SIDEE LOO ABUURAA GANACSI GUULAYSANKARA
(London, February 04, 2011 Ceegaag Online)
WAA BARNAAMIJKII AYNU UGU MAGAC DARAY SIDEE LOO ABUURAA
GANACSI GUULAYSAN KARA (QAYBTII 5AAD)
Waa qaybtii 5aad ee barnaamijkii ganacsiga ee aynu ugu magac
daray sidee loo abuuraa ganacsi guulaysan kara.
Fadlan si aad u fahamto casharkan ku noqo kuwii hore,
casharkani waa tusaale kooban oo aanu ku muujinayno wixii
aynu hore usoo sheegnay, asaga oo qayb kale ahna waxaa aynu
ku qaadan doonaa casharrada dambe.
Kelmadaha ama weeraha ku jira halkan casharro gaar ah ayaynu
ku sharrixi doonaa insha ALLAAH.
Waxaa halkan aynu ku samaynay shirkadd la yiraa Afro
Electronic Center. Waxaan isku dayaynaa in aanu faahfaahin
kooban ka bixino sida uu u ekaanayo qorshaha ganacsi ee
shirkaddani (business plan). Waa aan soo koobay laakiin
isaga oo aad u balaaran casharro kale ayaan ku keeni doonaa
asaga oo faahfaahsan.
Casharka kan ku xigaa waa in aynu heshiis u kala qoro
hantiilayaasha (partnership agreement).
shirkaddan Afro Electronic Center.
Codsi:
haddii aad casharradan wax ka faaiidaysateen ila soo socod
siiya emailkaygu waa
mustaf1970@hotmail.co.uk
Lasoco qaybta 6 aad
AFRO ELECTRONIC CENTER (AEC)
Shaqada shirkadda oo kooban (Executive summary)
.. 3.1
Sifadda shirkadda (Compnay descriptions)
.3.2
Himilooyinka shirkadda (Objectives)
3.3
Ujeedooyinka shirkadda (Mission)
..3.4
Dariiqyada guusha (Keys to success)
..4.1
Muuqaalka (Vision)
4.2
Xeelada suuq-gaynta (Marketing strategy)
.5.1
Xajmiga suuqa (Market size)
.5.2
Loollanka (competition)
..5.3
Xeelada iibka (Sales strategy)
6.1
Saadaasha iibka (Sales forecast)
.6.2
Xeelada sixir goynta (pricing strategy)
.6.3
Qorshaha maaliyadeed (financial plan)
..6.1
Qorshaha lagu shaqaynaayo (operational plan)
6.2
Saad-keene (supplier)
..7.3
Kharashaadka (Expenses)
.7.4
Nidaamka deynta (credit policy)
..8.1
Maamulka iyo maaraynta shirkadda (management and
organisation)
..8.2
Maalgeliyayaasha (investors)
9.1
Qaybta baarista iyo horumarinta (research and
development)
9.2
Meelaha aan ku adkaan karo, jaaniska leh, unugul nahay,
khatari ka imaan karto..9.3
Xeelada looga baxaayo haddii shirkaddu socon weydo (Exit
strategy)
10.1
3.1. Executive summary (shaqada shirkadda oo kooban):
Afro electronic center waa shirkadd cusub oo iskaashato
(partnership) ah lagana aasaasay Africa, shaqadeeduna tahay
in ay ka ganacsato qalabka electronics. Shirkaddan waxaa
iska leh mulkigeeda 4 mulkiile ee kala ah
..
..
.
.., waxaana ay ka kooban tahay 1000 saami
(shares). Shirkaddan AEC waxa kale oo ay soo dejin doontaa
dhamaan agabka kale ee dheeriga ah laguna badalo haddiiba
wax ka xumaadaan qalabka shirkaddu ay gadayso (spare parts).
AEC waxaa ay rajaynaysaa in ay faaiido degdega ka heli
doonto suuqyada ay galayso.
3.2. Sifadda shirkadda (Compnay descriptions)
AEC waxaa ay gadi doontaa dhamaan badeecada electronics ee
ay leedaha shirkadda caalamaiga ah ee LG. waxaana badeecadaa
ka mid ah: AC, Camers, Photocopiers, Telefoonada, TVs,
kitchen aplliances, LCD Monitors, Cell phones, LCD TV and so
on.
Goobta ay ku taalo shirkaddani waa goob leh dhamaan wixi
daruuriyaad ah ee loo baahnaa, waxaana ay saaran tahay
waddada weyn ee faras magaalaha (main street).
AEC waxaa ay haystaan khibrad fiican oo ku saabsan qalabka
electronics. Waxaana laga rajaynayaa in AEC ay si dhakhso ah
ugu guulaysato suuqyada electronics.
3.3. Himilooyinka shirkadda (company objectives):
·
AEC waxaa u qorshaysan in ay hesho faaiido fiican sannadka u
horeeyaba.
·
In ay noqoto hogaamiyahay qalabka electronics ee wadankan
ABC.
·
AEC waxaa ka goan in ay samayso adeeg hufan si ay u gaadho
himilooyinkeeda.
·
AEC waxay kobcinaysaa iibkeeda 90% dhamaadka sannadka labaad.
·
AEC waxaa ay qoran doontaa 15 shaqaale ah sannadkan
gudihiisa
·
Maalgelinta (investment) la geliyay wuxuu kasoo bixi doonaa
2 sanno kedib
·
AEC waxaa ay ku dadaali doontaa in ay yeelato sumcad
bulshada dhexdeeda ah (reputation)
·
AEC waxaa ay si buuxda uga qayb qaadanysaa in ay wax ka
qabato baahida adeega dadweynaha
3.4. Ujeedooyinka shirkadda (Mission)
Ujeedada AEC waa in ay iibiso dhamaan badeecadaha ay gado
shirkadda weyn ee LG. taas oo shirkaddani iibisa badeecad
ama alaab aad u tayo fiican qiimaheeduna macquul yahay.
Waana shirkadd weyn oo caalami ah oo lagu kalsoonaan karo
alaabta ay gado isla markaana si fudud loo heli karo wixii
qalab ah ee dayac tir loo baahdo marka alaabtani wax ka
xumaadaan.
AEC iyadoo kaashanaysa LG waxa ay si fudud u qabsan doontaa
maccaamiisha iibsata qalabka electronics. markii ay AEC
samaysay xog uruurin buuxda waxaa noo soo baxay warbixino
lagu qanci karo oo ku saabsan muhiimadda uu suuqani leeyahay
iyo faaiidada ka Soo bixi karta.
AEC waxaa ay rumaysan tahay in ay si buuxda u raali galin
doonto macaamiisheeda, laaantoodna aan waxba u socnahayn
shirkaddan AEC.
4.1. Dariiqyada guusha (Keys to success)
·
AEC waxaa ay bixinaysaa adeeg aad u hufan.
·
AEC waxaa ay iibinaysaa badeecad tayo sare leh (high quality
products)
·
AEC waxaa ay shaqalaynaysaa shaqaale tayo leh (quality
employees)
·
Waxay wakiil buuxda u noqonaysaa shirkadda weyn ee AEC
(agent)
·
AEC waxaa ay keeni doontaa badeecado cusub oon hore suuqa u
oolin (innovative products).
·
AEC waxaa ay macaamiisha siinaysa damaanad (warranty) muddo
sannad ah si kalsooni loogu beero macaamiisha.
4.2. Muuqaalka (Vision):
Aragtida AEC waa in ay siiso macaamiisheeda qalab tayo leh
isla markaana waxaa ay maal-gelinaysaa sidii ay uga samayn
lahayd laamo badan qaarada afrika, si badeecadda LG ay u
noqoto wax laga heli karo dhamaan magaalooyinka wadanka oo
dhan. Waxaa ay AEC ay xarun ka dhiganaysaa (headquarter)
magaalo madaxda, halkaasoo ay ka fulin doonto wixii maamul
ah iyo shaqo ah ee loo baahan yahay. Hoos waxaa ku qoran
qorshaha shanta sanno ee soo socota:
YEAR |
No. Branches |
Year one |
2 |
Year Two |
7 |
Year Three |
12 |
Year Four |
17 |
Year five |
22 |
Sida aanu ku aragno shaxda kore, shirkaddan AEC waxaa ay
iridaha u furi doontaa 22 laamood muddo 5 sanno gudahood ah
si ay macaamiisha ugu dhawaato goobta ay wax ka gadanayaan.
Si loo hubiyo in qorshahan aanu dejinay u noqdo mid taabbo
gala, waxaa ay AEC samayn doontaa wakiilo (agents) ka madax
banaan shirkadda guud, kuwaas oo alaabta ka soo dalban doona
AEC isla markaana heli doona qiime dhimis aad u fiican si ay
uga faaiidaan.
5.1. Xeelada suuq-gaynta (Marketing strategy):
Addunyadan aan joogno waxaa sii badanaya baahida loo qabo
qalabka casriga ah. AEC waxaa ay samaysay qaaciido (formula)
ay ku gaarayso suuqyada ay higsanayso.
AEC waxaa ay u qaybisay suuqyadeeda qaybo (market segments),
qaybta koowaad oo ah in ay jumladd (wholesale) ay wax kaga
iibiso wakiilada iyo cidii kale ee soo dalbataba isla
markaana ay suuq dhimid badan ay samayso, qaybta labaad oo
ah tafaariiq (retail) macmiilkasta oo toos u yimaada xarunta
weyn si toos ah ayaa looga gadayaa alaabta.
AEC waxaa ay samaysay nidaam suuq gayn hufan (effective
marketing plan) ayadoo diyaarisay goobtii ay ka gali lahayd
suuqa balaaran ee ay xog tiisa soo uruurisay. Suuqa aanu
galaynaa waa suuq ay shirkaddu si xeel dheer usoo sahmisay.
Waxaa ay AEC u balan qaaday macaamiisheeda in ay siinayso
damaanad buuxda haddiiba ay ciladi ku timaado alaabta ay
iibsadeen muddo sannad ah.
AEC waxaa ay marka hore beegsanaysaa (target market)
suuqyadda magaalada caasimadda ah kedibna waxaa ay u
gudbaysaa gobolada iyo wadamada kale ee loo arko in baahi ka
jirto.
Waxaanu samayndoonaa xayaysiin aad u saraysa, xayaysiintaa
oo ka koobnaan doonta noocyo kala duwan. Waxaa jiri doona
dhiiri galin (promotion) aanu fariinta ku gaadhsiin doono
macaamiisha sida TV, Radio, jaraaidka, majaladaha iyo
websites ay macaamiishu si toos ah uga dalban karaan alaabta.
Waxaa jiri doona bandhig ganacsi (trade show) oo aanu samayn
doono sannadkiiba 2 mar.
5.2. Xajmiga suuqa (Market size):
Xajmiga suuqa aan galaynaa aad ayuu u weyn yahay, magaalo
madaxda keliya waxaa ku nool in kabadan 5 million qof.
Waxaana aan rajaynaynaa in macaamiisha shirkaddani si caadi
ah kor ugu kici doono.
5.3. Loollanka (Competition):
Shirkaddan AEC malaha tartamayaal toos ah, sababtoo ah
badeecadda LG waxaa keliya oo waddankan keeni kara wakiilka
LG oo ah AEC.
Waxaa jira shirkaddo badan oo ayaguna gada alaab la mid ah
taanu hayno, waxaase ugu xoog badan afarta shirkadood ee
SomG, KINO, iyo Baruuda. Waxaa ay wakiilo ukala yihiin
shirkaddaha waaweyn ee caalamiga ah ee Sharp, Samsung, Sony
iyo Butino sida ay isugu xigaan.
Xog uruurinta xaga suuqa ee ay samaysay AEC (market
research) waxaa usoo baxay in ay dhamaan ka qiimo jaban
tahay shirkaddaha kale, waxaa kale oo AEC ay si fudud u
helaysaa qalabka dayac tirka haddiiba alaab xun lasoo
celiyo. Waxaa kale oo badeecadda ay keenayso AEC ay
isticmaalayaan dab (electricity) ka yar kuwa ay shirkaddaha
kale isticmaalayaan. Waxaana la raacinayaa qalab walba
koronto qabte (electric controller).
6.1. Xeelada iibka (Sales strategy):
Ololaha nidaamka iibka waxaa uu ku salaysan yahay in ay AEC
ay ku qanciso macaamiisha in ay AEC ay ka mid tahay
shirkadda weyn ee LG. isla markaana ay wakiil buuxa u tahay
si dadku ugu qancaan iibsashada alaabta. Badanaa marka ay
dadku gataan alaab electronic ah muddo kedib cabasho ayaa
kutimaada, waxa ay shirkadda AEC ku qancinaysaa
macaamiisheeda tayo saraysa iyo qiime macquul ah.
AEC waxaa ay samaysay koox iibiya badeecadda (sales team)
kuwaas oo xooga saaraya sidii ay u bad baadin lahaayeen
shirkadda cusub waqtiga dhaw iyo ka fogba. Waxaana ay yeelan
doonaan faaiido wadaag (commission) iyo gunno (bonus).
Isku duubnida maamulka shirkadda (management team) iyo
kooxda badeeco gadayaasha (sales team) waxaa ay AEC samaysay
laba kooxood oo kala ah gadayaasha gudaha (inside sales
staff) oo shaqadoodu tahay in ay ka jawaabaan wixii
telefoono ah isla markaana ay qanciyaan soona dhaweeyaan
macaamiisha gudaha timaada iyo kuwa dibada (ouside sales
staff) oo shaqadoodu tahay in ay xiriirka debada soo
hagaajiyaan, in ay heshiisyadda (deal) soo xiraan iyo in ay
qabtaan xaflado dadka loogu tusaayo badeecadda (trade
shows).
6.2. Saadaasha iibka (Sales forecast):
Waxay AEC saadaalinaysaa in haddii ALAAH yidhaa ay heli
doonto dad badan oo wax ka iibsada maadaama ay alaabtani
qiime macquul ah wax lagu iibinaayo, isla markaana ay tahay
alaab tayadeedu aanay xumayn. Laakiin xayaysiin badan iyo
afka sheegid badan (word of mouth) waxa ay kordhin doonanan
iibka aanu filayno.
Waxa ay AEC isku dayaysaa in ay tafaariiq (retail) iyo
jumlaba (wholesale) ay wax ku iibiso.
6.3. Xeelada sixir goynta (pricing strategy):
AEC waxaa ay samaynaysaa qiime dhimid ku meel gaar ah (temprory
discount pricing) in kastoo ay yaraanayso faaiidadu (profit
margin) hadana waxaa ay shirkaddu iibniyasaa badeecad aad u
badan. Waxaa kale oo jiri doona qiime dhimid la samayn doono
waxtiyada qaarkood (seasonal discount).
Waxaa ay shirkaddani samaynaysaa qorshe ah gado hal bilaash
u qaado xabad kale (get one get one free), ama gado labo u
qaado hal xabbo bilaash (get two get one free). Haddiia
macaamiishu ay lacagta ku bixinayaan naqad (cash) waxaa laga
dhimayaa boqolkiiba shan (5%).
Shaxdan kooban ayaa sharraxaysa sixirka iibka ee shirkadda
AEC.
TYPE
OF PRODUTC |
Shirkadda AEC |
Shirkadda SUMMO |
Shirkadda HILLAAC |
Shirkadda DURDUR |
AC |
$495 |
$500 |
$505 |
$510 |
TVs |
$180 |
$190 |
$220 |
195 |
FRIDGES |
$299 |
$302 |
$300 |
300 |
LCD |
$154.5 |
$155 |
155 |
160 |
7.1. Qorshaha maaliyadeed (Financial plan):
Shirkaddan AEC waxaa ay u baahan tahay $300,000, waxaana
ilaa hadda kootada(account) soo galay ilaa $250,000. Waxaa
aan dhawaan rajaynaynaa in ay maal-geliyayaashu (investors)
soo dhamays tiri doonaan dhawaan lacagta hadhay. Lacagta la
badan keeda waxaa iska leh mr AA BB CCC oo ah aasaasaha
shirkadda.
7.2. Qorshaha lagu shaqaynaayo (Operational plan):
AEC waxaa shaqo maalmeedkeedu noqonayaa in shaqada la furo
8:30 am lana xiro 5:30 pm. Waxaa shaqada wadaaya maamulka
sare ee shirkadda iyo dhamaan shaqalaha kale.
Goobta shaqadu waxaa ay leedahay meel wixii dayac tir ah
lagu sameeyo (maintenance) iyo meel loogu jee gareeyo alaab
kasta oo ka baxaysa dukaanka (testing center).
7.3. Saad-keene (Supplier):
AEC waxaa ay wakiil buuxa u tahay badeecadana kasoo
iibsanaysaa shirkadda weyn ee caalaamiga ah ee LG. waana
shirkadd kalsooni buuxda lagu qabo in aan badeecadoodu kala
goaynin.
7.4. Kharashaadka (Expenses)
Shirkadd kastoo bilow ahiba waxaa ay gashaa kharash khaas ah
oo noqonaaya kharashka bilowga ah (startup expenses) iyo
kharashka ay shirkaddu ku soconayso (operational expenses).
Kharashaadka shirkaddu ay u baahan tahay waxaa ka mid ah:
·
Kharashka ku baxaaya qurxinta goobta (remodelling of the
premises)
·
kharashka kirada (rent)
·
Kharashka ku baxaaya qalabaynta xafiiska (office equipment)
·
waxaa ka mid ah computers, printers, papers, pens, paper
clips, staples and so
·
Kharashka cashuuraadka (tariffs)
·
Kharashka ku baxaaya ruqsada shaqada (licence), ka
ogolaanshaha shaqada (permits) iyo kharashaad ka soo bixi
kara xaga dawlada oo ay ka mid tahay kuwa
·
Kharashka ku baxaaya xayaysiinta (advertising expenses) sida
Tv, Radio, fliers, posters and so on.
·
Kharashka lagu keenayo dad xirfad leh (haddiiba loo baahdo)
·
Kharashka ku baxaaya waxyaalaha daruuriyaadka ah sida nalka,
biyaha, telefoonka iyo internetka (utilities expenses)
·
Kharashka ku baxaaya safarada (travel expenses), waxaa ka
mid ah kharashka loo isticmaalayo taxi service, airfair,
meal allowance and etc.
8.1. Nidaamka deynta (credit policy):
Muddada bilowga ah shirkaddu ma bixin doonto wax dayn ah
haba yaraato e, laakiin muddo sannad kedib waxaa la furi
doonaa nidaam macaamiisha loo siinaayo deynta taas oo
wafaqsan shareecada islaamka.
8.2. Maamulka iyo maaraynta shirkadda (management and
organisation):
AEC waxaa aasaasay dad khibrad uleh shaqada ay qabanayaan,
waxaa ay leedahay laba maamul oo kala ah golaha usareeya
shirkadda (board of directors) iyo golaha hawl wadeenada
shirkadda (executive board). Waxaana golaha sare soo doortay
saamilayda shirkadda (shareholders), golaha fulintana waxaa
soo doortay golaha sare (board of directors).
Waxaana agaasime guud ka ah
AAA
..
BBB
.
CCC
..
waxaana ku xigeen u ah
DDD
.
EEE
FFF
waxaa kale
oo jira maamulka maaliyada, suuqgeynta iyo maamulka iibka,
waxaa kale oo ay AEC yeelanaysaa maamul hoose iyo shaqaale
hoose.
Agaasimaha guud waa maa masuulka ugu sareeya shirkadda
waxaana shaqadiisa lagu qeexi doonaa xeer hoosaadka
shirkadda. Asaga ayaa ku dhawaaqaya maalinta la furaayo
shirkadda.
9.1. Maalgeliyayaal (investors):
Maalgeliyayaasha shirkaddu waa saami leyda (shareholders),
ayaga ayaa maal gashaday, waxaana ay shirkaddani ku
bilaabaysaa shaqadeeda lacag gaadhaysa ilaa $300,000.
Faaiidada iyo khasaaraha waxaa loo qaybsanayaa hadba sida
loo maal gashaday.
Lacagta naqadka ah (cash flow):
AEC waxaa kootada(account) ugu jira lacag gaaraysa ilaa
$250, 000, baaqiga ka haray waxaa uu soo xaroonayaa muddada
loo qabtay in saamilaydu soo dhamays tiraan maal gelinta
laga rabo.
9.2. Qaybta baarista iyo horumarinta (research and
development):
AEC waxaa ay marwalba ku dadaalaysaa in ay la socoto qalabka
casriga ah ee addunka kusoo kordha (new technology), waxaana
ay shirkaddani abuurtay qayb loo yaqaan R&D (cilmi baarista
iyo horumarinta) shaqadeeduna waxaa ay ku koobnaan doontaa
la socoshada hadba wixii cusub ee yimaada iyo sidii
shirkaddani ula jaan qaadi lahayd.
9.3. Meelaha shirkaddu ku adkaan karto, ku hoosayn karto, ku
guulaysan karto amaba khatari ka imaan karto (Swot
analysis):
Meelaha shirkaddu ku xoogan
tahay (Strenght)
·
AEC waxaa ay khibrad fiican u leedahay shaqada ay
qabanayso
·
Waxay haysaa dhaqaalihii lagu shaqayn lahaa
·
AEC waxaa ka goan in ay shaqadeeda u gudato sida ugu
habboon
·
AEC waxa ay faham san tahay cidda ay wax ka gadayso
·
Sixirka wax iibka oo aad macquul u ah
|
|
Meelaha shirkaddu u nugushahay
(Weakness)
·
Shaqaalaha oo shaqada ku cusub una baahan tababaro
fiican
·
Aqbalaada magaca cusub (brand recognition)
·
Bilowga macaamiisha oo yaraata
|
|
|
|
Fursadaha jira (Opportunities):
v
Suuqa oo aad u balaaran
v
Alaab cusub oo aanu keenayno
v
Fikrado cusub oo aanu soo kordhinayno
v
Macaamiisha wax iibsan karta oo badan
v
Dadweynaha waddanka oo badan
|
|
Khataraha imaan kara (Threats):
Ψ
Amniga oo xumaada
Ψ
Sharci cusub oo dawladdu soo saarto, una baahan in la
dhaqan galiyo
Ψ
Loolamayaasha oo si adag ula tartami kara
Ψ
Baahida suuqa oo is badbadasha
Ψ
Sharciyada dawlada oo is badala
Ψ
Bad xidhan dhaca |
10.1. Xeelada looga baxaayo haddii shirkaddu socon weydo
(Exit strategy):
Haddiiba ay timaado in AEC ay ku guulaysan weydo
ganacsigeeda ayadoo samaysay wax wal oo horumar u keenaya
waxaa diyaar u ah in ay war geliso saamilayaasha
(shareholders) una sheegto halka ay wax marayaan iyo
sababaha keenay, kedib waxaa loo soo ban dhigayaa dadweynaha
(initial publice offering) haddii ay baahi timaado.
Halkudhigeenu (Slogan) waa my first choice is AEC
La soco qaybta 6aad
Mustafe
Ibraahim
mustaf1970@hotmail.co.uk
Uk.
webmaster@ceegaag.com |