Madaxweyne Shariif Sh.
Axmed ayaa maanta booqasho ku tagay aagaga ay dawladu
kala wareegtay xoogaga dawladooda kasoo horjeeda ee
Alshabaab.
(Muqdisho,
February 28,
2011 Ceegaag Online)
Madaxweynaha ayaa warbixin kooban kaga
dhagaystay qarka mida saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka
Soomaaliyeed Jen. Dhagabadan iyo Taliyaha guutada Hillaac
Col. Cageey warbixitaa oo ay sarakiishu ku war galiyeen
madaxwaynaha meesha uu marayso nabadkusoo celinta
Soomaaliya dhineceeda Koonfureed.
Madaxweynaha ayaa intaa kaddib kulan
la yeeshay saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan aaga
hore iyo kuwa AMISOM oo ay kala horkacayeen abaanduulaha
ciidanka xoogga dalka general C/kariin Yuuusf Dhega Badan
iyo Taliyaha ciidamada Amisom General Nathan Mugisha.
Madaxweyne Shariif ayaa
ciidamada uu la hadlay u sheegay in muhiimad gaar ah la
siiyay askarta islamarkaana ay joogto u helayaan xuquuqdooda
waxa uuna kula dardaarmay inay si wanaagsan ula dhaqmaan
dhalinyarada isu dhiibaya ciidamada ee ka soo goosanaya
kooxda Shabaab.
Iskusoo wada duuboo Dagaalda ka dhanka
ah kooxda Alshabaab ayaa sii xoogaysanaya iyada oo goobaha
Dagaalka kolkasta loogu awood sheeganayo.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com
|