shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ged Cusub

(Boston.  Dec 05, 2011  Ceegaag Online)

Sheeko Gaaban: Ged Cusub!

Idiris M. Cali

December 2, 2011

Wax ka badan soddon mirir ayaan taagnaa, oo aan sugayey baskii 93-da oo faras-magaalaha Boston ku jeeda. Dhaxan baasi iyada oo ay i kojisay ayaan si kadis ah u jalleecay bar aan dhawr jeer oo hore ka quustay eegmadeeda mise waaba baskii oo soo lalaya! Duca-qabtaa waddoo, waatan durbadiiba hortayda ku hojisay, oo ilinkii hore ee baska iga furtay. “Dhaxanta ka soo gal!” ayey igu salaantay. Anna “Naa Muxubbo maxaa idin bakhtiistay?” ayaan, Aniga oo qadaadiic ku guraya sanduuqa agteeda ku rakiban, su’aalay. War-celimaadyo waafiya iyo kolkaan diirrimaadka baska gudahiisa isla helay ayey qadh-qadhyadu i deysay. Hore uma gudbi karin, oo basku waa uu ciirciirayey. Lugtayda midig ayaana iiga baxsanayd xarriiqa hurdiga ah. Muxubboduna sheeko ayey ii kala dhig-dhigeysay, oo sida dirawallada kale ee baskan dharaaraha kale wada igu ma aysan dhago-barjayneynin weedha ah, “Ha soo dhaafin xarriiqa huruudda ah!” Laba hojismaad ka dib, baskii wuxuu hor istaagay Dugsiga Sare ee Charlestown. Koox fara-weyn oo ardey ah oo u jarmaadeysay dugsiga ayaa ilinka dambe ee baska iska shubtay. Faalal iyo firaaqo ayuu baskii soo baxay. Intii dad ahayd ee taag-taagneyd na mid ba kursi ayuu isku ballaarshay. Anna lawyada ayaa i xanuuna oo waa waxa i soo kallihiyaye, kursi ayaan isha ku day-daydey. “Naa Muxubbo kursigaas dambe ayaan u socdaaye, waa inoo mar kale war-warrankeennu!” ayaan kaga siibtay Muxubbo.

 

Salkii aan kursiga dhigay iyo su’aal kulal ayaa isku soo beegmay. “Maxaad budkan la yaabka leh u sidataa?” ayuu mid dhogor caddi i weydiiyay. “Oo in aan dhutinayey maadan u fiirsan?” ayaan u ceshay. Waa oday da’daydaas ah; oo malahayga hadal badan ma uusan kari karine, wuu iga aamusay. Anna dan ba uma yeelanne, wargeyskii Metro, oo bartii aan baska ku sugayey uu nin sirinsirqaysani iigu keenay, ayaan la soo kala baxay. Markii uu baskii marayey Haymarket-ka ayaan hareerahayga eeg-eegay, mise odaygii mar hore ayuuba degay, oo kursigii uu fadhiyey waxaa soo fariisatay inan Soomaaliyeed! Waxaan hoos is kula sheekaystay: “Oo hadday ruuxu Soomaaliyad tahay, maxay kuu salaami weyday?” Islamarkiiba na Aniga ayaa isu war-celiyey: “Qof wargeys ku foorara, war san lagama doonee: Ar may tiri wareer jira, yuun wadaanta kuu darin?” Kolka, Aniga ayaa salaamay iyadii. Hasayeeshee, sidii dhagaxii ayey iiga aamustay, wayna ilaba hadli weyday! Kaaga daranka, afka ayeyba ii buurtay, sidii aan aabbaheed Anigu ka tashay aano-dilkiisa. Shaki ayaa iga galay inay Soomaaliyad ahayd. Haddana foolkeedii ay ii ururisay markii aan kol kale qooraansaday ayuu igu soo laabtay dareenkii aan ka noqday. Waxa uuna baskii soo  istaagay faras-magaalihii Aniga oo isla hadlaya, kuna hawshoon, oo baadi goobaya, sababta ay ruuxu iiga xir-xiratay—waaba Soomaaliyad e. Waan degay, oo xitaa maanan nabad-galyeynin Muxubbo.

 

Faras-magaalihii ayaan dhex-qaaday Aniga oo ku sii jeeda bartii aan ka halabsan lahaa baskii SilverLine-ka. Mahadda Eebbee waaba baskii oo taagan. Waan koray; Aniga oo aan bidix iyo midig toonna eegin ayaan kursigii u soo horreeyay fariistay. Is kama soo tuurine, wargeyskii ayaan la soo kala baxay. Muddo gaaban markaan akhrisanayey ayuu sawirkii hore ee waji-gabaxa ahaa, ee aan baskii hore kala soo kulmay, igu soo dhacay. Intaan wargeyskii dhabta saartay ayaan hareerahayga daymooday. “Iska waran adeer” kalmad ah ayaa dhagtayda ku soo dhacday. Waxaaba i dhinac fadhiday inantii!

“Waa nabad, adeero. Maxaad iila hadli weyday kolkii hore?”

“Haddaan kuu sheego sababta aan kuula hadli waayey kolkii kore i fahmi maysid” ayey igu adkaysay. 

Hadalkaasi markuu ii yimid, waxa aan u socdaalay maskaxdayda. Oo “Waxa ay bilistani sheegayso, ee aanan fahmi karini muxuu yahay?” ayaan is weydiiyay. Aniga oo aan ka sal-gaarin su’aashaydaas, ayaan is hor dhigay da’dayda iyo waayo-aragnimadayda. Waxaanan ku dhiirraday in aanan u debcin hadal ka soo go’ay maskax tayda ka shaqo badan, balse tayda ka wax-soo-saar yar! In badan inaan maqnaado ayaan ka dhiidhiyey, waxaanan la soo booday:

“Waxaan is lahaa inantu waxay kaaga gaabsatay afka ayeysan garanaynin e, sawdigan sida qumman ugu hadlaya afkaaga hooyo? Dambi aan kaa galayna ma jiree, maxay immikiyo markii isku dhaamaan, ee aad immikana iila hadlaysaa, markiina aad hadalkaaga iiga ceshatay?”

“Miyaanan ku oran i fahmi maysid?”

“Haddii aad i tirina! Ma Khadar oo kalaad tahay, oo ‘i fahmi maysid’ ayaa xujo kuu ah?”

“Ma garanayo Khadarka aad sheegayso, balse hadalkaygu waa digniin ee xujo ma aha. Kollay waad wadaysaa dooddan aadan meelna la gaadhayn e, aan kuu bal-ballaadhsho sababta aanan kuu salaamin markii hore.”

Intaa iyadu way hadlaysaa, Aniga se wax iiga duxa ma maqlo. Waxaan la maahsanahay sababta aysan qoftu u kasaynin Khadar. Waxaan intaa is weydiinayaa in ay qoftu la nooshahay waalidkeed, amma walaaladeed, amma dad kale oo Soomaaliyeed oo ay si uun uga maqli kari lahayd sheekada Khadar iyo in kale. Waxaan ku soo toosay iyadoo i leh:

“...hah inaad af Carabi igu bariidiso ma habboonayn! Kuma lihi af Carabi ha ku hadlin, balse waxaan ku leeyahay af Soomaaliga amma afka geyigan aan joogno dadka ku bariidi!”

“Waan gartay,” ayaan ku soo gaabiyey hadal.

Inkasta oo aanan wada dhuganin sida ay wax iigu faahfaahisay, haddana waxa ii muuqday in dhiidhiga ay gabadhani ku jirtaa ka bixiddiisu aad u adagtahay. Hasayeeshee waxa aan is tusiyey inaanan hakinin wax-is-waydaarsigan quruxda badan ee u dhaxeeya Aniga iyo iyada. Waxaanan u xayd-xaydtay inaan dhiidhiga gabadhan ka saaro, dhib ba hayga gaadhee.

“Meel fog ayaan ka arkaa mucda weedhii u dambaysay ee aad i tiri. Waxaanan u fasirtay in aad ruuxa Soomaaliga ah u rabto inuu ku dhegganaado, sida jidhkiisa oo kale, Soomaalinnimadiisa kolka hore, kolka labaadna uu gashto, oo uu isku asturo, huga geyiga uu kolkaas ku suganyahay—si uu u kasbado qadarinta dadyowga uu la soo dersay.”

“Immikaad i fahantay” ayey tiri.

“Balse wali kuma wada fahmin! Ma waxaad i leedahay ruuxa Soomaaliga ah diin ma laha u dhaqan ah, oo uu geyi kastaba ku haysan karo?” 

“Dhaqanka Carabta ayaan diidayaa, ee ma diidayo diinta!”

“Yaa kuugu sheekeeyay salaantii aan kugu salaamay waa dhaqan Carbeed oo kaliya, oo diin ba shaqo kuma laha?”

“Cidina iigu ma sheekaynin, ee Aniga ayaa sidaas wax u arka.” 

“Haddaba aragtidaada iftiin u yeel! Salaantii aan kugu salaamay waa salaanta ay Malaa’iigta Eebbe ku soo dhaweynayaan dadka Eebbe Jannadiisa dega, ee ay ku odhanayaan: ‘Nabadi korkiinna ha ahaato wixii aad u soo dhabar-adaygteen aawadood.’ Waxaad ugu tegaysaa Deerka Ar-Racad: Tusmada 24aad.”

“Qur’aanka ma akhristo!” ayey si daacadnimo leh u tiri.

“Maya waxaan rabaa inaan ku tuso waxa aad ka masuugayso ee aad leedahay waa ‘af Carabi’ inuu ku qotomo toolmooni kal-gacal ka dhex beeri kara Aadamaha. Aan kuu bal-ballaadhshee, nabadda dhabta ihi waa midda dhex taal Jannada. Nabadda aynu ifka ku haysannaana waa kal-gacal ay tahay inaynu dhaqan-galinno. Labadan nabadoodina salaantii aan kugu salaamay ayey wada xambaarsanyihiin, oo diinta xaqaad ayaa u sal ah. Middeeda kale, dhaqanka ay diintu keento ama ay bannayso waa mid if iyo aakhiraba jiraya, oo aan Carabta oo qudha u soocnaan karin. ”

Gabadhii juuq ba way ii celin weyday. Waxa ay ka fikireysayna ma sancayn karo Anigu. Goor uu baskii istaagay bartii aan kaga dagayeyna waxaan sii salaamadiyey gabadhii. Waxaana dhab ahaantii i farxad-galisay gabadha salaan-celiskeedii. Xitaa waxay gaadhay i barakayntayda Eebbe.

Dhabbadii Washington ayaan ka gudbay. Waxaanan u dhaqaaqay dhankii Cusbitaalka Bartameed ee Boston. Intaan sii tukubayey waxaa maskaxdayda ka guuxayey waxyaallo tiro badan. Waxaa ii muuqday in cadaadis badan—oo ka saaqidiyey barashada waxa ay diintoodu ugu fadhido, isla markaasna cujujuubay—uu fuulay dhalintii. Qudha, ma qof af Carabiga uga dudaysa, oo waliba ku sii indhacad, in aan geyigan lagaga hadlin ayaa Qur’aanka akhrisanaysa? Bal maxay diinteenna iyo dhaqankeeda Carabta oo qudha u siinaysaa, Carabta qaar baa diinteennaba aan la siinin e? Waa ged cusub, sida ay ila tahay. Wargeyska aan kilkisha bidix ku sitaana waa xoormo iyo salladdiisa laammiga jirjirkiisa qotonta ku rid mar ba hadduusan gabal yar na kaga xog-warramaynin geddan cusub ee sidaas iyo si ka xooggan ba isu soo camiraysa. Dhaxan weynaa! Eebbow diirsimaadkaaga meeshatan noogu soo badi.  

Idiris M. Cali

Dhanjac: idiris.m.cali@gmail.com

 

webmaster@ceegaag.com