Hadaba taliyaha xabsiga
dhexe ee magaalada Laascaanood
ayaa warbaahinta u xaqiijiyey waxa ka jira in guud
ahaanba ay maxaabiista xabsiga
dhexe ay ka soomeen cuntadii
waxa uuna yidhi."Way jirta arintan laakin
waxaan ka waaniyey in ay maxaabiistu
cuntadooda cunaan anoo la
kaashanaya waalidiintooda"
Taliyaha ayaa sidoo kale
sheegay in uu la kaashanayo
masuuliyiinta maamulka
Somaliland sidii maxaabiistan
danbiyadooda loo baadhi lahaa
isla markaana kiisaskooda loo soo afjari lahaa.
Xabsiga dhexe ee Laascanod ayaa
waxaa haatan ku jira maxaabiis aad u badan kuwaasi
oo xaaladooda nololeed ay wanaagsantahay,
balse ka cabanaya dhanka
sharciga iyo maamulka,
kuwaasi oo sheegay in ay sharci
daro ku wada xidhanyihiin
intooda badani, waana markii u
horeysey ee maxaabiis ku xidhan xabsiga
dhexe ee Laascaanood ay sidan oo
kale u sameeyaan cunto
cuni waa ama
Iska afqabasho cuno.
Xuquuqda Cajalada waxaa iska leh Somalisat.tv
Maxamed Cismaan C/nuur
Laascaanood