Tababar Saxaafadeed kooban oo
ku soo gabagaboobay Jaamacadda Nugaal ee Lasanod.
(Laascaanod, Aug 13, 2011
Ceegaag Online)
Jaamacadda Nugaal waxa ku soo gabagaboobay tababar dhanka
saxaafadda oo soconayey mudadii u dhaxaysay 01/08/2011---
07/08/2011. Tababarkan waxa bixinayay Eng. Abdalla
Abdirahman Shafey oo ka mid ah qurbajoogta deegaanka u
dhashay balse ahdda deegaankiisu yahay wadanka Denmark.
Waxyaabaha koorsadan gaaban lagu bartay ayaa waxa ka mid
ahaa: Web deisgn, film making, Adobe photoshop CS4, Adobe
illustrtator, Adobe in design, Adobe premier, Sony vegas iyo
waxyaabo badan oo saxaafadda aad ugu muhiim ah.
Tababarkan ama koorsadan gaaban waxa ka faa’iidaystay
ardayda Jaamacadda Nugaal, Ardayda Dugsiyada Sare,
aqoonyahano, suxufiyiin, arday iyo aqoon yahano ka kala yimi
Jaamacaddaha deriska la ah gobalka Sool ee ay ku taal
jaamacadda Nugaal.
Seminaarkan oo ahaa mid ay aad ugu baahnaayeen dhalinyarada
ku dhaqan deegankan maadaama aanay horey u arkin meel lagu
dhigayo wax ku saabsan saxaafadda ama lagaga hadlayo ayaa
waxa laga faa’iiday duruus badan oo ku saabsan barashada
saxaafadda oo taabanaysa dhincyo badan. Waxa iyana xusid
mudan in tababarkani ahaa aqoon loo soo badhigay si casri
ah. Tababaraha bixinayey koorsadan ayaa wuxu soo koobay
duruus iyo aqoon u qalanta duruusta lagaga qalin jabiyo
jaamacadaha adduunka.
Eng:Abdalla Shafay
Eng. Abdala Shafay oo ah aqoon yahan takhasusaad kala duwan
leh sida saxaafadda, Math and computer Science, isla
markaana ah qoraa leh buugaag aad looga faa’iidaystay ayaa
wuxuu fursad u helay intii uu joogay gobalka inuu la kulmo
ardayda ka qalin jabinaysa Jaamacadda Nugaal, waaxda cilmiga
barasshada xisaabta iyo computerka (Math and Computer
Scienice). Halkaas oo ay ardaydu ku soo bandhigeen Data
Base Program loogu talo galay in jaamacaddu ku shaqayso
oo ay sameeyeen ardaydaasi.
Dhamaan ka soo qayb galayaashii tababarkan oo ay ugu
horeeyaan maamulka Jaamacadda Nugaal, ardayda iyo bulshada
kala duwan ee ka faa’iidaystay koorsadan ayaa waxay mahadnaq
baaladhan ui soo jeedinayaan Eng. Abdala Shafey. Sidoo kale
waxan rajaynaynaa in ay deegaanka dib ugu soo noqdaan aqoon
yahano kale oo umadda u faa’iideeya sida Eng. Shafey oo
kale.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com
|