Hay'adda HIRDA oo Magaalada Muqdisho ku qabatay
dood ku saabsan habka waxbarashada Soomaaliya
Hay'adda Himilo Relief and Develompment
Association (HIRDA) ayaa ku qabtay Muqdisho dood ku saabsan
habka waxbarashada Soomaaliya, taasoo ay kasoo qaybgaleen
dallada waxbarashada, jaamacadaha, ururrada bulshada,
haya'daha waxbarashada, aqoonyahanno iyo mas'uuliyiin ka
socday wasaaradda waxbarashada DKMG ah.
Dooddan oo socotay laba maalmood 6-dii illaa 7-dii Diseembar,
ayaa waxaa looga hadlay habka ugu habboon ee waxbarashada
Soomaaliya iyo heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay,
iyadoo ay barnaamijkaas soo bandhigeen dad khuburo ah
oo ay ka mid yihiin: Prof. Maxamed Cilmi Tooxoow, Dr Nuur
Sheekh Maxamuud iyo Prof. Xuseen Cabdi Aadan.
Aqoonyahannadan ayaa waxay si faahfaahsan uga hadleen
sooyaalka waxbarashada Soomaaliya laga soo billaabo
1884-tii illaa 1991-kii, iyadoo laga dhawaajiyay in
heerarka waxbarashada Soomaaliya ay soo martay saddex
qaybood oo kala ah: xilligii gumeysiga, xilligii dowladdii
rayidka iyo xilligii dowladdii Kacaanka.
"Hay'adda HIRDA 12-sano ayay ka shaqeynaysay howlaha
waxbarashada Soomaaliya, waxaana ka go'an inay geed dheer
iyo mid gaabanba u fuushosidii ay qayb lixaad leh uga qaadan
lahayd tayeynta waxbarashada dalka," ayuu yiri Cabdi-daahir
Aadan Diiriye oo ah wakiilka hay'adda HIRDA ee Muqdisho.
Mas'uuliyiinta doodda ka hadlay waxay si aad ah uga hadleen
heerarka kala duwan ee ay soo martay waxbarashada Soomaaliya,
iyagoo sheegay in ay jireen caqabado badan oo ku imaanayay
nidaamka waxbarashada dalka, iyagoo muujiyay in xilligan ay
muuqdaan in laga gudbayo caqabadahaas.
"Xilligan waxaa soo badanaya haweenka
waxbarta, balse markii hore aad ayay u yaraayeen, waxaana
dhici jirtay in marka gabadhu ay dhammeyso dugsiga sare inay
guursan jirtay ama nin lagu dari jiray, balse maanta waxaa
muuqda haween badan oo jaamacadaha iyo macaahidda dalka wax
ka barta, taasna waxay qayb ka tahay isbedelka waxbarashada
dalka ku
yimid," ayay tiri Dr Nuurto Sheekh oo iyaduna ka hadashay
doodda.
Dr Nuurto waxay ka mid ahayd macallimiintii duruusta ka
jeedinayay doodda ku saabsanayd waxbarashada dalka, iyadoo
ka mid ah haweenka Soomaaliyeed ee waxbartay.
Ma ahan markii ugu horreysay oo ay hay'adda HIRDA barnaamij
noocan oo kale ah ku qabato dalka, balse waxay horay u
qabtay dood noocan oo kale ah, taasoo looga hadlay tayeynta
waxbarasrhada dalka Soomaaliya. Iyadoo hay'adda HIRDA ay wax
ka qabataa caafimaadka iyo horumarinta bulshada.