, ee ay
inoo ka soo guuriyeen kuwa lagu kalsoon yahay, oo ay
doortaan culimada Nuqaadka ahi. culimadaasu inoogama soo
guurin nidaamyada Quraanka oo keli
Ah, bal
waxay inoo soo guuriyeen nadaamkiisa iyo macnihiisaba, uma
aanay baranjirin Quraanka sida caruurtu u barato, bal waxay
baranjireen macnihiisa, ninkii aan dariiqadoodii marinina
waa mid ku hadlaaya ra’yigiisa, kan ku hadlaaya ra’yigiisuna
iyo waxa uu u malaynaayo inay Diintii Allaah tahay, oo aan
ka qaadan kitaabka iyo sunnaha, wuu dembaabay hadii uu xataa
asiibo ama sax noqdo, kan ka qaata kitaabka Allaah iyo
sunnuhuna, wuxu leeyahay ajar xataa haduu qaldamo, laakiin
haduu asiibo ajarkiisu
Waa
labanlaab. Wuxu hadana yiri safxada 217 waajib waxa ah isu
dhiibtaan dhan Rasuulka sala Allaahu calayhi wasalam, iyo u
hogaansanaan amarkiisa, iyo inaad kula kacdo khabarkiisa
aqbilaad iyo rumayn, inagoo aan ku caaridin khiyaal baadil
ah, oo aan ku magcawno caqli gal, ama aan xambaarino
shubhado ama shaki, oo aan ka hor marino ra’yiga raga, iyo
waxa xun ee dihnigooda ku jira. Waa inaan ku keliyeynaa sala
Allaahu calayhi wasalam xukumka iyo isu dhiibitaanka ……..
Sidaan ku keliyeynay soo
Diraha
subxaanahu watacaalaa cibaadada………… isudulaynta ………. Iyo
tawakulida.). Hadalkii oo dhan: waxa waajib ku ah
Muslimiinta dhamaan, inaanay kala soocin Quraanka iyo
sunnaha, ee ay wajib tahay in la wada qaato, tashriicdna
lagu dhiso labadoodaba, kaas ayaa damaan u ah inaanay u
liicin midig iyo bidix, ama dib ugu noqon baadinimadii,
siduu ku cadeeyey Rasuulku sala Allaahu calayhi wasalam
qowlkiisa ah: ((تركت فيكم
أمرين لن تضلوا ماإن تمسكتم بهما:
كتاب الله وسنتي ولن يتفرقا حتى
يردا علي الحوض [رواه
مالك بلاغاً والحاكم موصلا بإسناد حسن])) ((waxaan
idiinka tegey laba arin, oo aydaan lumayn hadaad qabsataan:
Kitaabka
Allaah iyo Sunnahayga, kalana tegi maayaan ilaa laygu soo
celiyo xoodka )) waa inaynaan odhan sida ku shaaca noqotay
kuwa badan oo Ehelka Cilmiga ah: Quraanka waxa lagu fasiraa
Quraan hadii la waayona sunnaha, sida soo socata ee aan ku
cadayn doono risaaladan aakhirkeeda, markaan ka hadli doono
Xadiithka Mucaad Bin Jabel radiya Allaahu canhu.
Baraarujin: -
Waxa iska
muuqata intaa dabadeed in aan nidhaahno, sunnaha ahmiyadaa
leh xaga tashriicda, waa sunnaha kaga sugnaaday Nebigii sala
Allaah calayhi wasalam, dariiqooyinka cilmiga ah iyo
sanadyada saxeexa ah, ee ay yaqaaniin kuwa ehelka u ah
cilmiga Xadiithka iyo ragiisa, ee maaha kan ku jira caloosha
kutubta kala duwan ee tafsiirka, fiqiga, tarqiib iyo
tarhiibka, raqaa’iqga iyo mawaacidka iwm, waayo kuwaa waxa
ku jira wax badan oo daciif, munkar iyo mawduucba ah,
qaarkoodna uu ka yahay Islaamku barii, sida Xadiithka
Haaruut wa Maaruut iyo Qisat alqaraaniiq, waxan ka qoray
risaalat khaas ah oo aan ku cadaynaayo baadilnimadooda,
wayna daabacantahay.
Waxan ku
soo saaray koox wayn oo xadiithyadaa ah, kitaabkayga
balaadhan ee la yidhaahdo: (سـلسـة
الأحاديث الضعيفة والموضوعة واثرها السيئ في الأمة)
(Silsilatu alaxaadiis adaciifah walmawduucah, wa atharuhaa
aseyi fi alummah), waxay gaadhay tiradoodu ilaa hada ku
dhowaad afar kun oo xadiith, waxayna u dhexaysaa daciif iyo
mawduuc, waxa la daabacay shan ka mid ah oo keliya. Hadaba
waxa waajib ku ah
Kuwa
cilmiga ehelka u ah, siiba kuwa ku fidiya dadka dhexdooda
Fiqigooda iyo Fatwadahooda, inaanay ku dheerayn inay ku
xujaystaan Xadiithka, ilaa laga hubsanayo inuu ka sugnaaday
Rasuulkii calayhi salaatu wasalaam, waayo kutubta fiqiga ah
ee ay muraajicayaan caada ahaan, waxa ka buuxa xadiithyo aan
waxba ka jirin oo munkar ah, iyo kuwa aan asalba lahayn
siday yaqaaniin culimadu.
Waxaan
bilaabay mashruuc muhim ah sidaan u arko, waana mid aad
nafci ugu leh kuwa ka shaqaya fiqiga, waxaan ku magcaabay:
(الأحاديث الضعيفة والموضوعة في
أمهات الكتب الفقهية) (alaxaadiith adaciifah
walmowduucah fii umuhaat alkutub alfiqihiyah), waxana
ula jeedaa kuwan:
-
الهداية للمرغنياتي في الفقه الحنفي
-
المدونة لإبن القاسم في الفقه المالكي
-
شرح الوجيز للرافعي في الفقه الشافعي
-
المغني لإبن قدامة في الفقه الحنبلي
-
بداية المجتهد لإبن رشد الأندلسى في الفقه المقارن
Hase
yeeshee waxan ka xumahay inaanu ii dhamaan weli, waayo
Majalada la yidhaahdo (الوعي
الإسلامي الكويتيه) (alwacyi alislaami oo kuwayti
ah) oo ku balan qaaday inay daabacayaan, oo aad u soo
dhowayey Fekredda markaan tusay ayaan daabicin.
Haday
taasu I dhaafto, InshaaAllaah waxan ku guulaysan in aan
waqti kale, aan u sameeyo walaalhayga ku hawlan fiqiga
manhaj cilmi ah, oo sugan, oo ka saacida oo u hawl yareeya
dariiqa aqoonta derejada xadiithka, iyo ku noqoshada
masdarada ay tahay ku noqoshadeedu lagama maarmaanka, ee ah
Kutubta xadiithka, iyo cadaynta khusuusiyaadkooda, iyo waxay
ku kala duwanyihiin, iyo wixii ay suurta gal tahay in laga
ictimaado, Allaahu tacaalaa baa waafajint haya. Magaceeda
waxa la yiraahdaa: (نصب
المجانيق في نسف قصة الغرانيق) waxa daabacay: (المكتب
الإسلامي), tiradoodu hada waxay gaadhay shankun,
inta kalena waxan rajaynayaa in Allaah ii fududayo
daabacaadeeda dhowaan.
Daciifnimada xadiiska mucaad xaga ra’yiga iyo waxa lagu
inkirayo: -
Intaanan
dhamayn kelmedaydan, waxaan arkaa inay tahay laabud inaan
idin dareensiiyo dhamaan Walaalaha halkan isugu yimid, in
xadiithka caanka ah, ee ay yartahay inuu ka madhnaado kitaab
ka mid ah kutubta usuulka fiqiga, uu yahay xadiith daciif ah
xaga sanadka, iyo ka hor imaanshahiisa waxaynu ku soo
sheegnay kelmedaydatan, oo ah inaanay banaanayn in la kala
sooco xaga tashriicda Quraanka iyo sunnaha, iyo inay waajib
tahay in la wada qaato, waana xadiithka Mucaad Bin Jebel
radiya Allaahu
Canhu, in
Nebigu uu ku yidhi, markuu u diray Yaman: ((بم
تحكم؟ قال: بكتاب الله
قال: فإن لم تجد؟ قال:
بسنة رسول الله قال:
فإن لم تجد؟ قال:
أجتهد رأي ولا ألو.
قال:
الحمد لله الذى وفق رسول رسول
الله لما يحب رسول الله)) (( maxaad ku xukumi?
Wuxuu yidhi: Kitaabka Allaah, wuxuu yidhi hadaadan ka helina?
Wuxuu yidhi: sunnaha Rasuulka Allaah, wuxuu yidhi: hadaadan
ka helina? Wuxuu yidhi: waan ijtihaadi ra’yigayga kamana
leexanayo jidka, wuxu yidhi: alxamdulilaahi, Allaahii
waafajiyey Rasuulkii Rasuulka Allaah, wixii uu jeclaa
Rasuulka Allaah)).
Hadaba
daciifnimada sanadkiisa hada waqti uma hayno aan ku cadayno,
waxaana ku cadeeyey Silsiladii aan soo sheegnay, cadayn
shaafi ah oo aanan ku samayn Silsiladii hore, waxase igaga
filan hada, in aan sheego in Amiir Almu’miniinkii
Xadiithyadu, Iimaam Albukhaari Allaahu tacaalaa ha u
naxariistee, uu yidhi xadiithkaa waa xadiith munkar ah, taas
dabadeed, waxa ii banaan in aan sharci gareeyo, is
khilaafsanaanta aan hore u soo sheegay, waxana leeyahay
xadiithka Mucaad wuxuu u dhigayaa xaakimka
Manhaj,
uu wax ku xukumo, oo ah saddex marxaladood, oo ah inaanay
banaanayn in uu baadho ra’yi ilaa uu ka waayo Sunnaha,
Sunnahana ilaa uu ka waayo Quraanka, dhinaca ra’yiga, waa
manhaj sax ah xaga culimada dhamaantood, sidaas darteed ayey
waxay yidhaahdeen: (إذا ورد
الأثر بطل النطر) (hadii Sunnuhu soo arooro waxa
baaba Ri’yiga). Hase yeeshee xaga Sunnaha sax maaha, waayo
Sunnuhu isaga xukuma Kitaabka Allaah oo cadeeya. Markaa waxa
waajib ah, in uu xukumka ka baadho sunnaha, xataa haduu u
Malaynaayo inuu ka helaayo Kitaabka Allaah, sidaan soo
sheegnay, maaha sunnaha iyo Quraanku, sida sunnaha iyo
ra’yiga, maya oo maya, bal waxa waajib ah in loo ictibaaro
Kitaabka iyo sunnaha masdar keli ah, oo aan la kala fadilin
weligeed, siduu inoo tilmaamay oo ah qowlkiisa sala Allaahu
calayhi wasalam: (ألا إني
أتيت القرآن ومثله معه ), macnuhu waa Sunnaha.
Qowlkiisana: (لن يتفرقا حتى
يردا علي الحوض). Markaa
Siduu
xadiithku sifeeyey maaha mid sax ah, waayo wuu kala soocayaa
Quraanka iyo sunnaha, taasna waa baadil sidaan soo
sheegnay. Intaas ayaan doonaayey inaan idin xusuusiyo,
hadaan asiibo xaga Allaah bay ka timid, hadii aan gefona waa
xaga naftayda, Allaahu tacaalaa waxaan weydiisanayaa inuu
naga ilaaliyo iyo idinkaba gefka iyo wax kasta oo aanu raali
ka ahayn.
Halkaas
ayuu ku dhamaaday hadalkii shiikhu Allaah ha u naxariistee,
qofkii ka hela qoraalkan wax qalad ah, ha ahaato xaga
macnaha, madbacada iwm ee, fadlan waa inaad saxdaa, anuna
nala socdsiisa, Allaahu subxaanu wa tacaalaa haynoo
hagaajiyo amuuraheena oo dhan dunida iyo aakhiroba. Asalaamu
Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuhu
Turjumadii: Ciise Maxamuud Aadam
almutawaadic@live.com
webmaster@ceegaag.com
|