Maamulka Somaliland oo
sii daayay 41 maxaabiis oo u dhashay deegaanka
Buuhoodle, aasayna baraagihii Kalshaale.
(Buuhoodle,
February 27,
2011 Ceegaag Online)
Maamulka Somaliland ayaa
sii daayay 41 maxaabiis oo u dhashay deegaanka Buuhoodle oo
ay ku qabteen dagaaladii dhawaan ka dhacay deegaanada
Kalshaale, Maygaagle iyo Hagoogane.
Magaalada
Buuhoodle ayaa hada waxaa ka socda qabanqaabada soo
dhaweynta iyadoo qadka telephone ka oo
aanu kula xidhiidhney magaalada
Ceegaag naloo xaqiijiyay in dhamaan maxaabiistaasi ay si nabad ah ku
yimaadeen magaalada Ceegaag, iyadoo
halkaasi uu kusoo dhaweeyay duqa magaalada Ceegaag Cabdi
xaaji Cali Cilmi (C/riigle) nasasho kadibna usoo galbiyay
dhinaca magaalada Buuhoodle, marka laga reebo hal nin oo xaalad
caafimaad looga reebay isagoo yaala cisbitaal ninkaasoo
labada gacmood ka jaban magaciisana naloogu sheeegay ina
ducaale x. c/haaruun.
Horaantii bishan
ayay ahayd markii waxgarad ka tirsan deegaanka Buuhoodle sii
daayeen Kayse Jaamac Bulaale oo ka tirsanaa ciidanka
Somaliland oo lagu qabtay deegaanka Kalshaale.
Dhinca kale
maamulka Somaliland ayaa shalay galab aasey sadexdii
baraagood ee ay beesha Qorulugud ka qoday deegaanka
Kalshaale, ee gobolka Cayn iyadoo burburinta baraagahaas ay
goob joog ka ahaayeen mas’uuliyiin ka tisan maamulka
Somaliland.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com
|