SIDEE LOO ABUURAA GANACSI GUULAYSANKARA
(London, February 12, 2011 Ceegaag Online)
Waa qaybtii
6aad ee
barnaamijkii aynu ugu magac daray sidee loo abuuraa ganacsi
guulaysan kara, waxaa aynu qaybtii 5aad ku muujinay tusaale
kooban oo ku saabsan sida loo sameeyo qorshaynta ganacsiga
(business plan).
Qaybtan 6aad waxaa aynu heshiis ukala
qoraynaa haniilayaasha shirkadda aynu soo samaynay ee Afro
Electronics Center (AEC).
Fadlan qofkii aan la socon casharaddii
hore si ay ugu fududaato dib ugu noqo casharraddii hore.
Casharkan wixii ka dambeeya waxaan isku dayaynaa in
casharraddu koobnaadaan si aan looga caajisin akhrinta.
Heshiiska
Shirkadda (Partnership Agreement).
Magaca shirkadda:
Afro Electronics
Center (AEC)
Taariikhda la aasaasay:
5/1/2010
Xafiiska Shirkadda
(Head Quarter):
London, UK
1.
Shaqada shirkaddani waa:
Soo dejinta dhamaan qalabka electronics
sida (Tvs, Radio, Fridges, Watches, Camers, Ac etc)
Waqtiga heshiiskan:
Heshiiskani waxaa uu ka bilaamayaa
5/1/2011 waxaana uu dhamanaayaa 4/1/2016
2.
Heshiiska Hantiilayaasha (Agreement of shareholders):
Hantiilayaashu Waxay ku
heshiiyeen arrimahan hoos ku qoran, wixii la isku khilaafo
waxaa loola noqonayaa sharciyada u yaala shirkadda, wixii
intaas ka baxsana waxaa loo la laabanayaa shareecada
islaamka.
3.
shirkaddan waxaa mulkigeeda wada leh (ownership) shanta
mulkiile ee kala ah:
1
.......
..
2
...
.
.
3
.
4
.
5
.
4.
Maalgalinta shirkadda (company investment)
Shirkadani waxay ka kooban tahay 1000
saami ama shares, saamiguna waxaa uu ku fadhiyaa qiimo dhan
$1000 ( USD), saamiga ugu yar ee hantiile yeelan karaa waa
10 saami (shares). Hantiilayaashu waxa ay hadda isu keeneen
lacag gaadhaysa 600,000 (oo ah doolarka maraykanka).
Hantiilayaasha oo ah kuwan hoos ku
xusan, waxay u kala leeyihiin saamiyada sidan soo socota.
.
..
100 saami (shares)
.
..
.
300 saami (shares)
..
100 saami (shares)
..
100 saami (shares)
..
.
100 saami (shares)
300 saami (shares) ee soo hartay
waxaa iska leh saamiley kale (silent partner)
Golaha
shirkadda:
Shirkaddani waxaa ay leedahay 2 gole oo
la yidhaa golaha sare ee shirkadda (board of directors) iyo
golaha hantiilayaasha (shareholder council) waxa kale oo
jira koox kale oo ah maamulka shirkadda (management team),
mid walbana shaqadiisa iyo masuuliyaddiisa hoos ayuu ku
qeexan yahay.
5.
Shaqada golaha sare ee shirkadda (board of directors);
a)
Waa golaha u sareeya ee shirkadda (highest governing
authority).
b)
Waxaa ay yeelanayaan kulan 3dii biloodba hal mar,
waxaana kooramka (quorum) saxda ahi qabsoomayaa marka ay
joogaan ugu yaraan 3 ka mid ah boardka.
c)
Golaha sare ee boardka waxay ku imaanayaan doorashada
hantiilayaasha oo keliya (shareholders).
d)
Waxay awood u leeyihiin in ay ansixiyaan dibna u
eegaan miisaaniyada sannadka (annual budget), iyo
mashaariicda cusub ee la fulinaayo.
e)
Waxa ay si xoog ah ku meel marin karaan wixii nidaam
ah ee shirkadda dani ugu jirto
f)
Golaha sare ee (board) waa golaha la xisaabtamaya
maamulka (managers) shirkadda, isla markaana waxay u u madax
bannaan yihiin in ay marwalba weydiin karaan maamulka
(managers) wixii ay uga baahdaan.
g)
Waxay xooga saraayaan kobcinta dhaqaale iyo
nidaaminta shirkadda (plan of action).
h)
Waxa ay shaqada ka joojin karaan maamulka shirkadda
haddii ay baahi timaado (suspension).
i)
Wax ay maamulka ka caawiyaan sidii loo gaari lahaa
waxa ay shirkaddu higsanayso (objectives).
j)
Waxa ay u ban dhigi karaan shirkadda dadweynaha
haddii loo baahdo maal-gelin dheeri ah.
k)
Waxa ay ku dadaalayaan isku duba ridka maamulka
shirkadda iyo kala xadaynta shaqada (delegation).
l)
Soo xulista iyo magcaabista maamulka shirkadda
(managers), Xisaabiyayaasha (accountants). Khasnajiga
(cashier).
m)
Haddii shirkaddu socon weydo waxay goaan ku
gaarikaraan in ay keenaan nidaamkii looga bixi lahaa (exit
strategy)
n)
Waxay si habsi ah isugu dayayaan wax ka badalka hab
socodka shirkadda iyo qiimeynta nidaamka ay u socoto
shirkadda.
6.
Waxaa ka reeban golaha sare (board of directors):
a)
In magaca shirkada aanay si gaara uga faaiidaysan
taas oo macnaheedu yahay in aanuu dayn ku qaadan karin
magaca shirkadda, amaba cid ku damiinan karin.
b)
In aanay golaha sare shaqada ku soo fara gelinin
maamulka loo xil saaray shaqada iyadoo baahi weyni aanay
iman.
c)
Waa in aan qof ka mid ah golaha sare keligii saxeexi
karin lacag deyn lagu bixinaayo ama lagu qaadanaayo, haddii
baahi timaado wa in uu ogaysiiyaa dadka kale ee ku jira
boardka.
d)
Waxaa ka reeban golaha sare iibinta hantida Shirkada
ama ku soo darista hanti kale iyadoo aanay ansaxin golaha
boardka oo dhami.
e)
Golaha sare (board of directors) waxaa lagaga saari
karaa shirkadda isaga oo lagu soo eedeeyo fal wax u dhimaaya
hanaan socodka shirkadda sida xatooyo iyo isagoo ka hor
yimaada danaha shirkadda ama wax ku darsada cid ku lidiya
danaha shirkadda. Waxaana laga saari karaa marka uu qabsoomo
kulan ay hantiilayaashu u dhan yihiin ama ugu yaraan ay
joogaan 3 ka mid ah hantiilayaashu.
7.
Golaha hantiilaysaha (council of shareholders):
Marka laga yimaado golaha sare ee
shirkadda (board of directors) waxaa kale oo jira gole kale
oo la yidhaa golaha hantiilayaasha (council of
shareholders).
8.
Waajibaadka hantiilayaasha:
a)
Hantiilayaashu (shareholders) waa maal-geliyayaasha
shirkadda (investors).
b)
Hantiilayaashu waxay xaq u leeyihiin in ay weydiin
karaan golaha sare (board of directors) suaalo kasta oo
ku saabsan wixii cabasho ah, mustaqabalka shirkadda iyo
wixii la xiriira maaliyadda shirkadda gaar ahaan haddii loo
baahdo in shrikadda lagu sameeyo baadhitaan xaga xisaabaadka
ah (auditing).
c)
Waxay xaq u leeyihiin in ay si buuxda u ogaadaan
shaqo kasta oo ay samaynayaan golaha sare.
d)
Waxa ay golaha sare ku khasbi karaan in ay hufnaan
muujiyaan sida ay shaqadoodu tahayna ay u gutaan
e)
Hantiilayaasha ayaa soo dooranaaya golaha sare ee
shirkadda (board of directors).
f)
Waxa ay yeelanayaan kulan sannadeed, waxay wax ku
dari karaan heshiiska guud ee shirkadda isla markaa waxa ay
wax ka bedeli karaan nidaamka shirkaddu u socoto waxaana ay
dooran karaan maamul cusub.
g)
Hantiilayaasha shirkaddu malaha wax mushahaaro ah
(salary), haddii se hantiile loo doorto in uu shirkaddii ka
shaqeeyo oo uu qaato mushahaaro isla markaana uu hanti ku
leeyahay shirkadda waa in loo ban dhigaa shareecada islaamka
waxa ay ka qabto. (qodobkan suaalo ayaa ka taagan,
fadlan hala weydiiyo culimada inta aan la ansixinin
mushahaarada hantiilaha).
h)
In ay usoo gudbiyaan maamulka shirkadda wixii talo ah
ee ay u arkaan in ay shirkadda kobcinayso.
i)
Waxa ay golaha hantiilayaashu qaban karaan kulan aan
caadi ahayn haddii loo baahdo.
9.
Waxa ka mamnuuc ah hantiilayaasha arrimahan:
a)
In aanu hantiile faafin sirta Shirkada oo mudan in la
adkeeyo.
b)
In ay ka reebantahay hantiilayaasha in ay daamaanad
ama rahmaad u dhigaan hantida shirkadda.
c)
Hantiile waxaa laga saari karaa shirkadda isagoo ka
horyimaada danaha ama sharciyadda shirkadda u yaala.
d)
In aan hantiile kala bixin hantidiisa haddiiba uu
arko wax ka faaido badan shirkaddan ilaa laga gaarayo
waqtiga loo cayimay in uu kala bixi karo.
e)
In hantiile aanu ka iibin karin saamigiisa cid kale
isagoon u soo bandhigin mulkiilayaasha iyo hantiilayaasha
kale.
f)
Hantiile ma codsan karo in uu hantidiisa kala baxo in
ka yar 12 bilood ka dib marka uu saxeexo heshiiskan.
Hantiile waa kala bixi karaa hantidiisa wixii ka danbeeya 12
bilood waa se inuu bixiyaa notice dhan 3 bilood (haddiise ay
duruuf adagi timaado oo ku khasbaysa hantiile in uu kala
baxo hantidiisa muddo ka yar 12 bilood waxaa goaan ka
gaadhaya golaha sare ee shirkadda, waxaaa ay xaq u leeyihiim
maamulka sare in ay diidaan haddii ay ku qanci wayaan
sababta hantiiluhu ugala baxaayo hantidiisa.
g)
Haddii hantiile uu cabasho qabo waxaa ka reeban
in aanu u bandhigi Karin cid ka baxsan golaha maamulka
shirkadda. Marka hore waxaa uu u ban dhigayaa maamulka
shirkadda, haddii ay wax ka qaban waayaan waxaa u banaan in
uu u gudbiyo golaha sare ee shirkadda (board of directors).
10.
Kulanka hantiilayaasha (Meetings of shareholders):
hantiilayaashu sannadkii hal mar ayay kulmayaan ugu yaraana
waa in ay saddex hantiile joogaan. Baahi degdegi haddii ay
timaado waa la qaban karaa kulan aan caadi ahayn
11.
Wax ka badal ama ku daris heshiiskan (Rectification):
Hantiilayaashu heshiiskan waxay wax ku dari karaan, kana
reebi karaan marka uu qabsoomo kulan hantiilayaashu u dhan
yihiin.
12.
Xisaabaadka (accountancy):
Hab xisaabeedku waa in loo sameeyaa
nidaam cad oo la fahmi karo loona sameeyaa tixraac haddiiba
loo baahdo lehna laba nuqul (2 copies), waana in wax waliba
ku baxaan kuna soo galaan risiitka (receipts) shirkadda.
13.
Buugaagta iyo faylasha ( Books & Files ):
Waa in dhamaan Buugaagta shirkadda iyo
faylasha xisaabaha la dhigo xafiiska shirkadda ay leedahay,
si fiicana loo kaydiyaa. waxa uu hantiile xaq u leeyahay in
uu arki karo buugaagta xisaabta hadii uu u baahdo.
14.
Qaabka qaybsiga Faaiidada iyo Khasaaraha:
Faaiidada iyo Khasaaraha shirkaddu (profit and loss) waa
sida hantiile waliba u maalgashaday oo ku salaysan saamiga
uu ku leeyahay maalgalinta. Waxanna faaiidada la
qaybsanayaa l2 bilood (I year) kedib marka la xidho xisaab
xidhka, loona reebo Shirkada raasamaal ah 20% faaiidada soo
baxday. Ma jirto sii qaadasho hormarin ama dayn (advance and
credit) oo hantiilaha loo ogol yahay inta ka horaysa xisaab
xir sannadeedka, qodobkan waxaa dib loo eegi karaa sannad
kedib.
15.
Keydinta iyo maamulka maaliyadda ( Deposition and
management of Funds):
dhamaan
lacagta shirkadda ee naqadka ah (Cash) ka ah waxa la
dhigayaa koontada (Account) ka shirkaddu leedahay Baanka
Shirkada. Waxaana maamulka Xisaabta loo xilsaarey oo waxna
ku shubi kara waxna ka saari kara cidda ay shirkaddu u xil
saartay.
16.
Xisaab Xidhka:
Waa in la
diyaariyaa lana sameeyaa Xisaab Xidh Bileed iyo xisaab xir
sannadeed, si loo ogaado hab socodka shirkadda, isla
markaana la siiya oo loo gudbiyaa xisaab xirka iyo inta
alaabta taalaba (stock) Hantiilayaasha. Waxaana xisaab xirka
la samaynayaa bisha december ee sannad walba.
17.
Maamulka Shirkada:
Maamulka shirkadda
waxaa soo dooranaaya golaha sare ee shirkadda (board of
directors), golaha sare waxay dooran karaan maamul,
maamulkuna wuxuu noqon karaa mid laga soo dhex doorto
hantiilayaasha ama dibada ka yimaada. Muddada Maamulku hayn
karaa xilka waa Hal sano( 1 year ) waana loo kordhin karaa
haddii baahi timaado.
18.
Waxa looga baahan yahay maamulka shirkadda:
a)
Xidhiidhinta shirkada iyo
Hantiilayaasha.
b)
Haddii maamulka mid ka mid ahi rabo
in uu ka tago shaqada waa in uu bixiyaa ogaysiis qoraal ah
ugu yaraan 2 bilood ka hor inta aanuu shaqada ka tagin.
c)
Maamulka shirkaddu waa in ay noqdaan dad daacad ah oo
is aaminsan.
d)
Maamulka shirkaddu waa in ay wargeliyaan
hantiilayaasha maalinta la samaynaayo diiwaan gelinta
shirkadda (company regestration), waana in ay ku dhawaaqaan
maalinta la qabanaayo furitaanka xafladda shirkadda.
e)
Mid ka mid ah maamulka shirkaddu waa in aanu keligii
marnaba soo daysan ama aanu deymin, aqabalin, gelin heshiis
shirkadded iyadoo aan la ogaysiin maamulka kale ee
shirkadda.
f)
Maamulku waa masuulka shaqa maalmeedka caadiga ah
(Daily functions).
g)
Dabagalka dhamaan hawlaha wax soo saar, nidaaminta
hanaanka shaqada iyo shaqaalaha (haddii shaqaale loo baahdo)
h)
Dejinta iyo nidaaminta barnaamijka dayactirka
shirkada, iyo hantida shirkadda (Gaadiidka haddii uu jiro).
i)
Dabagalka iyo Hubinta Xisaabaadka dhamaantood, in ay
mareen dariiqii saxda ahaa oo (Transparent) ah.
j)
Siinta iyo diyaarinta Xisaab xidhadda bisha iyo
stocks, iyadoo la raacinayo warbixin joogta ah oo ah
shaqadda hadba wixii ku soo kordha.
k)
Maareynta iyo dabagalka qaybinta badeecada.
l)
Waxaa maamulka looga baahan yahay in ay ka jaahil
tiraan hantiile wixii uu mugdi kaga jiro dhinaca xisaabta,
ayagoo raacaya shuruucda ama hab xisaabaadka shirkadda u
dejisan.
19.
Dhex-dhexaadinta is afgran waaga (mediation and
arbitration):
Haddii is afgran waa ku
yimaado maamulka shirkadda waxay marka hore u bannaan in ay
xaliyaan maamulka gudihiisa, haddii ay ka fursan waydo waxaa
loo gudbinyaa golaha sare ee shirkadda( board of
directors), haddii ay xalin waayaan waxaa loo gudbinayaa
dhexdhexaadiye dhex ah oo labada dhinacba ku kal soon
yihiin. (common arbitration).
20.
Mushahaarka shaqaalaha hoose:
Dhamaan shaqaalaha shirkadda sida xoghaynta
(secretary), qolada amniga (security), nadiifiyayaasha
(cleaners), xisaabiyayaasha (accountants), khasnajiga
(cashier), dadka wax iibinaaya (sales persons) iyo dhamaan
shaqaalaha kale ee shirkaddu waxaa ay yeelanayaan mushahaaro
goan.
Saxeexa hantiilaha
Anigoo ah
.
.
.,
waxaan akhristay heshiiskan si wacana waan u fahmay.
Waxaa kale oo halkan aan ka markhaahti
ka cayaa kana cadaynayaa Allaahna igu ogyahay in aan diyaar
u ahay wixii khasaare iyo faaiido ku yimaada shirkadda in
aan qaato qayb u dhiganta saamiga aan ku leeyahay shirkadda,
isla markaana aanan ku ceebayn kuna canaanan wixii qadar ah
(predestination) maamulka shirkadda iyo cid kala toona.
Saxeexa
hantiilaha.
--------------------------------------------------
Taariikhda
--------------------------------------------------
Mustafe
Ibraahim
mustaf1970@hotmail.co.uk
Uk.
webmaster@ceegaag.com |