Wadada Laamiga ah ee isku xidha
magaalooyinka Garoowe iyo
Laascaanood ayaa mudooyinkii danbe
waxaa ku soo badanaya burburka baahsan ee wadadaasi haysta,
wadadan ayaa sida muuqata waxaa ay tahay mid bur bur
balaadhani haysto isla markaana haatan ku dhow in guud
ahaanba wadaadasi ay goobta ay ku taal uga baxdo.
Wadayaasha baabuurka u kala goosha magaalooyinka Garoowe iyo
Laascaanood ayaa bur burkan cabasho ka muujinaya iyadoo
habeenkiina ay khatar tahay shilalka baabuur ee ka dhasha,
warbaahinta Soomaaliyeed qaar kamid ah ayaa u kuur galay
wadadaasi, iyado sida aad ku arki doontaan muuqaladda kala
gedisan ee ka muuqdana ay ku habsatay bur bur isla markaana
aanay jirin cid wax qabad ka samaysey wadadaasi.
Wadadan burburku haysto ayaa ku taal duleedka Degmada
Tukaraq oo kamid ah Goobaha Faro ku tiriska ah ee maamulka
Puntland ka arimiyo waxaana ku yaal
kantarool kharashaad aad u
faro badan uu uga soo xaroodo maamulka Puntland isla
markaana ma jirto wax dayac tir ah oo
dowlad goboleedka
Puntland ay ka hirgelisay wadaadasi.
Qaar kamid ah wadayaasha baaburta isticmaala
wadaadasi ayaa cabasho badan ka muujinaya isla markaa maamulka Puntland ka
codsanaya inay sida ugu dhakhsaha badan wax uga
qabtaan.