11-kii bishii labaad ee
sanadka 2011 waa malin ay ardayda somaliyeed ee ku Nool
wadanka Malaysia ay dhagaha u tagayeen Maxkamadaynta qaar
kamida budhcad badeed somaliyeed oo dabayaqadii bishii
January lakeenay wadanka Malaysia
Ka din markii ay ciidamada mariniska wadanka Malaysia ay
gacanta ku soo dhigeen 7 kamida budhcad badeeda somaliyeed
ee ka qawlaysata xeebaha wadanka Somalia iyo waliba badaha
calamiga ah
Xalada amaanka ee agagaarka maxkamada ayaaa
ahayd mid aad loo adkeeyay waxan la arkayay ciidamada
police-oo gacanta ku haya dambilayasha loohayso budhcad
badeednimada
Ismail Omar ah sarkaal sare oo ka tirsan
ciidamada police dalka malaysia oo ka halay arintan ayaa
shegay in ay wali wadaan badhitaano ku saabsan falkii ay
budhcad badeedkani ay u gaysteen shaqalahii markabka
sarnaa wadan
Anagoo eegaynaa xeerka numbarkisu yahay 117 criminal
procedure court waxan wadnaa baadhi taano badan
Waxa kaloo ay wararku intaasi ku darayaan
in hadii lagu helo dambigan lagu xukumi doono xukun dil ah
taaso umuuqata in
aytahay xukunkii ugu adkaa ee lamariyo budhcad badeed
somaliayeed
Inkastoo 3 ka mid ah ragan budhcad badedka
ah ay da’dodu tahay 15 taasoo u muuqata in uusan sharciga
dilku uusan qaban doonin madama aysan wali gaadhin da’dii
loogu tala galay sida uu saxafada u xaqiijiyay xeer
ilaaliya guud ee maxkamadu
Waanu xukumaynaa macnaheedu waxay tahay
waxanu haynaa dambi cad oo ay galeen ragani .. hadii ay ku
cadatana waxa loo maxkamadaynayaa sidii qof dambi ka galay
muwadin Malaysian ah ama khalkhal galiyay amniga wadanka
Malaysia .. sidaasi waxaa yidhi MOHAMED ABAAS oo ah
garyaqaan u dhashay wadanka Malaysia
Iskusoowada duboo 21 january ayuunbay ahayd
markii ciidamada mariniska wadanka Malaysia ay gacanta ku
soo dhigee 7 budhcad badeeed Somali ah kadib markii ay
afduub ugaysteen markab laga leeyahay wadanka singapure oo
Marayay gacanka cadmeed Lagu magacaabo BUNG LOUREL waxana
markabsas sarnaa 23 shaqale Isla 31 january ayay so
gadheen wadanka Malaysia
Xiligaas oo ay gacanta ku dhigeeen ciidamada Internal
security acct oo iyagu qabilsan gacan ku haynta dadka
dambiila yasha ah ka hor intaanan maxkamad lasootagin.
wadanka Malaysia ayaa noqday wadankii ugu
horeeyay ee asia ah ee maxkamadeeya budhcad badeed
somaliyeed iyadoo uu sidoo kalena uu noqonayo wadankii
afraad ee maxkamad soo hortaga