Hay'adda HIRDA oo Magaalada Muqdisho gargaar
rashin ah ugu qaybisay Qoysas Barakacayaal ah
Hay'adda samofalka HIRDA (Himilo
Relief & Development Association), ayaa deeq raashin ah ugu
qaybisay degmada Hodan ee magaalada Muqdisho qoysas
barakacyaaal ah.Qoysaska deeqda loo qaybiyay ayaa waxay
tiradoodu ahayd in ka badan 300, kuwaasoo oo ku jiray kaam
ku yaalla degmada Hodan, waxaana qoys walba uu helay: 50-kg
oo bariis ah, 50-kg oo bur iyo saddex liitar oo saliid ah
Gargaarkan ayaa waxaa ku deeqday hay'adda caalamiga ah ee
ETWA-Netherlands, waxaana deeqdan loo wakiishay inay
gaarsiiso qoysaska loogu talogalay hay'dda HIRDA oo ka
shaqeysa Soomaaliya oo dhan. "Waxaan u mahadcelinaynaa
hay'adda ETWA-Netherlands oo soo dhiibtay deeqdan, innaguna
waxaan gaarsiinnay dadkii u baahnaa iyo xilligii loo baahnaa,"
ayuu yiri madaxa HIRDA ee Muqdisho, C/daahir Aadan Diiriye.
Haweeney ka mid ah qoysaskii deeqda ka faa'iideystay oo
da'deedu ahayd 70-sano jir ayaa waxay sheegtay in gargaarkan
lasoo gaarsiiyay xilli ay baahi u qabeen, iyadoo u
mahadcelisay hay'ddii soo dhiibtay iyo middii u qaybisay
labadaba. "Ma ahan markii ugu horreysay oo deeq noocan
oo kale ah ay hay'addu qaybiso," ayuu hadalkiisa ku
daray isagoo sheegay inay deeqo noocan oo kale ah ay
horay uga qaybiyeen gobollada Soomaaliya qaarkood sida: Gedo,
Bay, Galguduud iyo Banaadir.
Hay'adda samofalka HIRDA ayaa ka shaqeysa waxbarshada,
caafimaadka, gargaarka bani'aadamnimo iyo sidii ay bulshada
Soomaaliyeed uga horumarin lahayd dhinac walba.