Fanaanka Axmed Xuseen Cali (Axmed Ceegaag) oo
fanka Soomaaliyeed waji cusub u furay.
(Johannesburg,
December 16,
2011 Ceegaag Online)
Fanaanka Axmed Ceegaag
oo ka mid ah Fanaaniinta Soomaaliyeed ee Wali baaqiga kusii
ah Qaarada Afrika Ayaa Fanka Soomaaliyeed ee qarniga 21aad
ufuray Waji Cusub. Fanaankan oo ku nool
Magaalada Johannesburg ee dalka Koofur Afrika muddo ka badan
20 sannadoodna kusoo dhex jiray Fanka Soomaaliya ayaa
saxaafada u sheegay inuu Waji cusub ufuridoono Fanka
Soomaaliyeed Qaasatan Fanka Casriga ah.
Axmed Ceegaag oo
saxaafada kula hadlay Magaalada Johannesburg ayaa yidhi
"Fanka Soomaaliya xan badan ayuu yeeshay Walibana
Qasaarooyin ayaa soo gaadhay Waxaa ka mid ah in fanaan uu
Hees Islaameed uu qaado waliba lagu dacweeyo Xabsi uu ku
mutaysto sidoo kalena waxaa Dhacda In abwaano sameeya
Heesaha iyaga oo ay Joogaan Hadana aan loo Weecan xagooda oo
Koobiga uun la hiigsado taasi maanta wixii ka dambeeya xal
baa loo helayaa" ayuu Yiri Fanaanka Weyn ee Axmed Ceegaag.
Axmed Xuseen Cali (Axmed
Ceegaag) Waa Fanaan aad u jecel Fanka Soomaaliyeed in uu horumar
gaadho walibana qadariya Fanaan walba uu la Kulmo ama
booqda Dalkaas Koonfur Afrika oo uu Axmed Ceegaag daganyahay.
Fanaanka weyn ee Axmed
Ceegaag mar wax laga Weydiiyay Horumarka uu Balan qaaday wax
yaabaha ka mid ah ayuu yidhi “Waxaan Caawin doonaa fanaan
walba oo diyaar u ah Fanka Soomaaliya in uu sare u qaado
waliba aan Sharafta isaga qaadeen Heesaha Koobiga ah sidoo
kale abwaanada iyo fanaaniinta kale ee u baahan in ay is
dhaafsadaan erayo si fanka loo Horumariyo.
Waxaa xusid mudan in
Fanaanka weyn ee Axmed Ceegaag uu kusoo dhaweeyay Dalka
South Africa Fanaaniinta kala ah, Saado Cali Warsame, Salaad
Darbi, Ka’naan Warsame, Lafoole, Axmed C/kariin (biif) iyo
fanaaniin badan oo halkan lagu soo koobikarin.
Waa Fanaankii ugu
horeeyay oo si iskii ah ugu istaaga Fanka Soomaaliyeed dulduleelada uu yeeshay 21-kii sanno ee na
dhaaftay.
Halkan
hoose ka Daawo
HEESTA
CEEGAAGee
uu qaadey Axmed Ceegaag