Fadliga Salaadda
Jamaacada
(Boston, Dec 21,
2011 Ceegaag Online)
Fadliga ay leedahay in
Salaadda raggu ay jamaaco ku tukudaan waa mid aad u wayn
lugumana soo koobi karo hal ama laba qoraal. waxaanse isku
dayayaa inaan is xassuusinno in kooban oo ka mid ah waayoo
Allah ayaa rasuulkiisa amray inuu mu'miniinta xasuusiyo
kheirka sababtoo ah waanada iyo xasuusintu waxay afnacdaa
mu'miniinta.
Ajjarka oo labalaabo:
Rasuulku wuxuu yiri
sallallahu calayhi wasallama.
"Salaadda qofka jamaaca ku tukaday waxay ay ka fadli
badantahay midka kaligiis tukada 27 darajo (labaatan iyo
toddoba). Waxaa
wariyay Bukhari iyo Muslim.
الخطيئات وحط الدرجات رفع
Darajooyinka oo kor loo qaado iyo gafafka oo la dhaafo.
Rasuulku wuxuu yiri
sallallahu calayhi wasallama.
"Salaadda ninka jamaaco
ku tukada waxay ka fadli badantahay salaadda midka gurigiisa
ama suuqiisa ku tukado 25 (labaatan iyo shan laalaab).
Waayoo markuu soo weysa qaatto oo uu waysa qaadka wanaajiyo
oo ka dibna masaajidka usoo boxo, wax aan salaad ahaynna
uusan u soconin, tallaaba kasta oo uu tallaabsado waxaa
looga rida danbi, darajana waa loogu koryeelaa. Marka uu
tukado oo wayso qab ku suganyahay malaa'iktu way u
ducaynaysaa oo waxay leeyihiin Allow u naxariiso Allow u
danbi dhaaf. Inta uu salaad sugayana wuxuu ku jiraa salaad
kale" Waxaa wariyay Bukhari iyo Muslim.
الهدى سنن من الجماعة صلاة
Salaadda jamaacada waa waddooyinka hanuunka.
Cabdullahi Ibnu Mascuud
wuxuu yiri Allah haka raalli noqdee.
" Qofkii ay farax
galinayso inuu Allah la kulmo barri asagoo muslim ah ha ku
dadaalo salaadahaan (waa salaadaha faradka ah), meesha loogu
addimo (waa masaajidda). Waayoo Allah wuxuu u sharciyeeyay
nabigiinna (Nabi Muxammed sallallahu calayhi wasallama)
waddooyinka hanuunka, kuwanina waa waddooyinkii hanuunka (salaadaha).
Haddaad ku tukutaan guryihiinna sida uu midkan habsan ka ah
ugu tukado gurigiisa waxaad ka tagaysaan dariiqii Nabaiga.
Haddaad dariiqii nabiga ka tagtaanna waad dhumaysaan. Waxaan
arki jiray ayadoo uusan salaadda ka maqnaanin qof munaafiq
ah mooyee. Waxaa dhici jirtay in ninka la keeno (jamaacada)
ayadoo garbaha la hayyo (xanuun dartiis) ilaa safka la dhex
istaajiyo" waxaa wariyay Imaamu Muslim.
walaalayaal ma la yaabteen
anakuna inaan ku cudurdaaranno masaajidkaa igu fog, iyo
saaka waa qabow, iyo xoogay madaxaa la iga hayyaa iwm.
Allahul mustacaan..
بخير ومات بخير عاش الجماعة على افَظ ح من
Qofka
Salaadda jamaacada joogteeya kheyr buu ku noolaadaa kheirna
wuu ku dhintaa.
Rasuulku wuxuu yiri
sallallahu calayhi wasallama.
" Xalay waxaa xagga
Rabbigay iiga yimid mid yimaada ( waa malak malaa'ikta ka
mid ah) wuxuuna yiri: Moxammadow ma taqaannaa waxa ay golaha
sare ee malaa'igtu ka doodayaan? waxaan iri : Haa, waa danbi
dhaafyada iyo darajooyinka, iyo lugaha oo loo qaado
jamaacooyinka, weysada oo lugu xeel dheeraado xilliga
kulaylka iyo qabaowga, salaadda oo la sugo (masaajidka oo
salaad lugu sugo markaad mid tukatto). Qofkii ilaaliya (waa
salaadaha jamaacada lugu tukado) kheyr buu ku noolaadaa,
kheyrna waa ku dhintaa, danbiyadiisana wuxuu ka noqdaa
maalintii ay hooyadiis dhashay oo kale."
Waxaa wariyay Imaamu Axmed,
Tirmidi, sheekh Albanina wuu saxiixiyay.
الجماعة ترك من الترهيب
Cabsida ay leedahay Jamaacada oo laga tago.
Rasuulku wuxuu yiri
sallallahu calayhi wasallama.
"Salaadda ugu culayska
badan munaafiqiinta waa salaadda cishaha iyo salaadda subax,
haddeyse ogaan lahaayeen ajarka ku ira way imaanlahaayeen
haba soo garguurteene. Waxaan ku hamiyay inaan amro in
salaadda la aqimo, oon ka dibna nin iraahdo tujji dadka, ka
dibna aan boxo anoo rag xaabo wato ila socdaan oon aado qolo
aanan salaadda imaanin oon kusoo gubo guryohooda"
Waxaa Wariyay Bukhari iyo
Muslim.
Walaalayaal ma jeclaan
lahayn inaan noqonno dadkuu rasuulku ku hamiyay inuu
guryahay ku gubo?
جماعة والفجر العشاء صلاة فضل
Fadliga gaarka ah ee salaadda Cishaha iyo salaadda Subax oo
jamaaco lugu tukado ay leeyihiin.
Rasuulku wuxuu yiri
sallallahu calayhi wasallama.
"Qofkii Cishaha jamaaca
ku tukada wuxuu la midyahay qof habeenka barkiis istaagay (yacni
salaatulayl tukaday), qofkii Subaxa jamaaca ku tukadana
wuxuu la midyahay qofkii oo dhan istaagay (yacni salaatul
layl u taagnaa habeenkoo idil)." Waxaa wariyay Imamu
Muslim.
Ugu danbayntii walaalyaloow
waxaan naftayda iyo naftiinnaba kula dardaarmayaa inaanan
fududeysanin salaadda jamaacada. Qof kii awooda oo aysan
shaqo meel ku xannibin inuu yimaado salaadaha oo issi dhibo
si uu ajarkaas u helo, munaafiqnimadana uga badbaado.
halkan ka fiiri waqtiga
salaadaha masaajidka kuna soo talo gal inaadan soo daahin.
Waqtiyada salaadaha masjidkeenna la tukado waa sidatan.
SUBAX |
DUHUR |
CASSAR |
MAQRIB |
CISHAA' |
JIMCADA |
6:00AM |
12:30PM |
2:30PM |
4:20PM |
6:00PM |
1:00PM |
Waxaad soo wacdaa masjidka
si aad u ogaatto xillayada ay salaaduhu soo galaan
telephone ku waa
617-522-1881, ka dibna 1 taabo si aad u dhagaysatto xilliga
salaaddu soo gasho.
Asbuuc kasta mar baa lugu
duubaa (la update gareeyaa).
Address ka masaajidku waa
3381 R Jamaica Plain, MA
02120.
Booqo bogga masaajidka
bostonislamicenter.net
Barakallahu Fiikum
Wassalaamu Calaykum W W
Yusuf Abdulle
webmaster@ceegaag.com |