Shir looga hadlayay sidii
dhaqaalo loogu ururinlahaa abaaraha dalka Soomaaliya oo ka
dhacay xarunta hay’adda SCERDO ee Magaalada Edmonton,
Canada.
(Edmonton, August 01, 2011
Ceegaag Online)
Shir ay soo
qabanqaabisay hay’adda waxbarasha iyo horumarinta reer
miyiga ee SCERDO lagagagana hadlayay sidii dhaqaalo loogu
ururinlahaa dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu haystaan ayaa ka
dhacay xarunta hay’addaas.
Shirkaas oo
ay ka soo qaybgaleen masuuliyiin kakala socda DFKM,
madaxdhaqameedyo, hoggaamiyayaasha ururada Soomaaliada ee
Edmonton, aqoonyahanno , abwaaniin iyo waxgarad kale oo
farabadan ayaa lagu falanqeeyay sidii loo caawinlahaa dadka
Soomaaliyeed ee ku tabaalaysan gudaha dalka Soomaaliya iyo
kuwa ku sugan ama ku soo qulqulaya xeryaha qaxootiga ee
dalka Kiiniya.
Xafladdaas oo
uu xidhiidhinayay Abwaan Ciise Xaaji Ismaaciil ayaa ugu
horrayn waxaa quraan wacdi ah ku furay Cabdicasiis Liibaan
oo halkaas ka akhriyay aayado quraan ah iyo wacyi ku
saabsan sida ay ummadda muslimiinta ah iyo Soomaalidaba
waajibka ugu tahay in ay iscaawiyaan isuna gargaaraan
xilliyadan adag oo kale.
Kadib waxaa
erayo soodhawayn ah ka jeediyay guddoomiyaha guddiga fulinta
ee hay’adda SCERDO Bashir Xaaji Cali (Jamaal) isagoo u
mahadceliyay waxgaradkii ka soo qayggalay shirka
islamarkaana ka codsaday in loo tafaxayto sidii dhaqaalo
xoogleh loogu ururinlahaa dadka Soomaaliyeed ee ku
dhibaataysan dalkeennii hooyo.
Waxaa ka dib lagu wareejiyay marafoonka
Wasiirka
Beeraha, xannaanada xoolaha iyo duurjoogta ee DFKM ee
Soomaaliya Dr. Cabdillaahi Maxamed Samow oo ku dheeraaday
dhibaatada haysata ummadda Soomaaliyeed dhinac walba
islamarkaana tilmaamay in sida kaliya ee lagagabixikaro
arrintaas ay tahay midnimo iyo isku duubni. Waxaa kale oo
wasiirku ku adkeeyay dadkii ka soo qaybgalay shirka in aan
lookala hadhin sidii loogu gurman lahaa dadkeenna abaaruhu
ku habsadeen isla markaana la garab istaago DFKM ee
Soomaaliya sidii ay u xasilin lahayd dalka Soomaaliyeed ee
dagaalladu aafeeyeen.
Waxaa sidoo
kale halkaas gabayo duco iyo xigmad xambaarsan ka soo
jeediyay aqoonyahannada iyo abwaaniinta kala ah Cabdillaahi
Xasan Dhooble , Cabdicasiis M. Liibaan iyo Ciise Xaaji
Ismaaciil oo saddexduba gabayadoodii ku cabiray marxaladda
adag ee dalka Soomaaliya ku jirto iyo sidii looga
samatabixilahaa.
Waxaa isna
halkaas hadalo dhiirrigalin iyo duco ka soo jeediyay Suldaan
Subeer Maxamed Cali iyo Caaqiil Muuse Cismaan Gaabay oo
iyana ku dhiirrigaliyay dadkii ka soo qaybgalay shirka in
loo gurmado dadka ay abaaruhu waxyeelleeyeen si wadajir ahna
looga wadaqaybgalo gurmadkaas.
Waxaa iyana
goobtaas hadallo qiiro badan ka soo jeediyay Sahara Xaashi
iyo Farxiya Abshir oo ka kala socday ururada ESCC iyo ASCC
iyagoo ballanqaaday in ay si hagarla,aan ah uga
qaybgalidoonaan dhaqaala ururinta loosamaynayo dadka
abaarahu haystaan.
Waxaa iyana
goobtaas hadallo gaagaaban ka soo jeediyay waxgarad iyo
aqoonyahanno ay ka midyihiin Shukri Maxamed Hirmooge, Cawil
Siciid Faarax Dhawre, oo labaduba ku dheeraaday sida ay
waajibka diiniga ah ay u tahay in loo kaalmeeyo dadkeenna
dhibaataysan.
Shirkaas ayaa
ku soo gabagaboobay jawi aad u sarreeya islamarkaana waxaa
halkaas dhaqaalo loogu ururiyay dadka abaaruhu hayaan iyadoo
dib lagu ballamay in la joogteeyo dhaqaalo ururinta
islamarkaana lalakaashado dawladda dhexe ee Canada iyo ta
gobolka Alberta-ba.
Daawo Sawiradda
Source: Scerdo.org
webmaster@ceegaag.com
|