Tan iyo Wixii ka
danbeeyey markii ay soo if baxday xaalada adag ee ay ku
jiraa qaar kamid ah maxaabiista ku xidhan xabsiga dhexe ee
lascanod ee ah in ay joojiyeen guud ahaanba Cuntadd ayaa
waxaa soo badanayey hadal haynta iyo dadaalka loogu jiro
sidii Maxaabiistaasi loo Qancin lahaa isla markaana maamulka
Somaliland ay waxa ay doonayaan u sameeyaan.
Inta Badan Maxaabiistan ayaa ka cabanaya Sharci xumada
maamulka Somaliland, iyagoo markaasi sheegay in ay mudo kor
u dhaafaysa 1-Sano ay Xabsiga iskaga xidhanyihiin Sifo aan
sharciga waafaqsanayn,isla markaana waxa ay ka Cabanayaan
Maxaabiistani in Sida ugu dhakhsaha Badan Kiisaska loo
haysto loogu soo cadeeyo.
Haween waynaha gobolka Sool ayaa xaaladaasi ka biyo diidey
iyagoo markaasina Maanta isku soo bax balaadhan ka sameeyey
irida hore ee Xabsiga dhexe ee Laascanod kuwasi oo ka soo
horjeeday Nidaamka iyo Dhaqanka aan waaqafsanayn Diinta
Islaamka isla markaana aanay sharci dhigayaa aanay jirin in
Shiqsiyaad Xoriyadda Laga qaado Sifo aan Sharciga
Waafaqsanayn.
hadba Waxa aanu La kulanay Qaar kamid ah Haweeenkii Banaan
baxaasi Sameeyey
Kor ka Dhagayso Hadalkii Haweenka.