Ogaysiis: Shirka Taleex iyo dhiiro galinta iyo waliba
maalaynta suxufiyiinta saxaafada Soomaalida.
Saxaafadu waa aas aaska cadaalada
bulshada, waa difaaca kaliya ee awooda shaqsi kasta, sidoo
kale hadii lagu xadgudbo xuquuqda saxaafada waxaa meesha ka
baxa xuquuqdii wariyayaasha sidaa awgeed.
Aan ku bilaabo Ogaysiis aan usoo
jeedinayo saxaafada Soomaalida aniga oo tix galinaya
duruufaha jira waxaan ku boorinayaa in aad loo ilaaliyo ama
laysaga ilaaliyo wararka ay daabacdo Ceegaag Online waayo
inta shirka wadatashiga ee beesha Dhulbahante socdo
ma’ogolaan doono in lagu xad gudbo xuquuqda wariyayaasha iyo
wararka Sababtoo ah.
Taleex waa magaalo qadiimi ah oo wayn,
waxaa laga heli karaa dhamaan adeegyada isgaadhsiinta, sidoo
kale waxaa diyaara wariyayaal madax banaan oo aad ugu takha
susay tabta iyo xeladaha war-tabineed ee Soomaaliya gaar
ahaan mandaqada reeraha shiraya degaan, intaa dabadeed.
Ceegaag Online waxay balan qaadasaa
inay talaabo sharciya ka qaado amaba ay ku dacweeso dhaqaale
fooqal-caqliya cidii ku xad gudubta wararka u gaarka ah si
toos ah iyo si dadbanba waayo.
Waxaa shabakadaha wararku badanaa marti
u yihiin shirkado shisheeye mana jirto amaba waa miduun
dhamaan shabakadaha Soomaalida mid iyadu gaar u leh
kaydkeeda wararka, taa soo dhibyareenasa fulinta, ilaalinta
iyo waliba meelmarinta xuquuqda saxaafada.
Ugu danbayn Saxaafadu waa aas aaska
cadaalada bulshada si taa loo helana waa in loo cadaalad
falaa wariyayaasha oo aan wararkooda la xadin si aan loo
maal galin wariye kale oo garab taagan oo bilaa camal ah.
Saxaafadu waa awooda shaqsigii la awood-daraysto hadii
qafkii warka tabin lahaa la hagrado oo meelahaa wararka laga
tuugaysto xagay saxaafadi oolasaa?
Si loo ilaaliyo asluubta iyo sharciga
saxaafada u hur dhawr boqol oo dollar waad haystaaye ama
taageerayaashaada uga qaad, oo maalgali suxufiyad ama suxufi
si aad u dhiiro galiso saxaafada dalka guud ahaan gaar
ahaana suxufiyiinta raba amaba ku hawlan tabinta wararka
shirka Taleex.
Eng. Xuseen Fiin