Sideen ugu diyaar garownaa
Bisha Ramadaan?
(Muqdisho, Aug 06, 2011
Ceegaag Online)
Allaah ayaa mahadoodhan iskaleh Nabad galyo iyo Naxariis ha
ahaato Suubanaheenna SCW kadib Waxaan jeclahay inaan
walaalahayga kala qeyb qaato is xusuusinta hababka ugu
wanaagsan ee aan kusoo dhaweyn karno bishaan barakeysan
Marka hore: Isdiyaarinta nafsaaniga iyo camaliga ama shaqada
ee bishaan barakeysan:
" Ducada oo labadiyo inta uusan soogalin ramadaanka
ducooyinka soo aroorayna waxaakamid ah :
A- (Allaahumma baarik lanaa fii rajab wa shacbaan wa
ballignaa Ramadaan)
B- (Allaahumma sallimnii ilaa ramadaan wasallim lii ramadaan
watasallamhu minnii mutaqabalan)
" Niyooyinka ay haboontahay in qofka uu sii niyeysto
intuusan imaanin ramadaanka:
Sida kusugan saxiixul muslim xadiithul qudsi ayuu allaah SXW
kuleeyahay (Addoonkeyga hadii naftiisa uu ugu sheekeeyo inuu
camal wanaagsan sameysto waxaan u qorayaa xasanah)
Niyooyinka larabo bishaan waxaakamid ah:
1- In qofka uu niyeysto
inuu khatimo quraanka kariimka ah dhowr jeer
2- In qofka uu niyeysto inuu allaah u towbad keeno asagoo
katowbad keenayo dunuubtiisii oodhan
3- Inuu niyeysto in bishan barakeysan ay unoqoto bishii uu
kheyrka bilaabi lahaa siina wadi lahaa kheyrkaas waligiisba
insha allaah
4- Inuu qofka niyeysto inuu bishaan sameysto ajar aad iyo
aad u fara badan waayo bishaan ajarka waa la laba jibaaraa
5- Inuu qofka niyeysto inuu bishaan hagaajiyo akhlaaqdiisa
iyo habdhaqankiisa uu dadka kula dhaqmaayo dhaqan
wanaagsanna uu yeesho
6- Inuu niyeysto inuu bishaan barakeysan ka shaqeeyo
faafinta iyo fahamsiinta dadka diinteena islaamka ee qiimaha
badan waayo bishaan waa bil ay dadka kheyrka usoo jeedaan
jecel yihiinna
Inuu niyeystaa inuu jadwal u sameysto cibaadada bishaan iyo
daacadda allaah iskuna dayaa inuu jadwalkaas ku dhaqmaa
" Daalacashada iyo akhrinta kutubta iimaaniga ah: waxaana
loola jeedaa in qofka uu akhriyo kutubta RAQAA'IQDA ama
quluubta jilciso ee bishaan ugaarka ah si naftiisa ugu
diyaar garowdo bishaan barakeysan caadifad iimaani ah oo
wanaagsanna uu uhelo
" Aqri kitaabka (lataa if al macaarif) {babul wadaa if
shahri ramadaan} natiijada waad arkeysaaye
" Soon wax kamid ah bisha shacbaan wuxuu kuugu noqonaayaa
diyaar garow bisha ramadaane
" Walaal ka faa'iideyso fadaa'isha bishaan ramadaan iyo
soonkeda: danbigaa lagu dhaafaa, naartaa la isaga xureeyaa,
waxaa ku jirto habeenkii laylatul qadarka, oo malaa'ikta ay
danbi dhaafka kuugu duceyneysay, ajarka ayaa la laalaabaa,
waa bil naxariis ah waa bil la isu danbi dhaafo ka
faa'iideyso qeybahaan oo dhan si naftaada aad usiiso nashaad
iyo fir firconi
Dhageyso cajaladaha muxaadarooyinka ka hadlaayo bishaan
" Dhageyso Matalan hal cajal ama laba cajal kudhageyso
guriga ama xitaa baabuurkaada waxad heleysaa natiijada insha
allaah
" Aqri ama dhageyso aayadaha ramadaanka tafsiirkooda
" (Nala fadhiiso aan ramadaanka xasuusannee) waxaa
kadhigataa cinwaan fadhi aad la qaadato dadka aad jeceshahay
ee wanaaga aad ku taqaanno
" Isku day inaad u jarto qeyb kamid ah lacagta kusoo gasho
bishaan oo aad ku fuliso mashaariicda bishaan sida:
" Sadaqada bisha ramadaan
" Inaad ku gado kutub risaalooyin iyo cajalado si aad ugu
qeybiso lacag la'aan
" Inaad ka qeyb qaadato afurinta dadka baahan
" Inaad aado xaramka si aad usoo gutato cumro bishaan
ramadaan haday suuro gal kuutahay
Waxaad barataa FIQIGA SOONKA (aadaabta iyo axkaamta) adigoo
ka baranaayo masaajidda iyo maraakizta
Tag oo ka qeyb gal muxaadarooyinka nadwooyinka iyo duruusta
ku saabsan bishaan ee la qabanaayo
Gurigaada u diyaari bishaan barakeeysan ilmaha iyo xaaska (
adiinkoo kawada hadlaayo sidee ugu diyaar garownaa bishaan
barakeysan)
Gaba gabo:
waxaan allaah ka baryaa
inuu nabad nagu gaarsiiyo bisha barakeysan ee ramadaan
nagana dhigo kuwo kafaa'iideysta acmaal wanaagsanna sameysto
laguna daro kuwa laga xureeyo naarta Allaahumma aamiin
Waxaan kusoo gaba gabeynayaa maqaalkan gaaban ee aan ugu
talo galay inaan kagala qeyb qaato walaaladeey soodhaweynta
bishan barakeysan waxaan allaah ka baryayaa wixii khalad ah
ee ku jiro inuu iiga danbi dhaafo igana cafiyo
Walaaladeyda akhristayaasha ahna waxaan ka codsanayaa iney
igasaxaan wixii khalad ah ama toosin ah waxaan shaki ku
jirin inay adagtahay in lahelo wax wada saxan oo banii aadam
sameeyay inuu allaah waafajiyo mooyee
Waxaan aad iyo aad ujeclahay inaan heli wixii talo iyo
toosin ah anigoo isku dayi doono inaan kaga faa'iideysto
qoraalada danbe insha allaah iigusoo dir wixi talo ama
toosin ah cinwaankeyga hoosta kuqoran wajazaakumullaahu
kheyran Asalaamu caleykum wr wb
ramadaan kariim dhamaantiin
walaalkiin
c/naasir yuusuf macalin
cnaasir114@hotmail.com
muqdisha
Somalia
webmaster@ceegaag.com
|