Dowladda
Kuwait oo markii ugu horreysay si heer sare ah u soo
dhoweysay Mas'uul Soomaaliyeed
(Kuwait. Dec 05, 2011
Ceegaag Online)
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali
ayaa maanta gaaray dalka Kuwait ka dib markii uu martikhaat
rasmi ah ka helay Amiirka iyo Ra'iisul Wasaaraha dowladda
Kuwait. Dowladda Kuwait ayaa si cajiib leh u soo dhoweysey
Prof Abdiweli oo ah markii ugu horeysay oo mas'uul
Soomaaliyeed sidaas quruxda badan loogu soo dhoweeyo. Waxaa
gegida diyaaradaha ee Kuwait uga horyimid Prof Abdiweli
Ra'iisul Wasaaraha cusub ee Dalka Kuwait Sheikh Jaber Al-Mubarak
Al-Hamad Al-Sabah, Ra'iisul Wasaare ku xigeeno, golihii
wasiirada iyo mas'uuliyiin sar-sare.
Ra'iisul Wasaare Abdiweli markii uu soo cagadhigtay waxaa
lagu soo dhoweeyey kaarbet guduudan oo weliba uu salaan
sharaf isaga iyo Ra'iisul Wasaaraha ka qaateen cutubyo
ciidanka Kuwait ah oo weliba la qaaday heeshihii calanka ee
labada dal. Waxaa jidadka waaweyn lagu taxay calanka
Soomaaliya iyo calanka Kuwait.
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo beryahan xiriirka
caalamka xoojiyey ayaa si is-daba joog ah uu u helayey
casuumaad madaxda caalamka tan oo muujineysa in caalamku ay
si aad ah ugu qanacsanyihiin dadaalka uu wado Prof Abdiweli
oo horumar weyn ka sameeyey dhanka amniga, xiriirka
maamulada iyo Dowladda Fedraalka ah, maamul wanaaga iyo
arrimaha gar-gaarka bani'aadanimo. Waxaa intaas sii wehlisay
Roadmap kii dhowaan Somalidu saxiixeen oo muujinaya sida ay
Soomaalida ula wareegeen hoggaanka iyo ka talinta aayaha iyo
mustaqbalka dalka.
Daawo
Sawirada
Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)
Senior Advisor to the Prime Minister of Somalia
& Spokesperson of the Government
Tel: +252615479911 or +252699998854
E-mail: ayarisow@opm.gov.so
E-mail: engabdirahman@gmail.com
webmaster@ceegaag.com
|