Shir looga hadlay
taakuleeynta Jaamacada Maakhir oo ka dhacay Magaalada
Edmonton, Alberta, ee dalka Canada.
(Edmonton, Dec
26,
2011 Ceegaag Online)
Shirkaas oo ay isugu
yimaadeen Jaaliyada kasoo jeeda gobolada Sanaag, Haylaan iyo
Bari ee degan magaalada Edmonton ee
gobolka Alberta, ayaa qabsoomay
shalay oo ay taarikhdu ahayd
December 25, 2011. Shirka oo daba socday dadaal ay dhamaan
qurba joogta gobolada sare ku xusani ay ugu jireen sidii
looga qaybqaadaan lahaa dhisidda iyo dhamaystirka Jaamacada
Maakhir ee magaalada Badhan ayaa wuxuu ku dhamaaday
isafgarad iyo in sida ugu dhakhsaha badan looga qayb qaato
guud ahaan horumarka gobolada gaar ahaan Jaamacada Maakhir
oo gaashaanka iyo guntigaba loo furo, waxtar degdeg ah na la
gaadhsiiyo Jaamacada.
Shirka oo si fiican
u dhacay ayna ka soo qayb galeen inta badan reer Edmonton-ka
ka soo jeeda gobolada sare ku xusani ayaa waxa laysku
afgartay in wixii dhaqaale ah oo lagu heshiiyey
ama la qoondeeyay ay ku soo xeroodaan muddo aan ka badnayn
10 casho. Waxa xusid mudan in inta badan dhaqaalihi lagu
dhawaaqay ay gacanta soo galeen, inta hadhayna lagu balan
sanyahay in lagu soo xereeyo sida ugu dhakhsaha badan.
Waxaa dadaal dheerad
ah oo la jaanqaadaya kan ka socda caasamida gobolka Alberta
ee Edmonton, ka socdaa magaalada Fort McMurray oo
Edmonton u jirta 500km,
ahna magaalo ay ka shaqaystaan
dhalinyaro iyo odayaal ka soo jeeda Jaaliyadaha Sanaag,
Haylaan iyo Bari.
Waxaa shirka furay
Oday Mahdi Aliayan (Abdi
Dhereyo) hadal gaaban ku cadeeyey
sidii aynan marna surtagal u noqon Karin in dad u dhashay
sideena gobolada aynu ka soo jeedno muddo u xusul duubayeen
dhisida Jaamacada Maakhir ee Badhan iyagoo u huray
waqtigooda qaaliga ah iyo dhaqaalohoodaba, inaguna iska
fiirsano. Waxaa waajib ku ah qofkasta oo daneenaya danta
guud inuu ka qaybgalo mashruucan muhiimka ah dal iyo dibedda
meelkastuu joogo.
Waxaa isaguna
halkaas hadal Murtiyeed ka soo jeediyay Oday
Cawil Mohamed Xirsi, oo isaguna aad ugu dheeraaday
faa’iidada ay leedahay dhisidda Jaamacadda Maakhir. Wuxuuna
afka ku dhuftay inay waxtar balaadhan u yeelan doonto
dhalinta yaryar, noqonna doonto mid dhalinta ku negaysa
dalka.
Osman Mohamud Mohamed
Shire oo wakiil ka ah dhalinyarada, ayaa isaguna ku
amaanay odayaasha shirka soo qabanqaabiyey dadaalka ay ugu
jiraan sidii fursad waxbarasho loo siin lahaa dhalinyaro
badan oo aan awoodi karin inay wax barasho u raadsadaan
meelo fogfog.
Shirkan oo ahaa mid
rajo, horumar iyo mustaqbal marax fiicana u yeelankara umada
soomaaliyeed, maadaama uu furay wado cusub oo ka duwan
shirarkii hore soomaalidu u
qabsan jireen.